waa maxay guul darooyinka hareeyen qaranka somalia

28 06 2009

  cayaartaan aa waxa ay ka dhacday xaafada aan kadaganay magaalatada nairobi ee wadanka keena ee wets, garoonka caanaka ee yaayoo national stadioum, cayaartaan aan waxa aan ka ahaay goob joog inastoo uu jawiga xumaay  ayna aheed maalin rooba garoonka uu qoyanaa maalintaas maxaa dhacay .

Xulka Zimbabwe ayaa galabta 2-0 ku dhiftay dhiggiisa xulka qaranka K/cagta wadanka Soomaaliya, kaddib ciyaar aad u adag oo labada Qaran ku dhex martay garoonka Nyanyo ee Magalaadda Nairobi.

Inkasta oo roob xoog leh uu da’ayay, isla markaana uu garoonku ahaa mid dhiiqo iyo dac ah, hadana xulka SOomaaliya wuxuu soo bandhigay ciyaar aad u macaan oo ay ammaneen Guddiga CECAFA oo fiisanayay ciyaarta Somalia Vs Zimbabwe, iyagoo sheegay in xulka Somalia uu ka ciyaar wanaagsanaa Zimbabwe.

Daqiiqadii 30-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa weeraryahanka xulka Zimbabwe Manggezi Tapiw wuxuu shabaqa xulka SOmalia uu dhex dhigay kubad liciif ah oo si dirqi ah uga fakatay difaacyada xulka SOmalia, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0.

Laakiin markii labada xul ay mar kale iskugu soo laabteen qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta waxaa gool madax ah laga dhaliyay dhalinyarada xulka qaranka SOomaaliya, waxaana Zimbabwe u dhaliyay goolkaas kabtankooda Zhokinyi Guthrie.

dhowr fursadood oo ciyaarta bar-bar dhac ama guul looga heli karay ayaa goolhayaha xulka Zimbabwe uu meesha ka saaray, kaddib markii uu gacanta ku dhigay dhowr kubadood oo ka soo baxday lugaha weeraryahanada xulka Qaranka ee kala ah Sidii Siciid iyo Maxamed Yare.

“Soomaaliya waxay nala ciyaartay, ciyaar u wanaagsan oo xirfad leh oo aan aheyn sidii aan fileynay, sababtoo ah markii hore waxaan ku fikireynay in aan si sahal ah ku dar dari karno, laakiin hada way iska keena dhiciyeen, runtiina tani waxay ku tusineysaa in xul la dhayalsan karo aanu aheyn xulka SOomaaliya” ayuu yiri Tababaraha xulka Zimbabwe Mapeza Normay oo saxafiyiinta la hadlayay dhammaadkii ciyaarta.

Tababaraha xulka SOomaaliya Cabdi Faarax Gelle ayaa oo isna wariyaasha la hadlayay ayaa sheegay in ciyaartooydiisa aysan niyad heynin, sababtoo ah wuxuu yiri “Sida aad la socotaan maanta oo ugu dambeeysay waxaa wadankeena ka dhacay musiibo aad u xun, Wasiirkeena Sports waa dhaacmay, dad badan oo ikhyaar ah ayaa la dilay iyo kuwa kale oo masaakiin, sidaas daraadeed dhibaatada wadankeena ka socota daraadeed, wax ka badan inta aan hada sameynay ma yeeli karno”.

w/d: owqasin                                                   dabaqiin@gmail.com www.dabaqiin.wordpress.com


Actions

Information

One response

21 11 2011
abshir cuamr

waxaa hareeyay qaranka kubada cagta soamliyeed una keenay guul darada waxaa kamida qaran dhabo oo jirin & qabyaalad dhanka isbortiga gashay marka kale waxaan dhihi karaa niyad maheestaa dhalinta somaliya

Leave a comment