Waa Sidee Xaladaha Aay La kulmaan Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ee Tahriibka Ku Maraan Wadamada Latin America

18 03 2010

 Mid ka mid ah ah Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin aadka looga yaqaan oo ka warbixiyay safar Tahriib ahaay  mudana qaatay oo uu kumaray wadamo fara badan oo  Latin America  ka tirsan.

Dabaqiin.wordpress(usa-calafornia):-Waa aniga oo ah Abdulahi mohammed Ahmed *naash* ayadoo dhalinyarada xaafada dabaqiin kaliya  intooda badan ay ii yaqaanaan Cabdulahi-Booteye, Dadka intiisa kalan ay ii yaqaanaan Cabdulaahi*naash* ama *iskutaale*.

Waan  salaamaya Dhamaan Dhalinyarada xaafada Dabaqiin meelkasto oo ay Dunida ka joogaan  salaan kadib waan caafimaad qabaa adinka dhana waxan idiin rajeeyna sidaas iyo silamida.

Salaan kadibna hadaan ka waramo safarkayga anigoo kaga hadli  qodobo badana, waxa aan soo maray  safar aad udheer aan sahlaneen, Safarkayga waxa aan ka bilaabay wadanka South-Africa gaar ahaan magalada Johanspage aan mudo kashaqaynaayay aana  kusugnaay .

  • BILAWGII SAFARKAYGA KASOO AHAY AFRICA TO AMERICA

Safarkayga waxa  aan ka bilaabay Johanspage- South Africa,  Tariikhdu markay aheed  14/11/2008  anigo ku wajahan wadanka Brazil si aan uga sii wato safaradayda kale ee aan ku maraayo wadamada Latin America.

 Waxaan ku sugnaay wadanka Brazil mudo ah 3bilood aan ugu xayirmay dhinaca lacagta taariiqda markee aheyd bishii 3aad 2009ka waxaan halkaas ka sii watay safarkeegii waxaan aaday wadanka Venezuela waxaan ku sugnaa labo malin kadib waxaan ugudbay Colambia waxaan joogaay muda dhan 16malin waxaan diyaarad uracay anagoo ah 3qof oo somaliya Jaziirad ku taal wadanka Colambia Jaziiradasina  aan kasiiraacay doon waxaan ku tagay wadanka ladhaho  Nicaragua halkaas aan kasii aaday Guatemala.

  • XILIYADII IIGU ADKAAY SAFARKAYGA

 Safarkeyga  waxaa igu dhib badnaay marka ay Tariikhdu ahayd 17/4/2009 markaan katagay Nicaragua  aan usocday Guatemala waxaan raacay taraag anagoo ah 10 qof xiligaas  oo ay nagu jirto hal Gabar oo Elataria ah inta kalana waxay ahaa yeen  Wiilal Soomaali wada ah, Ayadoo qoraxda aad ukululeed waxaan Taraga ku suuxay dhalin yaro badan oo Soomaaliya  ah maadaama uu  sanlaheen meel laga leersado waxaana saarneen Taraagaasi ilaa 30 saacadood,  kadib markaan galnay wadanka aan usoconay ee  Guatemala waxaa naqabtaay police halkaas aan iskaga furdaaminay lacag laa luus ah.

Waxaan dhihi kara waxa aan ka mid ahay  Dadka ugu nasiibka badan, Lakiin dhalinyaro badan oo soo rafaaday ayaa jiro aana dhex isku aragnay ayaga oo ka soobaxay xabsi ku yalo Nicaragua , Dhalin yaradaas waxay xabsi ku  xirnaayeen 45malin wayo waxa ay tahay meesha ugu dhibka badan oo lagu xiro Soomaalida marka loo fiiriyo wadamada kale waxa aa ugu dhib badan Nicaragua iyo Banama, labadaas ayaa ugu daran oo Soomaalida lagu xiraa ayna ku rafadaan  siiba wadanka  Banama waxay xirtaa Soomaalida mudo dhan 5bil iyo kabadan.

Dhanka  kale hadaan kaa waramo safarada ee soomaraan soomaalida udhaxeeyo Brazil iyo Mexico, Soomalidaasi oo soomaraan xabsiyo ama soo maraan badaha ku yaal latiin america halkaas oo uga baxdo lacago badan kuna jiraan jidka bilooyin badan, ayadoo aan la shekaysat Soomaali badan ayay hadana ii sheegeen wax yaaba fara badan.

Waxa aan layaabay waxa ay aheed markii ay iiga sheegay arintaan, Doon ayay waxa ay kasoo raceen wadanka Colombia waxa ay usoo raceen Wadanka Costa Rica, Doontaasi ayey waxa  ay ku guda jireen safarkooda mudo dhan 4 Maalin, iska kuwa kalan aa waxa ay ii sheegeen ianay ku qaadatay safarka bada ee u dhaxeeya Colombia iyo  Costa Rica mudo 7 maalin ah aydoo ay shegeen inuu ka go ay Shidaalkii.

Isku soo wada duubo waa ay fara badan yihiin Dhacdooyinka ay la kulmaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.

  •   SII WADA SHADII SAFARKAYGA WAX YAABO BADAN OO ISOO MARAY KADIB

Safarkaygii aan kasii watay  Guwatamala kadib waxaan galay Maxico aan isku dhiibay Imagareshinka Doolada aniga iyo soomaalidii kale waxaan ku jirnay 14 malin waxay na siiyeen waraaq loogabaxaayo wadanka mudo 30malin gudaheed.

waxaana sii watay safarkayga ayadoon dhamaan mudada wadanka Maxico ay noo qabteen aankabaxnay Wadankaasi waxana tagnay xadka ay la leeyihiin Wadanka Marekanka ama USA waxana  is dhiibay, Wadanka mareekanka waxana ugu soo horeeyso Gobolka  California ee xadka  kuyaal.

  • SIDII LA II QAABILAY IYO WAXA AAN KALA  KULMAY GUDAHA WADANKA MAREEKANKA

Wanala qaabilay inkastoo Soomaalida dhamaan soo gasho wadanka Maareekanka oo Qaxotigaa ah  kuwa tahriibka kusoo galo aya waxaa lagu aruuriyaaa Xabsiyo ayagoo laga baaraayo, Waxana baritaankooda ugu badana uu yahay in laga baraayo inay wax xiriir ah la leeyihiin haba yaraate  Burcad-Badeed ama Al-shabaab ayadoo aana taas kala mid ahay Soomaalida meshaas iska dhiibtay ee Qaxwootiga ku ah.

Dadka waxa ay wada maraayan Xabsi waana la xira qof kastoo Qaxwootino kusoo galo, Aniga waxa aan xirnaay modo 10 bilood ah waxa aana Maxkamada la isoo saaray ilaa mudo 5 jeer ah, Inta badan waxay kusaab saneed maxkamadeentayda waraysiyo dheer ay kula samenayan Imagareshinka kuna saabsan waxyabaha noloshaada wareysigaasna qofkastana waa uu maraya .

Lakiin dadka inta badan waxa ay xirnaadaan mudo 6 ama Bilood, Qofka ugu yare e Maxkamada lasoo saarana waa ilaa 3 jeer.

Baritaanadaas aye kala kulmaan maxkamadeen badan soomaalida waxa aa usii dheer inaysan helin Sharciyada wadankaasi Dhibaatooyinka kale ee ugu wa ween waxay  tahay in soomaali badan Sharciga loo diiday ayadoo inta badan ay dhalinyaradaasi oo sheegatay beelaha waa ween ayagoo   lagu dhahay Qabiilkaas waa Qabiil weyn .

  •  MUDO KADIB AAN MARAY MAXKAMADA BADAN IYO XABSI DHEER WAA LA IQAABALIYAY

Safarkaygii waa uu iisoo dhamaaday hadana waan kabaxay waana ka gud bay waxyabahaas oo dhan ayadoo ay lacag fara badan igu baxday,  Hatana waxaana qaatay sharciga wadankaasi USA waxan ku suganahay Gobolka wayn  ee  California ee xadka ku yaalo gaar ahaan magaalada San Diego .

  • UGU DANBENTI WAXAN USO JEDINA WANO KUSABSAN DHIBATADA TAHRIBKA  DHALINYARADA MELKASTA AY JOGAN

Waxana leeyahay Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ama kuwa Soomaalieed meelkasto ay joogan Tahriibku ma ahan wax fiican yaysan kusoo dag-dagin, Waayo marka hore wax kasta waxa aa lagaaga dhiga wax fudud lakiin marka aa guda gashid aa arkee dhibkiisa aana ka shalaaynee  sida inbadan dhacday, waayo somalida aa waxa ay ku maah maahda:- Dhimbil daba ninkii ku guba aa arko xanuunkeda, Dhulna ninkii mara aa laga wareesta.

walalayaaloow haduu hal qof uu nasiib uu usaaciday inuu dhibla aan mesha uu rabo tago adiga ha galin naftaada halis waa talo aan usoo jeedinaayo dhalinyarada soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin meelkasto ay joogaan.

Waxa aan leeyahay Dhalinyarada Soomaaliyeed qaas ahaan Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin meelkasto ay joogaan ALLAHA wadan keena Dhibka Ka Qaado Nabad Nooga Dhigo Dibna noogu celiyo anaga oo Nabad iyo Caafimaad Qabno..Aamiin..Aamiin.

W/Q: Cabdulaahi Maxamed Axmed *naash*  USA Calafornia – Sandiago

 E:mail: iskutaale@hotmail.com

HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIIN

waxii fikrada ah noogu soo cinwaanada ama warar ah ama talo adigoo mahadsan talada waa mid kawada dhaxeesa dhalinyarada xaafada dabaqiin talaana meel lagu gaara.

dabaqiin@gmail.com ama dabaqiin@email.com

                  wwww.dabaqiin.wordpress.com 


Actions

Information

11 responses

22 03 2010
dabaqiin

waa

22 03 2010
burhaan xaasan mataan

dhamaan waan idilsalamayaa walaalahey reer dabaqiin, gaar ahaan sxb ama walkey igayaar c/laahi booteeye oon saxiibo qaas ahayn kk waayo
nolasha inteeda iguxasuusta badan waa yaraanta waana soowada qadanay
sxb alle ayaan kumahdineynaa haduu meeshaa halista kaabadbaadiyay
salaatul shukrina dugo sxb koley wacdaro waad aragtay waanana inkastoo
aadan kamaarmeyn hadana waqtigaa kuwaaniyay sxb ,
kkk anagaba kaama sharyareyn waloo aanan safargaaga gaareyn haddana
dhamaanteen alle waa nawada keenay oo yurub ayaan wada joognaa
waxa meesha nooga dhintay waa laboqof oo muhiim aheyd oo kale aheed
muumin jiis iyo qayoofe allahana unaxariisto sxb waan kusalamayaa
noqo mid dalkiisa iyo diintiisa wax uqabto meel fiicana waad joogtaa e sxbow fadlan wax baro oo dalkaaga ha usoolaaban adigoon wax uqabankari waa igatalo byy sxb allahu macaka

12 07 2010
cali max'ed caabi

dhamaan waxaan halkaan kasalaaymayaa dhalinyaradii dabaqiin qaasatan iskutaale c/fitaax & c/raxmaan colaad c/laahi (bulacoow) iyo geedi faarax cigale iyo dhamaan meel kasto oo ay joogaan dhalin yaradii reer dabaqiin

10 03 2012
Suldaanka umada somaliyeed

Waa safar wacan

26 06 2012
Anonymous

http://www.s24tv.com fiirso waa tv soomaliyeed ah

18 07 2013
Anonymous

Runti wa arin yap leh aniga laftigego wan jeclahey inan so maro wadadas lkn waxa rapa safarkega inan ka bilapo south africa kadibna brazil cabdulahi sxb brazil malagu nolankara

20 07 2013
khadar abdiqadir

Aniga ah khadar abdiqadir kuna magac dher laki Wow wan salamaya dhaman dhalinyarada dabaqin safarka horta wa safar ad udher lkn aniga ahan waxanpa ku heysta brazil marka cabdlhi waxan weydina laha brazil wa side into jogase muxu kala kulmey matahey mel la isku qabilo ama laga shaqeysto tasa weydin laha?

31 07 2013
sharma sharaf

asxabey waan adin salamay gaar asxaabta xaafada dabaqin asxaabey qaarada madow kaso kala yaaca aniga ahaan hadda waxaan joogaa colombia waa meel nolosha raaxadeeda taal thank u sxbey

12 07 2014
Anonymous

mashalaah ilaha ku nabadgeeyay ayaa mahadle marka hore lkn cabdilaahi waxan ka codsan lahaa brasil meeshee laga helaa mukhalasinta

3 08 2015
qadar ali

sxb c/laahi souf africa sedeen ugu baxa sxb adigo mhd sn sxb sre

3 08 2015
qadar ali

sxb brzil hadn iska jogo kwrn abdi laahi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: