Xaflada Furitaan Mascud Talk Show oo lagu qabtay magalada Nairobi

19 01 2010

Maxamed C/Nuur Mascud oo ah mid kamida Dhalinyarada Xaafada Dabaqiinka ahna qofka Sameyay mascud Talk Show ayaa halkaasi kalahadlay

Dabaqiin.wordpress(nairobi-kenya):-Xaflada si weyn loo soo agaasimey  oo si aad u heer sareysa looga soo qeyb galay ayaa lagu qabtay magalada Nairobi, taas oo lagu daah furayay Mascud Talk Show.

Ugu horeyn waxaa xaflada hadal ka jeediyay Maxamed C/Nuur Mascud oo ah qofka Sameyay Talk Show oo kasoo maaxatey fikirkan saliimka ah, kaasi oo si cad uga hadlay muhiimada barnamijka, isagoo ka dabaday bahda saxaafada iyo bulsha si uu barnamijka u noqdo mid waara. 

“Aniga waxa aan fikiray Mascud Talk Show, balse wariyaasha Somalida ayaa si weyn igu cawiyay inan halkaan keeno… waxa aana rajeynayaa inuu halkaas ka saro maro barnaamijkan” Ayuu yir Mascud.

Maxamed Colaad Xasan oo ah Wariyaha BBC-da iyo Wakalada AP uga soo warama Muqdisho, isla markaane ah gudoomiyaha ururka wariyasha dibada la hadla ayaa waxa u si talo iyo farxad ay ku dheehantahay ugu soo jeediyay Mascud Talk Show isagoo si gooni ah farta ugu fiiqay in marka hore xarun lahelaa si ay dadka sibadaha ka imanaya ay ugu soo hagaagaan. 

Maxamed Deeq Haldhaa oo ah siyaasi Somaliyed isla markaane qora ah ayaa si weyn usoo dhaweyay barnaamijka Mascud Talk Show, uu sheegay in marka loo eego duniada hor martay ay leehyihiin balse ay iminka Somalida ku cusb tahay.

Sidoo kale Ustaad Maxamed Cusmaan new York ayaa ka sheegay “Fikirkan waa mid kasoo maaxatay maskax da’yar, fikirkana waa mid weyn oo u baahan tagerid iyo sii xoojin dhamaanteena, loona baahan yahay inan ku taagerno” ayaa yiri. 

C/laahi Cabdi Cabdulle oo ah Agaasimaha shabakadda MuqdishoNews ayaa sheegay in Mascud Talk Show markii uu arkay uu si weyn ugu farxay, balse waxa uu sheegay inuusan barnaamijka noqon mid istaaga.

Sahra Cabdi Axmed oo katirsan VOA ayaa shegtay in ay suxufiyiinta marar badan buun buuniyeen siyaasi Somaliyeed markuu wax noqdana isbadala, waxaa loo baahanyahay ayeeyse tiri, in lataageero oo kor looqaada fikirka suxufigan Mascud keenay oo ah mid bilow wanaagsan, iyadoo kula talisay in hawenka codkooda kor loo qaado. 

Agasimaha Website-ka Wariyaha Maxamed  C/laahi Adan Siidii oo isaga halkaas ka hadlay ayaa codsi u jeediyay madaxda TV-yada in ay tabiyaan barnamijyada Mascud Talk Show, maadama uu yahay mid dadweynaha u baahan yihiin. 

Qoraaga cusman abukar oo ugu dambeyntii kahadlay xaflada ayaa ujeediaya mascuud talooyin ku aadan jiritaanka barnamijka iyo jadwaleynta waqtiyada. 

Xaflada ayaa ugu dambeyn ku soo idlaatay jawi aad u wanaagsan iyo isu geynta fikrado muhiim ah oo uu urursaday aas aasaha barnamijka Mascud Talk Show.

Fikirkan ayaa noqday kii ugu horeeyay ee noocisa oo qof suxufi Somali ah keeno, abid in la qabto Talk Show Somali ah.

W/Q: Cabdishakuur Faarax Cigale * Geedi *

E-mail: shakuuryarenew@hotmail.com Nairobi-Kenya

HOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIIN

       Laxariir:-  dabaqiin@gmail.com ama dabaqiin@email.com


Actions

Information

Leave a comment