Dhacdooyinka


dhacdooyinka

 ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

1luuliy 160

oo idin leh

 

 ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

waa muqdisho iyo maxaa ka taqaan

calannur

 ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

xaladaha aan la hilmaami karin

waa muqdisho iyo maxaa ka taqaan

Aaway Somalinimo

  NAGAQABO KUWAN IYO KUWA LAMIDKA  QAB QABLAYAASHII DALKA BUR BURIYAY

  NAGAQABO KUWAN IYO KUWA LAMIDKA  

Marquee Text

 14-08-2009)Waxaa wadanka Liibiya kadhacay xasuuq loogeysanayo dhaliyarada tahariibka ah ee soomalida ee kujira xabsiyada wadankaas hadaba waxaa iisuura gashay in aan helo sawiradaan  oo aan kahelay  wiil dhalinyaro ah oo kamida Maxaabiista sida xun loola dhaqmay, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ka codsaday in laga dhiidhiyo falalka beni,aadiminimada ka baxsan ee ay dowladda Liibiya kula dhaqanto dhalinyarada Soomaaliyeed ee nolol raadiska ah oo Rag iyo Dumarba leh.


hadaba warbixintaan oo aan kahelay dhalinyaro sxbadey ah oo kujira xabsiga oo aan kula xariiray taleefan ayaa waxay dheheen sidatan.


 
Asc walalayal waxaynu nahay dad maxabiis ah oo ku xiran xabsi lagu magacabo kanfuda magalada benghazi dalka libya anago tiradeena ay tahay 450 qof  isugu jira rag &dumar.

Waxaa meshaan nagu hesato dhib weyn, waxaana doorbidnay in aan kabaxsano xabsiga malinti isninta eheed 11-08 -09 boliska waxa ay nagu riden xabado waxa ayna dilen 20 qof o somali ah dhawaca wa 95 dadka qaar si xun ayay u dhawacan yihin.

Dadki soo haray waxa lagu qabtay koronto budadna waa lagu garacay iyo midiyo marka waxan idinkacodsaneynaa in ad sawiradan ku so bandhigtan bogaga interneeryada sawiro kale waan heyna telefonkaana waad naga so wici kartan  00218917341744  netka waxan ka isticmalena mobile wana nagu dhib.

Axmed C/lahi Axmed Kadiye.

hadaba sawiradaan aad ujeedaan waa kuwa dhaawaca ah ee ku haray xabsiga oo hal qol wada degan qolalka kale dhawaca kujira noma suurta galin in aan helno sawiradooda waayo waardiye adag ayaa kajira xabsiga oo waa la qarinaya in warbixintaan ay ogaato saxaafadu, dadka dhintay ayey dowlada libya maydadkooda qariday oo si qarsoodi ah uguxabaashay nawaaxiga magaalada Bangazi

hadaba. falkaan markii uudhacaayey ayaa waxaa dekeda magalada Tripoli lagasoodejiyey markabweyn oosiday somali badan oo dowlada talyaanigu soocelisay oo ay udiiday in ay galaan wadanka talyaaniga waxaana laga buuxiyey xabsiyada wadanka libya

waxaan usoojeedineynaa beesha caalamka iyo dowladaha carabta in ay wax kaqabtaan tacadiyadaan loogeysanayo soomaalida mujahirinta ah ee wadankoodi holcayo

waxaan sidookale dowlada DKM loojeedinayaa in ay gabtay howlaheedii kusaabsana wax kaqabashada qaxootiga somaliyeed ee kuxiran xabsiyada wadamo badan.

 
W/D. Farxaan Cali Cabdule Tripoli Libya
Email.farxaancali@hotmail.com

dabaqiinweb1

DIGNIIN tahriibka iska dhaaf waa wax xunee

waxa aan uga hadli doona dhacdooyinka dhalinyarada, sida wax yaabaha aan lahilmaami karin oo soo maray iyo waxa aan uga hadli doona dhacdooyinka dalka iyo dadka somaaliyeed.
gaar ahaan bililiqada wadanka lagu haayo oo dhan walba leh ha a haato dadka,dalka iyo diintaba.

waxa kaloo aan uga hadli doona maqaalada ay ka qoraan arimahaas aan soo sheegnay dhalinta xafada dabaqiin meel kasto ay kalajoogaan.
wana mahad san tihiin waxa aa nagala soo xiriiri kartaan

E-mail: dabaqiin@gmail.com dabaqiin@email.com

 

farxaan-cali1

waa farxaan cali oo idin leh tahriibka ma ahan wax fiican.

Tani waa mid kamid ah wacyi galinta dhibaatada tahriibka aanu ognahay inay dhalinyaro kor udhaafay100laal ay la kul meen dhibaatoyinka tahriibka kuwa kalana ay wali ku xayiran yihiin bada liibiya kuwana ay ku dhintee yaman.

waxa aan jecleesanay inaan idiin soo ban dhigno maqaal kaan uu nosoo diyaariyay mid ka mid ah dhalinyarada xaafada dabaqiinka oo lakulmay dhibaatooyin fara badan ee tah riibka hadana kusugan liibiya.

kasoo ka hadli doona dhibaatooyin fara badan oo somalida ay kala kulmaan liibita waxa uu ku bilaabay.

dhibaatooyinka ay Somalida tahariibka ah kala kulmaan

 wadanka Libya

oo ay in badan oo ah dhalinyarada xafada dabaqiin mareen dhibatooyinkaas kuwana ku guda jiraan.

waa kuwaan sawiro naxdin oo kala ah goobaha kala duwan ee tahriibka loo maraayo.

tahriib11

waxa ay sugaay doonidii qaadi lahayd waa 13 much 2008 waana bosaaso.

tahriib2

sawirkaana waxa uu ka mid yahay muqalada wadanka liibiya

tahriib4

sawirkaana waa isla much 13-2008 bosaaso

tahriib7

sawirkaana waa doomaha laga raaco bosaaso kuwa kamida ah

tahriib12

sawirkaan waa mid kamid ah dhibaatooyinka tahriiba yaasha somaliyeed

tariib5

sawirakaan waa tahriibayaal dhibanayaal ah xeebta yeman

tahriibayaal-ku-nafwaatat-yaman

sawiradaan waa muqaladii naxdinta lahaay ay soo ban dhigeen talafashinaka al jazeera ee yaman ka dhacay kuwoodii ugu xumaay.

Wax ayna ka mid yihiin meelaha ay sida weyn u hadal hayaan, Markaad tagto meelaha ay dhalinta u badan yihiin waxaad hadal hayntoodu tahay arinta tahriibta iyaga oo leh “ Hebel wax war ah lagama hayo mudo saddex bilood ah”

“ Cali ayaa xalay doonta ku qornaa u duceeya in illaahay u fududeeyo badda, maadama beriga dhib badan uu ku soo arkay”

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabahay ay leeyihiin “ xirsi” ayaa xalay talyaaniga galay balse nasiib xumo fariihii baa laga qaaday isaga oo halkaas fadhiyi doona shan sanno oo aan sharci iyo shaqo toona aan helayn”. sida ku dhacdey kuwii hore.

Waxaa jirta in dhalinyaraddu aad u hadal hayso safarkaas halista badan kuwo badan ayaa niyadda ka jecel in ay naftooda baqtiyaanasiibka ay geliyaan ,hasse yeeshee waxaa u saamaxeen Kharashka faraha badan oo ku baxaya.

Dhalinta baxda ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo si qarsoodi ah ku baxday oo waalidoontoodu ka dhuuntay iyo Kuwo ay waalidiintoodu ay raali uga ahaayeen safarka in ay galaan ka dib markii ay cadaadis ku hayeen mudo dheer si ay ugu ogolaadaan safarka, isla markaana u jicsimaan iyaga oo waalidiinta qaarkood u iibiyaan Bogcaddo iyo Dahab una sameeyaan Alla Bari iyo Quraan lagu aqriyo inta aysan tagin si Alle ugu fududeeyo jidka halista badan.

waax aanu uga digeena dhalinyarada damacsan aana wali guda galin tahriibka.

waxa uuna ku bilaawday sida tan.

dhibaatooyinka ay Somalida tahariibka ah kala  

kulmaan wadanka Libya
waxaaan manta kusooqaadaneynaa dhacdooyinka iyo dhalinyarada  dabaqiin.worpress.com dhibaatooyinka somalida taharibka ah ay kala kulmaan wadanka liibiya xaafiska dabaqiin.worpress.com  oo ku leeyahay wadanka Libya ayaa u kuur galay in uu  wax ka ogado xalada somalida taharibka ah ee soomara wadanka Libiya


somalida ayaa aad uga dhibaatooneysa wadanka libiya  ayaga oo oo markii horeba dhib kusoo galay wadanka  si naftii hurinimo ah oo aad udhibadan oo saxare 3kun kiloo mitir ah somaray ayey hadana marka ay soo galaan gudaha wadanka liibiya waxay lakul maan dhibaatooyin aad ufarabadan magalaada Kufra oo ah  magaalada koowaad ee wadanka Libiya marka laga Yimaado dhanka saxaraha libiya ay la Leedahay wadanka Sudan ayuu ka Bilaabanayaa dhibaatada ugu horeysa ee Somalidu kala kulanto wadanka Libiya  Kufra waxaa jogaa muqalasiin ay somalidu u bixisay Magafe ilaahey ayaa magafe ahe ninkaas magafe la leeyahay ayaa xareysta somalida waxa uuna ka qaataa lacag aad ufarabadan oo oo udhaxaysa kun ilaaa sideed boqol oo dollar kadibna waxa uu kudhahaa waxaan idin geynayaaa magaalada caasimada ah ee TRipoli kadibna waxa uu  ku daadiyaa oo uu qoorta ugaliyaa nimankale oo ladhaho Magafaha labaad oo jooga magaalo ladhaho Ejtaabiya oo caasimada ujirta 1300 kilomitir.
ninkaas ayaa hadana somalida ka qaata lacag hadba sida uu wax uga qaadan karo lacagahaas oo lagu qiyaaasay kun ilaa sideed boqol dollar oo kale  taas waxaa usii dheer jirdil ay kusameynayaan nimankaas muqalasiinta ah kufsi loogeysanayo gabdhaha somalida ah waxaa jira gabdho badan oo inta lakufsaday ama sixun loo jirdilay oo ilma kasoo dilmeen ama dhiciyey iyagoo uurleh kasoo tagay wadanka Somalia   nimankan ayaga ah oo magafayaal la leeyahay allah aya magafeh ahe waxay katirsanyihiin saraakisha amaanka wadanka libiya ilee nin shacab ah sidaa mayeeli karee  gudaha wadanka libiya taas waxaa soodheer hadana in mar marka qaar askari qabsato oo lagu xiro xabsiyada ugu waaweyn wadanka liibiya.
xabsiyadaas ayaa  waxay kukala yaalin Magalada Bangazi oo ah caasimada labaad wadanka libiya  xabsiga kuyalana magaciisa waxaa ladhahaa Konfuda waxaaana ku xiran lixboqol ilaa todobo boqol oo somaali ah midka labaad waxa uu kuyaalaa casimada wadanka libiya waxaana ladhahaa Zawi waxaana ku xiran ilaa kumanaan  somali ah kankale waxa uu kuyaalaa Magalada Ejdaabiya.
waxaana ku xiran somali lagu qiyaasay ilaa labakun   xabsiyadan ayaa dhamaantood waxaa dhisay dowladda talyaaniga o ay ugu talagashay in lagu xiro Africanka muhaajirinta ah ee sida sharci daradaha kusoo galay wadanka Talyaniga.
waxaana xabsiyadan loogabaxaa lacago aad u farabadan oo u dhaxeeya todobo boqol ilaa kun iyo shanboqol dollar intaas waxaa usii dheer cabsi iyo wal wal oo aysan ku noolaan karin wadanka libiya Gudihiisa oo guryaha ayaa loogu soo daadanayaa oo askar ayaa qabsaneysa si lacag looga qaato waliba maalmahaan gacdoon ka dhan ah somalida ayey Libyaanku bilaabeen oo somalidii inta guryaha laga kireysto marka lacagta laga qaato banaanka loo saarayaa  waxaa jira dhalinyaro liibiyaan ama ciyaalka xaafada ah  ah oo somalidu u bixisay {jiib Diinaar}  oo micnaheedo tahay keen diinar diinaarka waa lacagta laga isticmaalo Libia  oo halkii Dinaar udhigmo 0.95 dollar sarifkiisa oo ah haldollar oo shan sinti dhiban aad ayeey qaali utahay lacagta sheykastana waa haldinaar koobka shaaha ah waa haldinaarka maqaaxida waa shandinaar oo udhiganta shandollar marka sidaa oo ay tahay oo lacagtii somalida ayeey cariiri ku tahay hadana waxaa siidheer baadahaan ay ka qaadanayaan askarta iyo ciyaalka xaafada ama dhaliyarada deegaanka waxayna ku mudayaan ama ay kudurayaan midiyo mana dacweynkartid oo asiga waxaa la leeyahay waa Jamaahiiriya oo loola jeedo wadanka ayuu leeyahay adigase waxaa tahay ajaanib oo wax xaquuq ah kuma lihid dowlada libiya.

waxa kaloo dhibaata ah markastana adiga ayaa gardaran oo wadankiisa ugu yimid ayuu ku leeyahay saldhiga aad ka dacwooto sidaa waxaa yeelay waa wadan cunsuri ah oo midabtakoorka ku dambeeyo tagsiga hadii aad raacdo waa la buufinayaa oo waxa uu kuleeyahay Aswad ayaa tahay ama madoow waa jaahiliin oo aqoonta ayaa ku yar ilaa gabdhaha moyaane oo waxaa wax labaraa gabdhaha bis ragga waa ka mamnuuc oo waxaa la baraa bis dowla caskariya ama askarinimo.

sidaa waxaa looyeelayaa amuu afgambiyaa dowlada aqoon yahanku oo laxariiraa caalamka kale xataa carabi fusxada mayaqanaan caribi ugaar ah oo talyaani ku dhexjiro ayeey ku hadlaan iskusoowada duuduboo  dhibaatooyinka somalida ku heysata wadankaan Cunsuriga ah mayara waxaa jiro somali badan uu ku xanuunsaneysa xabsiyada wadankan Libya oo qarkood ku geeriyoodeen jirdil ay ugeysteen.

taas waxaa sidheer qofkii dhinta meydkiisa waa gadaneysaa meesha aad kuduugeysid oo lacag ayaa lagaa qaadayaa dhowrkun dollar gaareysa majirto dowlada udoodeeysa somalida ama safir safaarada wadanka Libya ay ku leedahay Somalidu waxay isku badashay muqalasiin oo dadka ayeeyba soo gataan siina gataan oo maba jirto safaarada qaab dowli ah ku shaqeysa doomaha ayaga ayaa rarara oo shaqaalaha safaarada ama kuwo safaarada ku xiran ayaa rara marka somalida meelkasta oo ay joogta ceelna uma qodna cidna uma maqna.

farxaan-cali

W/D; Farxaan Cali Cabdule Abucaaisha Tripoli Libya

Email; farxaancali@hotmail.com

Hoyga baarista, talabixinya iyo isku xirka dhalinta somaliyeed.

E-mail: dabaqiinweb@yahoo.com dabaqiin@gmail.com

ama booqo

www.dabaqiin.wordpress.com

waxaa xafiiskeena liibiya

xafiiska liibiya ee dabaqiin

waxa aan war bixintaan aan uga hadli doona barnaamijka bada soomaalia oo aan ognahay dhibaatooyinka ay nagu hayaan wadamada dariska.

sidee badeena laboobay kusoo ceshan karnaa?

clip_image001

30-05-2009 Siday u daciiftay, ka dibna u burburtay dawladdii dhexee Soomaaliya, waxaa dalkeena iyo dadkeenaba ku socday burbur iyo baaba’ dhinacyo badan leh, oo isugu jira kuwa dadka u wada muuqda iyo kuwo cid yari ogaan karto, oo ilaa balaayadu ku habsato aysan dadweynuhu ogaan Karin, waxaana maalin walba soo if baxaya tiirar hor leh oo hoos ka bololay, oo soo dhicis u diyaar ah ama soo dhiciddooda lagu warhelay. Tiirarka waaweyn ee baryahaan innagoo aan ka warhayn inagu soo dumay waxaa ka mid ah minguurinta biyaha Soomaaliyeed, oo waliba la doonayo in lagu bannaystay saxiix Soomaaliyeed.

Waxaa cad inay Kenya samaysatay khariidad cusub oo ay soo dhexgalisay qaar ka mid ah biyaha Soomaaliyeed, isla markaana  loog ansixiyey shirka xadaynta badaha ee dhawaan la qabtay. Waxaa kaloo muuqda inay muddaba isku dayaysay sidii ay ugu heli lahayd arrintaas oggolaansho Soomaaliyeed oo laga ma maarmaan u ah in Q.M u ansixiso biyahaas.

Waxaa kaloo soo baxay heshiis dhexmaray DFKMG iyo dawaladda Kenya oo ku saabsan xadaynta biyaha labada dal u dhexeeya. DFKMG-ku u saxiixday Kenya dhul badeedka Soomaaliyeed ee ay horay u calaamadaysatay. Waxaa kaloo  sii kordhinaya DFKMG oo caddaysay inay heshiis saxiixday, isla markaana caddayn weyday waxa dhabta ah ee ay la saxiixatay Kenya . Waxaa iyana si is daba joog ah uga soo yeeraya aqoonyahanada iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba qaylodhaan iyo digniino adag oo arrintaas ku saabsan. Haddaba sidee ayaynu ugusooceshan  karnaa dhul-boobka qaanuunaysan ee ay sameysay Kenya , dalal kalena ku xigi karaan?.

Afkaar guud:

Inta aynaan ka hadlin tillaabooyinka ina ku habboon inaynu qaadno, waxaan soo qaadaynaa dhawr arrimood oo muhiim ah:

1. Arrintaani waxay u muuqataa arrin muddo laga soo shaqeynayey, oo soo gaartay marxaladihii ugu dambeeyay, shakina kuma jiro inay Kenya ka go’antahay inay biyeheena qeyb ka xayndaabato, hadda ha loo saxiixo ama yaan wali loo saxiixine. Dhinaca kale waxaa dhici karta in wax ka qabadka arrintaani noqdo qaylo warmo kama tunmaan; sidaa darteed waxay u baahan tahay in si deg deg ah, oo aan kala har lahayn loogu istaago wax ka qabadkeeda.

2. Wixii horay u dhacay dhece, cataw iyo caraatan-na waxba ina tari maayo, ee aynu calaalka iska dayno oo camal ku dhaqaaqno, illeyn caano daatay dabadoodaa la qabtaaye. Muhimmaduna waa inaan dhulkeena la inooka qaadan saxiixeena, ee ma aha in arrinta loo isticmaalo dicaayad siyaasadeed iyo kaar iska gubis.

3. Waxaa hubaal ah in dawladda DKMG-ku kala kulmayso dawlado iyo hay’ado kala duwan cadaadisyo badan oo ay uga danaysanayaan, waxaase jira waxyaabo in lagaa xoogo ay ka wacan tahay inaad adigu oggolaatid. Tusaale ahaan Soomaaliya hadda ma difaaci karto baddeeda, berrigeeda iyo hawadeeda midna. Haddii la yiraahdo kolley ma difaaci karnee maxaan ugu diidaynaa, qolo kasta ma difaacan kartaane noo saxiixa ayay oran .

Haddaba in qeyb ka mid ah dalkaas aynaan difaaci Karin dawlad kale xoog ku degto ama uga shaqaysato, sida reer galbeedkuba yeeleen ayaa ka roon inaynu ikhyaarkeena ugu saxiixno; maxaa yeelay wixii lagaa xoogo markaad xoogaysatid baad soo ceshataa, laakiin wax aad saxiixday kama dabatagi kartid, oo adigaa u sharciyeeyay cid kale.

4. Dawladdii laga itaal roonaado way dhacdaa casrigaan in barya-xoogle wax looga qaato, mase dhacdo in dhulka ama qeyb ka mid ah na mulkisii la dhoho, ee waxaa heshiisyo lagu la galaa inay saldhigyo millatari siiyaan ama ay u oggolaadaan inay shidaal ama macdan ka baartaan, laakiin heshiiska lagu qoro iskaashi millatari iyo heshiis ganacsi oo ka dibna qeyb laga siiyo waxa laga soo saaro dalkooda. Waxaa kaloo xusid mudan in aysan dawladaha dunida maanta ugu itaalka rooni dalalka daciifkaa dhulka kala wareegin, Kenya oo kale iska daaye!.

5. Hadaba dhacdadaan ah in Kenya loo ansixiyey dhul badeedkaan Soomaaliyeed, waxay noqonaysaa albaab furmay oo aan ninna mar dambe xiri Karin, xukuumaddii timaadaana ay qeybo hor leh sii bixiso. Tan kale haddii Kenya 38,000 KM2 loo saxiixo sow Itoobiya 380,000 KM2 xaq u yeelan mayso?, dawladihii ka sii weynaase maxay heli doonaan?. Dhinac kale haddii albaabkaan la furo ma suuroobi doonto in cid kale wax loo diido; maxaa yeelay jawaabtu waa sow idinkii qolo heblaba siiyay?.

6. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood isku qanciyaan DFKMG-ku xaq uma leh inay dhul Soomaaliyeed cid kale u saxiixdo. Waa run inaysan xaq u lahayn sharci ahaan bixinta dhulkaan, waxaase dadkaas ka maqan in aysan meesha sharci iyo caddalad midna ka jirin ee saxiixaaga quruumaha kale looga sheemayo dhulkii adiga lagaa boobay. Taa waxaa tusaale u ah in xuduudka aynu maanta ku dacwiyayno aan innaga la inoo xarriiqin ee ay kala xarriiqdeen Ingiriis iyo Talyaani.

Waxaa kaloo mudan in dib loo milicsado in gumaystayaashii Yurub dhulkeena ku bannaysteen saxiixa odayaal xoolo-dhaqato ah, DFKMG-kuna kama hoosayso kuwaas. Tan kale waxa socda waa gardarro garab og, mana habboona inaynu nimankii awal dhulkeena Kenya siiyay ka sugno maanta inay baaqiga inoo ka difaacaan. Haddii ay sugnaato in madaxdeennii la soo taagan tahay inay dhul ku tabarrucdana xaalku waaba “ruqo ninkii lahaa dabada kaga taagan yahay ma kacdo”.

7. Waxaa kaloo soo qaadis mudan inaysan maamulada S/land iyo P/land ka aamusin arrintaan khatarta istiraatiijiga ah ku keenaysa bulshaweynta Soomaaliyeed, iyagoo ku andacoonaya nama khusayso; maxaa yeelay dhul badeedka hadda laga hadlayo maamul ahaan uma hoosyimaado DFKMG-ka, ee waxa ay wax ku saxiixaysaa waa magacaa guud ee la huwiyay. Haddaba waa inay ku talogalaan hadday tan maanta ah ka aamusaan inay berrina Berbera iyo Boosaaso dawlado kale u saxiixi doonto.

8. Waxaan filaynaa in aan golayaasha DFKMG-ku iskood u danaynayn bixinta dhulka Soomaaliyeed ee uu jiro cadaadis dibadeed oo xukuumadda iyo madaxweynaha oo qur ah la soo gudboonaaday. Hadday arrintu sidaas tahayna waxaa jira habab xukuumaduhu uga hortagaan cadaadisyada uga yimaada dibadda, waxaana ka mid ah kacdoonka shacbiga, diidmada baarlamaanka, diidmada maxkamadda sare ama tan dastuuriga ah iwm. Haddaba waa inay dawladdu si buuxda dadkeeda uga la qeybgashaa xallinta mushkiladdaan ee aysan difaacin doonista shisheeye ama aysan maro huwin, xagalo geelna wax gunti la galiyo ka weyn, war jiraana cakaaruu imaan.

9. Waxaa kaloo xusuusin mudan in aadanuhu qaldamo, Ilaahayna wuxuu u furay albaabka towbada; si ciddii qaldantaa Rabbigeed ugu soo noqoto, wixii ay bi’isayna u saxdo. Haddaba madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa looga baahan yahay inaysan wax ina ka xumayn, hadday xumaadeena in ay saxaan, ee aysan isku mashquulin is difaac ama qiil u raadin waxay qaldeen.

10. Waxaa habboon inaynu si gaar ah u tilmaano inay ayaandarro tahay in minguurinta dhulka Soomaaliyeed lagu soo beego dawlad ay hoggaaminayaan Madaxweyne Sh. Shariif iyo R/wasaare Cumar C/rashiid oo ka soo jeeda qoysas diimeed iyo halgamayaal, isla markaana loo filayay inay kala matalayeen islaamiyiinta iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed. Iyaga oo waliba bulshada Soomaaliyeed ka sugaysay inay saxaan wixii ay qaldeen kuwii ka horreeyay iyo inaysan ku tillaabsan wax qabqablayaashii ka xishoodeen ama isu quuri waayeen.

Waxaa ayaandarro kale ah in loo xilsaaro saxiixaas ceebeed nin ka mid ah raggii islaamiyiinta ugu jiray DFKMG-ka, waxaana arrintaas loo fahmi karaa inay tahay ihaano iyo sumcad xumo lagu suntayo dadka diinta, iyo wadaninimada ku abtirsada oo dhan.

11.Qaanuunku ma ilaaliyo kuwa dhoohan, mana aqbalo ma aqoon, ma ogayn iyo u malayn mayn, ee kaliya waxaan tasarrufkoodu wax ka soo qaad lahayn dhasha iyo kuwa dhiman!. Haddaba waxaa ina la gudboon inaynu siyaasad ahaan iyo qaanuun ahaanba uga hortagno in dhulkeena la qaato iyo inaynu burino haddii heshiis la saxiixay.

Sidee baddeena la boobay usooceshanaaa ?

Hawl kasta ama arrin walba waxay leedahay aqoon-gaarrayaal looga dambeeyo oo aqoon iyo khibradba u leh. Qaddiyadda hadda taagana waxaa jira dad farsamo ahaan u fara-dhuuban, waxaanse muujinaynaa tilmaamo guud oo arrinta wax looga qaban karo:

1. Ma haysano dawlad xoog leh, oo awood siyaasadeed ama mid millatari wax ku meel marsan karta, mana jiraan dawlado laga haybaysanayo oo ina garabtaagan, mana yara cadaadiska iyo caalcaalinta ku imaan karta DFKMG, umana sahlana inay kaligeed is hortaagto cadaadiskaas; sidaa darteed waa in Soomaaliweyn 100% u kacdo soo badbaadinta badda Soomaaliyeed.

2. In culimadu soo saarto fatwo ay ku caddaynayso xukunka shareecada ee bixinta dhulka muslimiinta.

3. In ay aqoon-gaarayaasha Soomaaliyeed ee cilmiga baduhu u caddeeyaan bulshada Soomaaliyeed xadka badda ee inoo dhexeeya innaga iyo Kenya, iyo habka loo cabbirayo, isla markaana ay sameeyaan guddi arrintaa kala shaqeeya cid kastoo ay khusayso.

4. In ay soo saaraan maamulada kalee dalka ka jira mowqif rasmi ah oo ay uga soo horjeedaan boobka badaha Soomaaliyeed.

5. In ay salaadiinta iyo oday dhaqameedyada Soomaaliyeed meel ay joogaanba ka hadlaan arrintaan, ayna si buuxda uga horyimaadaan bililiqaysiga badaha Soomaaliyeed. Waxaa kaloo muhiim ah inay kiciyaan bulshada oo ay mudaaharaadyo shacbi ah horkacaan.

6. In ururada islaamiga, kuwa muqaawamada, kuwa siyaasiga iyo ururada bulshadu mawaaqif cadcad ka soo saaraan qaadashada ama hunguriyaynta dhulkeena.

7. In madaxdii hore ee dawladihii Soomaaliyeed iyo halgamayaashii xorriyadda wixii ka nooli caddeeyaan mawaaqiftooda ku aaddan dhacdadaan.

8. In aqoonyahanka Soomaaliyeed si joogto ah ugu wacyigaliyaan dadweynaha qaddiyaddaan, ayna kala hadlaan qalabka warbaahinta.

9. In wariyeyaasha, qoraaga iyo abwaanadu qaadaan olole ballaaran oo arrintaan lagu falanqaynayo; si dhabta bulshadu u wada ogaato, una wada dareento khatarta dhacday ee badeena lgu boobay .

10. In jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibaduhu sameeyaan mudaaharaadyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedaan damaca Kenya ku boobtay badaha Soomaaliya.

11.    In qoraallo arrintaan ku saabsan si toos ah loogu gudbiyo Q.M, Midowga Yurub, Maryakanka, Carabta, Afrika, Ururka islaamka iwm, loona qabto siyaasiyiin iyo qareeno arrinta kaga hadla maxaafisha dawliga ah. Waxaa kaloo muhiim ah in la kiciyo cid kastoo arrintaan ka gaysan karta hadal ama hoo.

12.In qareeno Soomaaliyeed dacwo geeyaan maxkamadda sare ee Soomaaliyeed; si ay u eegto heshiiska lala galay Kenya , ayna u buriso hadduu noqdo mid ina ku xadgudbaya.

13. In markii kacdoonkaas la sameeyo uu deg deg u fariisto baarlamaanku oo uu soo saaro qaraar uu ku diidayo heshiiskii ay saxiixday DFKMG-ku.

14. Waxaa iyana muhiim ah in dowladda Kenya la gaarsiiyo mowqifka rasmiga ah ee bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la siiyo digniin kama dambays ah.

15. Magac iyo masiibaba maalin bay baxaan, raq walbana waa ku raggeeda, meel walbana yaa joogay bay leedahay. Haddaba jiilka Soomaaliyeed ee maanta nool xil weyn baa saran, gaar ahaan dadka masuuliyadda u haya bulshada ama indhaha u ah xag aqooneed iyo xag waaya-aragnimo. Nin walbana taariikhdu way qori doontaa mawqifkiisa, aakhirana warbaa jira ee dhankay ka baxdaa waa bakayle qaleen.

16. Haddii ay caddaato inay DFKMG-ku u goysay Kenya qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliyeed, oo markii la tusaaleeyay khatarta heshiiskaasna ay ka dabatagi waydo ama ay difaacdo waxay noqon kartaa gunaanadkii dawladda; maxaa yeelay dadku waxay doonayeen dowlad nafci u soo kordhisa ee ninna uma baahna dowlad ku qancisa in la gumaysto ama dalkeeda ku tabarrucda.

17. Gabagabadii qormadaani waxay u socotaa in khatarta dhacday  laga hortago, hadday dhab ahaan ina ku dhacday la buriyo.. Waxaa kaloo mudan in laga digo in kacdoonka bulshadu arrintaan ka samaysay lagu marinhabaabiyo arrimo kaloo aan loo socon ee indha carra kaga shub ah. In aan dhib loo gaysan diinta, dalka iyo dadka ayaana ka muhiimsan waxqabadka hadduuba dhab yahay. wabilaaho towfiiq.

D. Farxaan Cali Cabdule Abucaaisha, Tripoli Libya midkamid ah dhalinta xaafada dabaqiin
email. farxaancali@hotmail.com

HOYGA cilmi  BAARISTA DHALINYARADA DABAQIIN/SOMALIA/MUQDISHO/YAQSHIID AMA HURIWA AMA EX-CONTAROL AMA SOS  WAXA AY DHACDAA GALBEED, KALA XIRIIR

E-mail: dabaqiin@gmail.com

30-05-2009, Waxaa lagu dhawaaqay xayiraad lagu soo rogey gaadiidka cirka iyo badda ee isticmaala dekadaha iyo garoomada ay gacanta ku hayaan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab

cirka iyo dhulka

Farsamo ahaan waxaa laga yaabaa in inta baddan ay dhaqan gasho cunaqabataynta, taasina waxaa ugu wacan ciidamada iyo maraakiibta tirade baddan ee xeebaha jooga kuwaasoo is hortaagi karra gaadiid kasta oo ku xiranaya dekadaha la mabnuucay, dhanka hawada waa arrin aysan farsamo ahaan sahlanayan in la illaaliyo hawada Soomaaliya, wuxuuna noqon doonaa howlgal khatarbaddan.

Marka koowaad waxaa xusid muudan in 95% cunaqabataynta ay saameynayso shacabka maadaamaa ganacsiga uu xirmayo, maadaamaa gaadiidka la xayirayo uu yahay kuwii waday badeecooyinka ganacsiga ah taas oo ah halka ay nolosha shacabka ku tiirsantahay.

Talaabadani waxaa ka dhalanaya sicir barar iyo qiimaha nolosha oo cirka isku shareera, iyada oo la weyn doono badeecooyinka qaar ee daruuriga ah. Magaalooyin qaar in rubac sokor ah uu qoyka Soomalaiyeed dukaan ka iibsadaa waxay noqon doontaa arrin faakideysi lacag baddan ah ah oo kaliya ka suuragasha kuwa taajiriinta ah ee heli kara qarashka ku baxaya.

Ugu horeyntii cunaqabataynta waxaa soo rogey IGAD, waxaa ku raacay midowga Africa, waxaana ansixiyey UN-ka, halka DKMG ah ay ahayd tii ugu dambeysey oo qalinka ku duugtey, waa ilaahay mahadiis, awooda kaliya ee illaa hadda gacanta ugu jirta DKMG ah waa saxiixa qalinka madoow, fulinta arrintani farsamo ahaan waa in ay ku tiirsataa cadawga taageeraya iyada, bal malee haddii ay gacanta ugu jirri lahayd awooda fulinta?

Waxyaalihii ugu dambeeyey ee arrinmahani kasoo  kordhey waxay ahaayeen Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ku magacaaban wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka oo ganacsatada oga digey in ay isticmaalaan dekadaha la mabnuucey, wuxuu intaasi ku daray in cunaqabataynta aysan saameyn doonin gargaarka hey’adaha samofalka.

Ka sokow dhibaatada weyn ee arrintani ay keeneyso dhanka shacabka, waxaa tusaale kooban oo wax ifin ah loosoo qaadan karaa xaqiiqada ah in dekadaha iyo garoomada la mabnuucay aanan wax canshuur ah laga qaadin gaadiidka iyo badeecooyinka kusoo xirta iyada oo loo daneynayao shacabka si aysan qiimayaalka sare ugu kicin, kuwa la ogolyahay in ay gadaiidka istimaalaan waxaa laga qaadaa canshuur aan xad lahayn.

Waxay su’aalo la’iska weeydiinayo in arrintani laga gaarayo ujeedka laga leeyahay iyo in kale? Lagama hadlayo in ay dhaqangalayso iyo in kale?

Waxaa jirta xikmad oranaysa “ha cantuugin waxaadan calaanjin karrin”, taas oo dabcan ka turjumeysa go’aanka aan maangalka ahayn ee ay ku dhaqaaqday DKMG ah iyo xulufadeeda miyirka suulsan

Muqaawamadu ma ahaan doonaan kuwa Kismaayo iyo Marko laf ku toobaya,
jaa waxay dajinayaan shaxdii ay ku fashilin lahaayeen in DKMG iyo xulufadeeda ay gaaraan ujeedkii ay ka lahaayeen arrintani.

Qorshahooda uma baahnaa in lagu qarash gareeyo malyuumaad lacag ah, marka ay meel soke shaxda  ka miistaan, talaabo qadakooda waa fariin oo kaliya, sideey taasi suurogal ku tahay?

Marka ay noqoto in la xayiro dhamaan badeecooyinkii kasoo dagayay dakadaha iyo garoomada dalka oo dhan, sow ma ahan in ganacsatada ay isticmaalaan Garoonka weyn iyo Dekeda weyn ee Xamar?, hagaag, badeecooyinka halkaasi laga soo dajiyo halkee loo wadaa oo la doonayaa in loo iib geeyo?, kaliya muqaawamadu waxay is hor taagaysaa in badeecad halkaasi laga soo dajiyey ay soo gasho dalka intiisa kale, waxaa ganacsatada amar lagu siinayaa in aysan waxbo kala soo dagi karin meelaha ay DKMG ah gacanta ku heyso si looga jarro lacagta tirada baddan eek u qulquleysa.

Waxaa kale oo suurogal ah in muqaawamadu ay mabnuucdo gargaarka uu Xaabsade sheegey in ay kasoo dagi karaan garoomada iyo dekadaha ay gacanta ku hayaan, fariinta ay dirayaan waa in Xaabsade uusan bixin Karin fasaxa cidda isticmaalaysa dhabooyinka ay maamulaan iyo cidda kale, waxaa kale kuwa uu sheegayo in ay gargaar u keenayaan shacabka, sow ma ahn kuwa ay tahay in ay fuliyaan cunaqabataynta shacabka la saarayo, maxay tahay gargaarka looga fadhiyo kuwaasi? Mise waa “gacanna ku xago, midna ku xoodaami?”.

Talaabada kale ee ay Muqaawamadu ka fikirayaan ayaa ah in ay iyagana ku dhawaaqaan in ay xiraan dekada iyo garoonka Xamar oo gadaiidkii kusoo xirta la duqeyn doono si la mid sanadkii hore.

Laakiin waxaa isweeydiin leh, halkee ayay ka baxeen odayo dhaqameedyadii iyo abwaanadii iyo hey’adihii xuquuqul insaanka e iyo saxaafadii  afka furtey sanadkii hore markii la xirey garoonka iyo dekada ee ku doodey “shacabka ayaa la cunaqabateeyey”, tani miyeysan ahayn cunaqabatayn ka cawaaqib xun tii hore xagga shacabka?, waxaa su’aashani is weeydiinaya madaxda muqaawamnada iyo shacabka qaarkiis.

Talaabadani waxay illin weyn u furtey muqaawamada oo waligeedba raadineysey marmarsiimo ay ku duqeyso garoonka iyo dekeda weyn ee ay cadawgu isticmaalaan, kalana soo dagaan saanada iyo ciidamada, waliba xilli iminka DKMG ah laga qaaday cunaqabaytayntii hubka oo ay si weyn ula soo dagayso hub iyo saanad ciida. wabilahi towfiiq

W/Q/ Farxaan Cali Cabdule Abucaaisha Libya dhalinta xaafada Dabaqiin ee Muqdisho
email. farxaancali@hotmail.com

calannur

 ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

xaladaha aan la hilmaami karin

waa muqdisho iyo maxaa ka taqaan

Aaway Somalinimo

  NAGAQABO KUWAN IYO KUWA LAMIDKA  QAB QABLAYAASHII DALKA BUR BURIYAY

  NAGAQABO KUWAN IYO KUWA LAMIDKA  

Marquee Text

 

HOYGA cilmi  BAARISTA DHALINYARADA DABAQIIN/SOMALIA/MUQDISHO/YAQSHIID AMA HURIWA AMA EX-CONTAROL AMA SOS  WAXA AY DHACDAA GALBEED, KALA XIRIIR

E-mail: dabaqiin@gmail.com

9 responses

8 07 2009
owqasin

waxa aan rabnaa in labalaariyo webka oo laga soo daro wax yaba badan/

26 11 2009
xayle maxamed

sxcyaal waxaad sheegteen been tahriibka waa wax wanaag san adinka badankiin waxaad joogtiin yurub iyo meela udhaw markaad tagteen ayaad dheysiin sxbyaal waan ig soo daba soconaa
insh allah

6 05 2010
Mukhtaar

salaan wacan asxaabta meel kasto oo aad joogtaan!? waxaan idinkaga mahad naqayaan dadaalka aad wadaan ee ah baraarujinta dhalinta somalied ee dhibaatadu ku habsatay? sida nabad la,aanta iyo shapo la,aan? waxaana ilaah ka baryeynaa in dalkeyna hooyo nabad noogo soo celiyo!? insha,alaah?

6 05 2010
Mukhtaar

aloow nabad naaaaaaadi!? cadawga nabada diidoow, . dhac? umadda alaha ka saaro dhibaatada dhalinyarow isku duubni hala helo iyo isku samir dhexdeena ah? si loo helo maskax wanagsan ow ka saarta dhibka shacabka?- muujiya wanaaaag? thnks!

24 11 2010
hiirai

walaalayaal waan idin salaamay waxaan jeclaan lahaa

24 11 2010
hiirai

ee inaan war faah faahsan idinka helo oo aan ogaado dabaqiin asxaabtiisa

14 05 2011
muxudiin seymey

asc meel kasta adku nooshihin saxafihiyinta somaliyed gaar ahan ku shabele ka howgalay ama hada ka shaqeya ,waxan id idin

28 08 2014
ali

somalida ayaa aad uga dhibaatooneysa wadanka libiya ayaga oo oo markii horeba dhib kusoo galay wadanka si naftii hurinimo ah oo aad udhibadan oo saxare 3kun kiloo mitir ah somaray ayey hadana marka ay soo galaan gudaha wadanka liibiya waxay lakul maan dhibaatooyin aad ufarabadan magalaada Kufra oo ah magaalada koowaad ee wadanka Libiya marka laga Yimaado dhanka saxaraha libiya ay la Leedahay wadanka Sudan ayuu ka Bilaabanayaa dhibaatada ugu horeysa ee Somalidu kala kulanto wadanka Libiya Kufra waxaa jogaa muqalasiin ay somalidu u bixisay Magafe ilaahey ayaa magafe ahe ninkaas magafe la leeyahay ayaa xareysta somalida waxa uuna ka qaataa lacag aad ufarabadan oo oo udhaxaysa kun ilaaa sideed boqol oo dollar kadibna waxa uu kudhahaa waxaan idin geynayaaa magaalada caasimada ah ee TRipoli kadibna waxa uu ku daadiyaa oo uu qoorta ugaliyaa nimankale oo ladhaho Magafaha labaad oo jooga magaalo ladhaho Ejtaabiya oo caasimada ujirta 1300 kilomitir.
ninkaas ayaa hadana somalida ka qaata lacag hadba sida uu wax uga qaadan karo lacagahaas oo lagu qiyaaasay kun ilaa sideed boqol dollar oo kale taas waxaa usii dheer jirdil ay kusameynayaan nimankaas muqalasiinta ah kufsi loogeysanayo gabdhaha somalida ah waxaa jira gabdho badan oo inta lakufsaday ama sixun loo jirdilay oo ilma kasoo dilmeen ama dhiciyey iyagoo uurleh kasoo tagay wadanka Somalia nimankan ayaga ah oo magafayaal la leeyahay allah aya magafeh ahe waxay katirsanyihiin saraakisha amaanka wadanka libiya ilee nin shacab ah sidaa mayeeli karee gudaha wadanka libiya taas waxaa soodheer hadana in mar marka qaar askari qabsato oo lagu xiro xabsiyada ugu waaweyn wadanka liibiya.
xabsiyadaas ayaa waxay kukala yaalin Magalada Bangazi oo ah caasimada labaad wadanka libiya xabsiga kuyalana magaciisa waxaa ladhahaa Konfuda waxaaana ku xiran lixboqol ilaa todobo boqol oo somaali ah midka labaad waxa uu kuyaalaa casimada wadanka libiya waxaana ladhahaa Zawi waxaana ku xiran ilaa kumanaan somali ah kankale waxa uu kuyaalaa Magalada Ejdaabiya.
waxaana ku xiran somali lagu qiyaasay ilaa labakun xabsiyadan ayaa dhamaantood waxaa dhisay dowladda talyaaniga o ay ugu talagashay in lagu xiro Africanka muhaajirinta ah ee sida sharci daradaha kusoo galay wadanka Talyaniga.
waxaana xabsiyadan loogabaxaa lacago aad u farabadan oo u dhaxeeya todobo boqol ilaa kun iyo shanboqol dollar intaas waxaa usii dheer cabsi iyo wal wal oo aysan ku noolaan karin wadanka libiya Gudihiisa oo guryaha ayaa loogu soo daadanayaa oo askar ayaa qabsaneysa si lacag looga qaato waliba maalmahaan gacdoon ka dhan ah somalida ayey Libyaanku bilaabeen oo somalidii inta guryaha laga kireysto marka lacagta laga qaato banaanka loo saarayaa waxaa jira dhalinyaro liibiyaan ama ciyaalka xaafada ah ah oo somalidu u bixisay {jiib Diinaar} oo micnaheedo tahay keen diinar diinaarka waa lacagta laga isticmaalo Libia oo halkii Dinaar udhigmo 0.95 dollar sarifkiisa oo ah haldollar oo shan sinti dhiban aad ayeey qaali utahay lacagta sheykastana waa haldinaar koobka shaaha ah waa haldinaarka maqaaxida waa shandinaar oo udhiganta shandollar marka sidaa oo ay tahay oo lacagtii somalida ayeey cariiri ku tahay hadana waxaa siidheer baadahaan ay ka qaadanayaan askarta iyo ciyaalka xaafada ama dhaliyarada deegaanka waxayna ku mudayaan ama ay kudurayaan midiyo mana dacweynkartid oo asiga waxaa la leeyahay waa Jamaahiiriya oo loola jeedo wadanka ayuu leeyahay adigase waxaa tahay ajaanib oo wax xaquuq ah kuma lihid dowlada libiya.

waxa kaloo dhibaata ah markastana adiga ayaa gardaran oo wadankiisa ugu yimid ayuu ku leeyahay saldhiga aad ka dacwooto sidaa waxaa yeelay waa wadan cunsuri ah oo midabtakoorka ku dambeeyo tagsiga hadii aad raacdo waa la buufinayaa oo waxa uu kuleeyahay Aswad ayaa tahay ama madoow waa jaahiliin oo aqoonta ayaa ku yar ilaa gabdhaha moyaane oo waxaa wax labaraa gabdhaha bis ragga waa ka mamnuuc oo waxaa la baraa bis dowla caskariya ama askarinimo.

sidaa waxaa looyeelayaa amuu afgambiyaa dowlada aqoon yahanku oo laxariiraa caalamka kale xataa carabi fusxada mayaqanaan caribi ugaar ah oo talyaani ku dhexjiro ayeey ku hadlaan iskusoowada duuduboo dhibaatooyinka somalida ku heysata wadankaan Cunsuriga ah mayara waxaa jiro somali badan uu ku xanuunsaneysa xabsiyada wadankan Libya oo qarkood ku geeriyoodeen jirdil ay ugeysteen.

taas waxaa sidheer qofkii dhinta meydkiisa waa gadaneysaa meesha aad kuduugeysid oo lacag ayaa lagaa qaadayaa dhowrkun dollar gaareysa majirto dowlada udoodeeysa somalida ama safir safaarada wadanka Libya ay ku leedahay Somalidu waxay isku badashay muqalasiin oo dadka ayeeyba soo gataan siina gataan oo maba jirto safaarada qaab dowli ah ku shaqeysa doomaha ayaga ayaa rarara oo shaqaalaha safaarada ama kuwo safaarada ku xiran ayaa rara marka somalida meelkasta oo ay joogta ceelna uma qodna cidna uma maqna.

4 06 2015
c/kariim faysal axmed (cadhoole)

walaalayaal waxaan ahay arday soomaliyeed oodagan hargaysa kuna dhashay waxaan ku dhibaataysanahay saldhiga dagmada koodbuur sharci daro waxaan kacodsanayaa walaalahayga soomaaliyeed inaad ii ducaysaan oo kuwadulmiga igu haysat illahay igafurdaamiyo waxaan sigaara idiinka codsanayaa inaad xaalkayga gaadh siisaan dhamaan warbaahinta soomaliga ku hadasha sida bbc,voe,universaltv,iyo ………. …………

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: