Barnaamijka Dhacdooyinka

15 04 2010

Barnaamijka dhacdooyinka aan kusoo qadaneena wax yaabaihii bilihi lasoo dhafay ka dhacay south-africa iyo soo dhaweynta bilawga koobka adunka.

Dabaqiin.wordpress(south-africa-rosenberg):-Waxa soo kordhayay ayamahan danbe dhacdoyinka ka ah dadka ajnabiga gaar ahaan dadka soomaaliyed, ayadoo logeysanayo wax yaabo badan sida dhac iyo dilaal fool xum.

Ayadoo aan ognahay in aay ahedd markii dhawac loo gestay mid kamid ah Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ee ganacsiga ku leh cap-town mar dhaw kwa kalana dhac loo gestay.

Waxa kaloo ka jiro magaalada hada aan kusuganahay ee rosenberg inay tahay magaalada lagu furaayo koobka aduunka, Ayaay somalida siweyn ugu diyaar garoowayan dadka soo buuxinayo wadanka south-africa si ay wax uga iibsadan, waxa kaloo jirto in sawirada fanaanka canka ah kenaan ee somalia u dhashay sawiradiisa magaalada dhan lagu dhajiyay, dabiyada muqalkiisa lagu xardhay .

marka aa ufiirsatid diyaar garoowga magaalada  Rosenberg dhanka ciyaaraha aya faa ido wayna waxa ay ugu jirta ganacsatada soomaaliyed, lakin su’aasha mesha ku jirta aya waxa ay tahay dilalka iyo falaka dhaca ah ma joogsan doonaan masa waa ay kasii dari doonaan.

waxa kaloo jiray dhacdooyinkii ugu foosha xumay ee bilihi lasoo dhafay dhaco inay ahayeen kuwan :-

Gobolka Mu-malaango ee ku yaalo xuduudo dalka S/Africa uu lawadaago dhanka Muzambiig ayaa lagu boobay in ka badan 10 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed.

Boobkani oo ay geysteen dadka degan gobolkaasi ayaa waxaa shabakada dabaqiin.wordpress.com u xaqiijiyey gudoomiyaha jaaliyadda Somalida gobolka Western Cape ee dalka S/Africa C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi Yare Jidow).

Booliska Dalka K/africa oo gaaray gobaha uu boobkani ka dhacay ayaa dadki bili-liqada geysanayey ku kala eryey suntan indhaha ilmeysiisa iyo qoryaha ka dhaca dheemishka dadka xanuujiya, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay boliska oo ku aadan rabshadaha lagu boobay dukaamadaasi.

Madax sare oo ka tirsan guddiga jaaliyadda Somalida ee Somali Community Bord Of the Western Cape ayaa dhibaatadan loo geystay Somalida waxa ay kala hadleen qaar ka tirsan baarlamaanka dalka S/Africa oo ay kula kulmeen xarunta baarlamaanka dalkani ee magaalada Cape town.

Xildhibaanadii ay la kulmeen madaxda jaaliyadda Somalida western cape ee S/Africa ayaa sheegay in ey ku dadaalayaan sidi loo xoojin lahaa amaba loo adkeynlahaa amaanka ganacsatada Soomaalida oo aalaaba dhac iyo dil ba,an ay ku hayaan dadka wadaniga ah ee u dhashay S/Africa haba ugu badnaadaan dadka madowga ee ku cusub Xoriyadda.

Dhanka kale waxaa laga dhacay xawaaladda Iftin laanteeda ku taalo magaalaada Johannesburg lacag gaareysay ilaa R350.000 oo u dhiganta dollar ahaan $45,000, taasoo ay geysteen tuugo watay dareeska boliska.

Hase ahaatee howlgalo ay booliska saameeyeen ayaa waxaa lagu soo qabtay qaar katirsan burcadaasi oo lageeyey xabsi ku yaalo magaaladaasi Johannesburg, sida uu xaqiijiyey sargaal katirsan waaxda booliska ee magaaladaasi.

Labadii todobaad ee ugu dambeeyey ayaa waxaa kacsaneyd xaaladaha Somalida koonfur Africa, oo inta la,ogyahay ay ku dhinteen 2 ganacsato soomaali ah, halka 9 kalena ay ku dhaawac meen weeraro kala duwan oo ay u geysteen qowleysato caadeystay oo aan dowladda Koonfur Africa waxba ka qaban.
Waxa kaloo jiray in lasoo tagy nin dilay ganacsade Somali ah oo maxkamad ay xukuntay.
Xili aan kula xariiray qadka talefonka mid kamid ah Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ee kusugan pe. Mr: cabdirashiid sheikh cali*beesaani* waxyaba badan oo ka mid ah arinta xukunka maxkamada waxa uuna uga war bixiyay sida tan:-
Waxay inbadan Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin ay soo dhaweeyeen qorshahaan ay bilaawday doowlada wadana South Africa ee dadka xadagudubyada ugeesta ajaanibta wadankaas kunool wax looga qabana.

Maxkamadda sare ee K/Afrika oo 22-sano ku xukuntay muwaadin dilay ganacsade Soomaali ah Cape-town
Maxkamadda Sare ee magaalada Port Elizabeth (PE) ee dalka S/Africa ayaa xabsi 22 sano ah ku xakuntay muwaadin u dhashay dalkeeda, kaasoo in muddo ah loo heystay inuu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo dukaan ku lahaa tuulada Yudni ee hoos timaada magaalada Port Elizabeth ee gobolka Estern Cape.

Mr. Dumisani Makuleni oo la hor keenay Maxkamadda Sare ee magaalada Port Elizapeth ayaa si rasmi ah u qirtay inuu dilay muwaadinka soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Wali Axmed, isagoo hor fadhiyey qareenka maxkamadda.

Mar uu qareenka maxkamadda wax ka weydiiyey muwaadinkani sababaha ku kaliftay dilka Wali Axmed ayaa waxaa uu sheegay iney heysay wax la`aan, sidaasi darteedna uu go`aan saday inuu dhac u geysto dukaankaasi, walow ay u suurtoobi weyday ilaa uu dilo Wali Axmed.

Dacwadani lagu guuleystay in lagu xiro gacan ku dhiiglahaasi dilay Wali Axmed ayaa waxa ay bilaabatay Sanadii 2007-dii, xiligaasi oo booliska loo gudbiyey cadeymo muujinayey dilka arxan darada ahaa ee lagu qaarajieyey Wali Axmed, iyadoo dacwaasina ay socotay ku dhawaad muddo seddex sano ah.

Xukunka 22-sano ee dusha looga riday muwaadinkaasi u dhashay dalka S/Africa ayaa noqaneysa tii labaad oo qof ka dambeeyay dil Soomaali ah loo horkeeno maxkamad, iyadoo ay jiraan boqolaal gacan ku dhiiglayaal ah oo geystay dilal ka dhan ah Soomaalida Koonfur Africa, kuwaasi oo aan wax dabagal ah aysan ku sameyn boliska dalka S/Africa.
Waxa aan leenahay Dhacdooyinka dhamaan ganacsatada somaliyed gaar ahan Dhalinyarada Xaafada Dabaqiin inaan idin soo gudbin doono waxyaaba kusoo kordha marwalba.
W/Q: Cabdiraxman colaad *bulacow* south-africa-rosenberg
Email:
cabdiraxmaancolaad35@hotmail.com  Barnaamijka Dhacdooyinka


HOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIINKA


Laxariir: dabaqiin@email.com   ama dabaqiin@gmail.com
Fadlan booqana www.dabaqiin.wordpress.com


Actions

Information

One response

4 06 2012
Adam Cabdi Ducale

i really think this is shame on S Africans i am the same ppl that this people they destroying their lifes already it happen to us in our Land now where u try to scape to be peace u cant even do shopping let alone opening one really discusseding

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: