Barnaamijka Isku-Xirka Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin

10 04 2010

Barnaamijka isku xirka dhalinyarada ayaan ku wareesanay mid ka mid ah dhalinyada xaafada dabaqiin caanka ka ah , Hadana ganacsade ka ah Nairobi-Kenya

Dabaqiin.wordpress( Nairobi-Kenya ):- Waxa aan waraysi dhinacyo badan taabanaya  aan ku la  yeelanay Barnaamijka Isku-Xirka Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin, Gooba kala duwan Maxamad cabdi adan* afeey* oo ka mid ahaay Dhalinyaradii aadka looga yaqaanay Xaafada Dabaqiin, hatana kusugan Nairobi-Kenya kana mid ah  Dhalinyarada fara ku tiriska ee Ganacsiga ku leh wadanka Kenya.

Maxamed Cabdi Aadan aya waxa uu nagu soo boqday Xafiskena aan ku leenahay  Nairobi-Kenya gaar ahaan xaafada sida aadka ay udagto Soomaalida  ee Islii.  Oo aan Waraysiga oo laba qebood ka kooban aan Qeebtisa 1aad  kula yeelanay Xaafiskeena, Qeebta 2aadna waxa  aan ku booqanay goobtiisa Ganacsi.

Waraysiga aya waxa qaaday oo iskuna soo daba riday  anigoo ah Maxamud cabdisalaan  Shido oo Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin intooda Ciyaaraha ay iigu Na-nesaan Maxamud Mutu, Dhalinyarada qeebaheeda kalana ay ii yaqanaan Maxamud-Anas.

Waraysiga oo ahaay mid aad u xiisa badan oo dhinacyo badana taabanaayo  aya waxa uu udhacay sida tan:-+(Sawiro)

BARNAAMIJKA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIIN

  

                                                  Qeebta 1aad

                                     Dhacdoyinka iyo Safarka    

                          

Anas:- Marka hore  kusoo dhawaaw  adigoo mahadsan Xaafiska Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ay kul;ee yihiin magaalada Nairobi-Kenya , Marka xigto adiga oo ka faa idaysanaya fursadaan qaaliga ah waxii  Salaan, Hambalyo iyo Tacsiya ah oo aad u dirayso Dhalinyarada xaafada dabaqiin meelkasta oo ay joogan?

Afeey:-Marka hore  waxa aan aad ugu mahad celinya Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ee isku hoowlay arimahaan isku xirka Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin meelkasta oo ay joogaan waxa aana leeyahay waa arin wanaagsan dadaalkiina sii wada anigana waan ka qeeb qaadana INSHA ALLAH , Run ahaantiina waa wax aad loogu farxo adigoo joogo goobtaada ganacsi  ama goobtada wax barasho aduunka meelkasto oo aad ka joogtid aad fursad u helikartid wax yaaba badan inaa ugudbiso Dhalinyarada Xaafada. Marka xiga hadii aan uga galo Barnaamijka waxa an Dhamaan Salaamaya Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin meelkasta oo ay dunida ka joogaan, waxa aan si qaas ah waxa aan u Salamaya Dhalinta inta badan aan fursad isku helnay ama uu xiriirka aad u dhaw aan laheen sida: Cabdinaasir* Talaata*, Maxamud *Kaba-cali*, Shariif*Leejo* Cabdiraxmaan*Guunbe*,Saalax, Qadar, Cabdiyare iyo Baashi*Carab* inkastoo aan halkaan kuwada soo koobi Karin. Waxa aan Hanbalyo udira saxiibkay qaaliga ah Cabdinaasir Talaata oo loo dhalay wiil loona baxshay Cabdiqaadir cabdinaasir Nuur  oona loogu magacday saxiibkeena Cabdiqaadir Owqasin. Marka xiga waxa aan lee yahay intii Dhimatay ALLAHA Unaxariisto.

Anas: Maxa aan waydiiyay wax manooga sheegi karta xiligii kugu danbeesay Xaafada Dabaqiin aadna soo gaartid wadankani Kenya iyo wax yaabihii kugu dhibka badnaay intii aa Safarka soo aheed?

Afeey: Waxa aan wadanka iyo Xaafada Dabaqiin igu danbeesay  Taariikhduna aheed 20/05/2007 , waxa ay ahayeen intii aan safarka soo ahaay wax yaabihii igu yaabka badnaay ama igu dhibka badnaat aan la kulmo anigoo usoo socday wadanka Kenya casimadiisa Nairobi  muda dhan 1bil oo aan la kulmay xiliga aan safarka kusoo jiray xili Roobaad aad badan iyo ayadoo wadankii dagaalo ay kasocdeen xadka kenyana aad loo adkeeyay, aniga iyo dhalinyara kale aa waxa aa naqabaty Askar kenyana  xili aan mareenay Xirada Qaxwootiga ee Dhadhaab inkastoo ay nadayeen, waxa kaloo dhacy mar kii aan soo garay wadanka Kenya casimadiisa Nairobi gaar ahaan xaafada sida aadka ah ay Soomaalida u dagaan ee Islii loo yaqaan xaafada aan ka daganahay ee Jam street anigoo wada maraaya aya waxa Alwaax igu Ceejiyay rag badan oo Tuugo ah, Markaas ma  aanan wadan wax saas uwayneen  waxa aana watay oo kaliya mobil-Tooshla ah aya waxa aa iga tagay halmar miirki waxa aan soo kacay anigoo meel cidlo ah dhex jiifo, waxa aan arki jiray Tuugo Qori , Biskoolad ama Torey wax ku dhacdo Lakiin waligay ma arkin Tuugo Alwaax iyo Ceeji wax ku dhacaysa.

 

                                   Dhanka  Ciyaaraha

Anas: Waan garanay dhab ahaanti waa wax aad u yaab badan, Taasi waxa ay aheed safarkaadi iyo wax yaabaha kugu dhibka mbadnaay ama kuugu yaabka badnaay  aa kala kulantid, Hadii aan ugudbno Barnaamijka qeebahiisa kale sida Ciyaaraha  waxa aa tahay Mid ka mid ah Dhalinyarada Lacibiinta ah ee xaga Gool dhalinta  sida aadka ah loogu yaqaan ay Xaafada Dabaqiin, wax manooga sheegi karta xiligii aa soo gashay Ciyaaraha iyo xiligii Garoomada aa kabaxday, iyo wax yaabahii aa uga baxday, anigoo Nasiib u yeeshtay inaan ku wareesto aana halkaan ku kulano inkastoo aanan isku xili ahayn dhanka Ciyaaraha?

 

 Afeey: waxa aheed xiliyadii aan ka  soo muuqday Garoomada xaafada ka baxsan ee waa weeyn ee inta badana la iskugu imaado ee koobabka  ka dhacaan 99kii ilaa 200kii,Waxa aana garoomaday ka baxay 2005kii dhamaadkisa, Anigoo nin famil ah noqday xiliyadaas agteeda.

Anas:Waxa manooga sheegi karta xiliyadaadii ciyaaraha , marka aa garoonka ku jirtid raga aa jecleed inay garabkaada ka ciyaaran?

Afeey:Inkastoo  ay jiraan rag badan hadana waxa ay yihiin raga aan sida aadka ah u jeclaay inay iga garab dhelaan  marka ay garoonka aan  ku jiro waxa ay kala yihiin Cabdiraxmaan guunbo, cabdinaasir talaata, maxamuud kaba cali saalax ,qadar iyo cabdiyare.

Anas: Ayadoo aan ognay marka la eego isbortiga xaafada  inay jireen kooxa aad xifaltan uga dhaxeeyo,Wax manooga sheegi kartaa kooxdi aa ka tirsaneed ee xaafada dabaqiin magaceeda iyo kooxduu xifaltanka idinkala dhaxeeyay?

Afeey: Waxa ay aheed kooxda aan ka tirsanaay Chealse anago naloogu magacday funaanada aan wadan jirnay ee kooxdasi ku dhesho maga ceeniina uu ka awood batay magacaas, waxa ay aheed kooxda inta badan sida aadka ah uu xifaltanka nooga dhaxeeyay kooxda Carta.

Anas: Kulankii kugu yaabka badnaay shaqsiyadaada kuguna xasuusta badnaay ee calami ah aadna gool ka dhaliso  ee ka dhacay Garoomada  Xaafada Dabaqiin ama Garooma kale  ayadoo aan ognahay ina aheed dhanka Gooldhalinta Gooldhaliyashii fara ku tiriska ahaay ee xaafada soo maro iyo kooxaha aa la yeela teen kulamaasi xiisaha badan ?

Afeey:  Waxa ay aheed kulankaasi kulan ka tirsanaay cup la qabto 2002 Ramadaankii aan layeelanay kooxda carto uu naga dhaxeeyay xifaltan xaga kubada cagta ah anagoo ku kulanay Group A Carto vs Chealse oo ku dhamaaday 1-2 oo ay guusha nagu raacday, goolka kowaad waxa aa dhaliyay Cabtan Talaata waa ay nabareejeyeen  ayadoo ciyaarta dhamaan rabto aan ka Dhaliyay goolki guusha, Kulankii kale ee calami ah waxa uu ahaay kulan aan la yeelanay anoo ku ciyareynay magaca Xaafada Dabaqiin koox ka socotay Warshada-Bastada kana dhacay garoon ku yaala isla warshada baastada ayadoo ayka mid ahayeen ragii ka trirsanaay warshada ee aan ka xasuusto aboor iyo rag kale kulanka oo ahaay mid Sami-final ah   Warshada-Bastada vs Dabaqiin vs: 0-1, goolka guusha aan ka dhaliyay  qeebti danbo dhamaadkeeda kubad madax ah oo uu soo qaday Captan Talaata anigoo Madax  Xiiran, xiliyadasna ay Dhalinta Xaafada ee Ciyaaraha ay igu naneseen Ronaldo.

 

Anas: Waan garanay ma jiraan kulamo kalo oo xasuus kuu leh marka laga sootago kulamada caalamiga ah ?

Afeey: Haa waa ay jiran waxa aa jiray garoon aad u yar oo xaafada dhinaceeda ku yaalay aya waxa aa ka dhacay kulan aan hilmaami Karin oo aad xiiso igu leh, garoonka aya waxa aa lagu gala afar iyo boorto , waxa ay aheed  tariikhda 09/06/200kii koox aan watay iyo koox uu watay maxamuud walaal aya fooda is daray , waxa ay kala ahayeen Ciyaaryahanadii Galabtaas  sidanan:-

 Afeey Time

Afeey, Talaata, Adancali, Maxamad cali iyo boortayeeri cabdikariin.

Walaal Time

Maxamud walaal, Shariif *leejo*, Cabdiqaadir *Baroodo*, Ibraahin *Darbo-Qaboow* iyoboortayeeri Cali.

Waxa uu ku soo gaba gaboobay kulankii AFEEY VS WALAAL : 3-2 oo ay guusha kuraacday kooxdii magacayga ku ciyaareysay, goolsha galabtasina waxa aan ka dhalinyay    2 Gool qeebahii danbe ee Ciyaarta , Goolka kalana waxa aa xaqiijiyay Adan cali bilawgii ciyaarta.

Anas: Waxa aa tahay Ciyaaryahanada ugu goo lasha badan ma jiraan marka la fiiriyo kooxa kale ee xifaaltanka idinka dhaxeeyo sida naadiga Carto oo aad kawada dhisnedeen Xaafada dabaqiin aana si aad ah uu idinkaga dhaxeeyay xifaltan, marka Garoomada lagu jiro madama aa tahay Ciyaaryahan dhanka hore uga dheelo kooxdisa kulamada aa la dhelaydiin carto marka garoonka laguda galo difaacyada sida aadka ah ee aan la mari Karin ama raga kale ee xifaltanka qaaska ah kala dhaxeeyo  shaqsiyadaadana aadka kuu dhibay?

Afeey:  Haa waa ay jiraan Difaacyada marka aan ubaxayno kooxda carto aan jeclayn inay ku dhex arko ama kubada igu adkeeyo waxa aa ka mid ah  cayaaryahan  Dabeeyl, Cabdirisaaq-Harqaanle, iyo rag kaloo fara badan,intaasi waa Carto dhakna kooxaha kale waxa aan jeclay inay kubada ayagoo iga soo hor jeeda ila qeebsadan Baashi-carab, Talaata, Shariif-leejo, dhanka Gool Dhalinta marka la dhaho, Dhanka Xaafada cupka ka dhaco ama xifaaltanka Gool Dhalinta Xaafada dadka aan sida aadka igula tartamo waxa aa ka mid ah Cali-Wayeel oo run ahaantii xiligaasi ahaay cayaaryahan Aad u da’yaraay hadana aad u Nasiib badan marka Gooldhalinta loo fiiriyo marnaba inta badan Garoomada Gool la’aan ka bixin.

Anas: waxa aa tahay Gool dahlia ay xaafada ku faanto marka laga hadlaayo koobabka xaafada lagu qabto iyo kuwa xaafada banaankeda ka baxsan sidaan ognay manoo sheegi karta inta jeer aaa ku guu laysatay Gool dhalinta koobabka xaafada  iyo kuwa xaafada kabaxsan?

Afeey: Dhab ahaan tii waa ay jiraan inkastoo aan si aad ah uxasuusan waxa aa jirtay xiliya kala duwan aan ku guulaytsay gool dhalinta xaafada koobabka lagu qabto  ilaa 2jeer iyo 1mar oo aan kalinta 2aad ka galay cup lagu qabtay Warshada-Bastada.

Anas: waxa aan og nahay marka Garoomada lagu guda jiro Ciyaaryahan kasto waxa uu ku leeyahay saxiib qaas ah Garoomada ha lama labo, Ma jira Ciyaaryahan aad ku qanacsan tahay xaga niyada inuu kaa ag safto xiliga aa Garoonka ku jirtid ?

Afeey: Haa waa ay jiraan waxa aan ka mid ah Ciyaaryahan Cabdiraxman-guunbe iyo Cabdinaasir-talaata oo ahaayeen cayaaryahanada marka aan Garoomada uga jeedo mid ay niyadeeydu aheed mid farxad leh xiliyadaasi.

Anas: wax ma noogoa sheegi karta kulamadii  kugu danbeeyay ee Xasuusta kuu la’haay ee aad Garoomada uga baxday  aadna  ka qeeb qadatay, ha ahadaan marka loo baxayo Naadisha Xafada iyo kuwa ka Baxsan ?

Afeey: Haa waa ay jiraan waxa ay ahayeen kulamadaasi markaaan ku hor marko kulamada Xaafada ka Baxsan waxa aa jiray kulan aan ku dheelnay Dagmada Hilwaa anagoo ku dhelayna magaca Xaafada waxa uuna u dhacay kulankasi qaabka Hilwaa vs Dabaqin:3-2 oo aan Goolka Guusha ka Dhaliyay 2004kii dhamaadkiisa.Dhanka kale marka  la dhaho Naadiyasha  Xaafada kulan aan la yeelanay Naadiga  sida aadka ah ee Xifaltanka nooga dhaxeeyo ee Carto-FC oo Bar-Baro kusoo gaba gaboobay.

Anas: waan garanay inkastoo aan oganay inaa Garoomada iskaga baxday 2005kii dhamaadkisa , waxa aa noo sheegta majiraan xiligaasi kadib ina Garoomada ku soo labatay ama kulama la dhihi karo waa kulamo calami ah aa dheeshay?

Afeey: Run ahaantii waa ay jireen kulamo aan ku dheelay Garoonka weyn ee SoS lakiin ma badno mana jirto wax kulana oo aan Xaafada ku dheelay, kubadeyda aya waxa ay kusoo aruurtay banooni Oda yeed, waxa ayna u badatay Garoomada Salaxa kaliya inta badan.

Anas: Ugu danbeenti hadaan Su’aal kaftan ah aan sii raacsado mar aan la sheekaystay raga aadka iskugu dhaweydiin haladhaho xaga Ciyaaraha ama xaga Shaqsiyadaada, waxa ay ishegeen inaa garoomada uga baxday arimo Jaceel adigoo ugu danbentiina ku Guulestay, mar aan Su’aashas inta Barnaamijka kuguda jirnayna aan ku waydiiyay aadna ka Gaabsatay, bal wax nooga yara sheeg, Inkasto aana ognahay inaa tahay Aabe Leh  Caruur ?

Afey: Run ahaanti waa ay iska jiraan wax yaaba badan, hadana waa arin mesha ku jirto arinta aa ka dhawaajisay ee Jaceelka, lakiin hada waxaas oo dhan waa laga soo gudbay.

                                    Qeebta 2aad

                                 Dhanka Ganacsiga 

Anas: Hadii aan ugubno waraysigayna Qeebta 2aad oo aan kusoo qadan doono Ganacsiga iyo  dhanka Talo soo jeedinta Dhalinyarada madaama ay Dhalinyadii aduunka ku kala firarsan yihiin, Hasdii kubilaabno dhanka Ganacsiga waxa aa tahay Dhalinyarada fara ku tiriska ee Ganacsiga ku leh wadankani Kenya casimadiisa Nairobi gaar ahaan xafada Islii, goorma ay aheed  xiligii kugu horeeysay aa halkaan ganacsi ka bilaawdid iyo waxa yaa bihii aa ku bilawday ayadoo aan oganahay Dhalinyarada inay Barnaamijya kala duwan u imaadan ?

Afeey: Waxa ay aheed xiligii aan ka bilaabay Ganacsiga wadanka Kenya casimadiisa Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii,Tariikdu marka ay aheed  05/01/2008 oo aan ka Shaqa bilaabay Maqaayad aana ka shaqeynaayay mudo 1bil ah, Kadib waxa aa igu xigay Ganacsiya kala duwan oo aan Shaqsiyadeeda watay aana Qofna ugu Qhaqeyn, Mudo kadib ayaan dukaankan  Ganacsi ka bilaabay.

Anas: waangaranay, wax manooga sheegi karta Dukankan hada aann kusuganahay waxa lagu Iibiyo, Magaciisa iyo Halkuu uga yaalo Islii?

Afeey: Dukaanka Magaciisa waxa Layirahda DAYIBA ELECTRONIC SHOP ,Waxa aa lagu iibiya Electronic noocyadiisa kala duwan sida Mobilada, Qolofyadiisa ayadoona lagu Farsameeyo, waxa uu ku yaala Xaafada Islii aga gaaraha Suuqa Weyn ee la yiraahdo Garisa Log ee Soomaalida lee dahay.

 Anas: Kawaran dhanka Ganacsiga ma si xowli ah ayuu Dukaanka usocda  masa wax Suuqa ah ma jiro msrka loo firiyo Dukamanka idinla midka ah eek u yaalo Africa ee lagu iibiyo Electaronica ?

Afeey: Run ahaanti xiliyadaan danbe Ganacsiga sidii hore ma ahan wadankani Kenya marka loo fiitiyo wadamada kale ee Africa, waa jirtay xili uu aad uga wanaagsan wadamada Africa lakiin hada waa iska meel dhaxaad Ganacsiga wadankani aydoo uu yahay ka Ganacsiga Electaronic midka ugu roon wadankani.

Anas: Waxa aan rajeyneena inay soo boqan doonaan Dukankaada DAYIBAH ELECTRONIC SHOP Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ee kunool wadanka Kenya hadii ay ubaahan yihiin wax Electaronic ah aana filaayo adinaga aad soo dhaweyn doontid, ma u sameen doonta  wax Qiima dhimisa  Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin hadey kugu imadan dukaan kaaga?

Afeey: Run ahaan tii inkaskoo ay bulshada iila mid aheen Dhalinyarada xaaafada dabaqiin, hadana uu yahay waxani Ganacsi lagana raadinaayo Fa’iido aan saas u badneen waa ay leeyihiin Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin Tix Galintooda iyo Soo Dhaweyntooda iyo waliba Qiima Raali Galiyo dadka kalna la mid ma ahan,

Waxana la iga heli kara DAYIBAH ELECTRONIC SHOP  Nairobi-Kenya  gaar ahaan  Eastligth Suuqa wen ee Garisa Log. Tell: +254727376770 AMA E-mail: Afeey09@hotmail.com

                                         Dhanka Dhalinyarada

Anas: Hadii aan ugudubno dhanka kale hada waxa aa tahay Ganacsade ku nool kana Ganacsade wadanka Kenya , waxa aan ognahay inay jiraan Barnaamijyo badan oo lawada oona larabo in wax lagoo qabto Dhalinarada Xaafada Dabaqiin meelkasto oo ay jogaan  isku-xirkooda, Hanaqoto dhan Fikrad ama dhan Dhaaqle iyo waliba dhan Ushaqaynta sida webka iyo wax yaaba kale oo fara badan, see jeceshahay inaad uga qeeb qadato Maxamad ahaan?

Afeey: Horta dhab ahaan tii waan soo dhawayna Dhalinyarada isku hoowshay ama keentay Fikradan in qofkii oo jogo goobtisa Ganacsi ama wax Barasho in uu Isku-Xirka Dhalinyarada wax weeyn ka qaadan karo, marka aan iska hadlo Maxamad ahaan waxa aan kusoo kordhina dhanka Dhaqaalaha iyo Fikrada?

Anas: Marka aan uguda galno dhanka webka majiraan wax Dhaliil ah oo aad u soo jeedin lahayd ama Fikrad aa dhihi laheed halagu soo daro?

Afeey: Waa ay jiraan Fikrad ama Dhaliil, Hadaan ku hor maro dhanka Fikrada waxa aan jeclaan lahay inaan lagu soo daro Barnaamijyo badan oo ka hadlaayo Dhibaatada Tahriibka Wacyigalinta Dhibkiisa aydoo aan ognahay dhibka uu ugeestau Dhalinyarada Soomaaliyeed Qaas ahaan Dhalinyarada xaafada dabaqiin, in badana ayka gudben Badaha qarna ay ku Geeriyodeen kuwa kalana ay Xabsi muda dheer  kala kulmeen, waxa kaloo aan lee yahay hala Balaariyo Barnaamijka Dhacdooyinka oo hala gaarsiyo in warbixino badan oo Shaqsi-Shaqsi uga hadlaayo dhibka ay ka mareen Tariibka Dhalinyarada Xaafada ee bada martay ama Tahriib gashay, Dhanka Dhaliishaqana waxa aan leeyahay shaqada waa bilawdeen ee wada hana ka caajisina, webka muhiimadiisa waa Isku-Xir ma ahan mid kala gayna yaana oo aanan Shaqsi lagu weerarin ha ahaado mid isku xira oo Dhex-Dhexaada iskuna keeno Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin.

Anas: dhanka kale waxa aa wax nooga sheegta Muqaalada qof, Meel ama Qisadii uu webka soo ban dhigo tii kugu yaabka badneed aa ka aragtid webka iyo Dareenkada sida uu noqday?

Afeey: Run aha ahaan waa ay fara badan yihiin marka la dhaho Qoraalada ama Qiso,     waxa igu yaabka badneed qiso uu qoray Farxaan cali oo joogay Libiya-Tripoli oo uu kuguda jiray Tahriib xiligaas oo ka shekayneesay arimaha Tahriibka iyo Dhibaatoyinka lagala kulmo Tariibka, dhanka Muqaalada Dhalinyarada waxa igu yaabka badnaay Muqaalo laga soo qaaday Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ee joogo Soomaalia-Mogadisho-gaar ahaan Xaafada Dabaqiin, markii aan ka dhex arkay sxbkay Maxamud walaal ama kaba-cali ama gare intaba loo yaqaan asagoo Qoslaayo, Dhanka Muqaalada xaafada waxa ay aheed Muqaal laga soo qaday Masajidka xaafada iyo Wada weyn  ee Lamiga ah ee Xaafada hor marto, Dareenkaygana waxa uu noqday mid aad u kacsan waxa aana daremay waxyaabo badan aan soo koobi Karin. 

Anas: dhanka Webka Dhanlinyarada ka hool gasho maxa usoo jeedin laheed ayagana howlahooda?

Afeey: waxa aan usoo jeedin lahay in wax yaaba fara badan lagu soo daro lana balaariyo webka lagana dhigo mid ah sida .com ama .net iyo waxii la mid ah, waxa kaloo an usoo jeedina inaan webka inaan lagu soo darin dhanka Dumarka waxa aan arkay Dhalinyaro fara badan oo ku Doodayso halagu soo daro dhanka dumarka, Tasina waa mid aan wanaagsaneen dhanka Diinta, waxii wanaag ah ay ka qeeb qadanayan waan soo dhawayneena lakiin ma jeclin inay muqaalkooda mesha ka muqadaan, waxa kalo leeyahay markale webka ha noqdo mid isku keena Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin meelkasto ay dunida ka joogan yuusan noqon mid Shaqsi wax looga sheego ama Dad gaar ah.

Anas: Ugu danbeenti maxatalo ah oo aad  usoo jeedin laheed Dhalinyarada qeebaheeda kala duwan Mushaa kilaadka heesto?

Afeey: waxaan usoo jeedin lahaay inay isku Duubnaadan melkasto ay jogaan, waxa kaloo aan usoo jeedin lahay inay ka Wantoobaan Barnaamijka Tahriibka ayadoo aan ognahay qarkood inay wax kasto ay danta keentay dantana biday wadankiina uu yahay mid xalidiisa sii darsaneydo, Hadana waxa aa ka roon inta Naftaada aa bada ku haligi laheed ina iska Ganacsatid ama aa Xamaalatid hadii aad helayso fursad wax Barashana aadan dayacin wayo ninka wax bartay asaga aa 100% ka roon ka Tahriibay asagoo helay fursad wax Barasho hadana dayacay, waxa aan kaloo leeyahay ha iska dhafaan inta ku guda jirto Tahriibka waqti xaadirkan, intii nasiibka usamaxayna inay Badaha ka gudbaan ama si kala uga Badbadaan ha uga Shekeyaan Saxiibadood Dhibka uu Leeyahay Tahriibka.

 Anas: Kasi waxa uu ahaay waraysi dhinacyo badan taabanaayay aan la yeelanay  Rugcadaaygii xaga kubada Cagta marka layiraah ka mid ahaay Gooldhaliya yashi fara ku tiriska ahaay ee xaafada Dabaqiin soo maro, inkastoo xilaydii danbe Garoomada ka baxay noqday Sheek Maaxamed Cabdi Aadan inakstoo wali looyaqaan Maxamed-Afeey, Hatan Ganacsade  Kuna nool Wadanka Kenya Casimadiisa Nairobi gaar ahaan Xaafada Soomalida sida aadka ah udagto ee Islii.

                  Soo Jeedinta Xafiiska Dabaqiin.wordpress.com ee Nairobi-Kenya

W/Q: Maxamud Cabdisalaan Shido* Anas*   Nairobi-Kenya-Islii.

E-mail: Cabdisalaan_0@hotmail.com  Barnaamijka Isku-Xirka

HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIIN

Laxariir: dabaqiin@gmail.com ama dabaqiin@email.com

               Ama Booqo www.dabaqiin.wordpress.com


Actions

Information

3 responses

24 01 2011
halac

Asc sxbyaal. Sxb ninkii afeey ahaa ahaa. Sxb waxaa laygu sheegay inuu dhintay. Beerka caaro idinka xagatay. Sxb ii noolow. Cadowgaas cagta hoostiisa. Asc

25 03 2011
baashi carab

sxb dhamaan asxaabta waan in salamay sxbkey afeey qaasatan waa la is waayey walaahi laakiin afeey garoomada 1995 ayaan soo galnay saasan filayaa kkkkkkkkkkkkk garoonka liibaan duudu dhiin gurigooda kadan beeyey iyo garoonka masaajidka minaarada ku yaalay ayaan kawada safan jirnay anoo bagafeey iyo aadan cali wato kkkkkkkkk asagana duud dhiin iyo qeeloweyne ayuu soo wadan jiray iyo talato kkkkkkk markaas sxb keey guunbe xafada soomadaqin saalax iyo cabdi yarana cayaal tiitiin ayaa ahaayen reer warshada baastada lolwalaahi waqti waa lasoo maray afaay wariyahana waan salamat sxbkeey maxamuud reer minaarada mise waa qaldanahay

12 09 2011
shamso

LOVE u anas

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: