Diinta


replytogreeting.jpg (2324 bytes)

 

WAA BARNAAMIJKA DIINTA EE DABAQIIN.

Waxaan rajeena inuu ALLAH naga dhigo kuwii kafaaiideesto. 

 

waa barnaamijka diinta ee dabaqiin

 

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

 

 

 Taariikhda 3 masaajid ee islaamka ugu barakaysan

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

AAN NOQONO KUWA KU DAYDA DHAQANKII WANAAGSANAAY EE NABIGEENA (SCW) IYO ASXAABADII WANAGA BADNEED DHAN WALBA AY NOQOTO.

lagasoo xigtay hilinkatoosan.com

W/D: cabdinaasir8@hotmail.com  macalin cabdinaasir cali xassan *cabdiyare* dabaqiin/mog/somalia

 

 

               بسم الله الرحمن الرحيمIn Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-” Saddex Masaajid ayaa loo socdaali karaa ,waa Masaajidka Xurmaysan (ee Maka ku yaala, ayna Kacbadu ku dhex taalo), Masjidkaygan (Masjidka Nabiga nnEka ee Madiina ku yaala) iyo Masjidka Alaqsa (Baytu Quduska Falastiin ku yaalla)“. Haddaba si aynu wax uga baranno aynu Masaajid kasta iyo magaalada uu ku yaallo taariikh ahaan iyo sida uu u dhismay isla eegno.

1-Masjidka Xurmaysan(Maka)

mecca_1a

Waa gurigii ugu horreeyay ee uu Eebbe nasahnaa oo korreeye uu u dhigay dadka dhulka si ay isaga ugu cibaadaystaan.Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:- “Gurigii ugu horreeyay ee loo dhigay dadka (si ay ugu cibaadaystaan), waa ka ku yaalla Bakka (Maka) Isagoo Barako iyo Hanuun u ah Caalamiinta” Suuradda Aala-Cimraan  Aayadda 96aad. Haddaba si aynu wax uga ogaanno Masaajidkaas Xurmaysan bal aynu dib u jalleecno taariikhdiisa iyo taariikhda meesha uu ku Yaallo ee Maka.                             sii akhri….

2-Masjidka-Nabiga(nnEka Madiina)

nabwi-con_a5

Waa masjidkii uu dhisay Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye,markii uu dhisay dawladdii Islaamka ee salka dhigatay Madiina, waana Masaajidkii uu Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo Asxaabtiisii Ilaahay raalli ha ka noqdee ay gacmahooda ku dhiseen.Haddaba si aynu wax uga ogaanno Masaajidkaas Barakaysnaa bal aynu dib u jalleecno taariikhdiisa iyo taariikhda meesha uu ku Yaallo ee Madiina.       sii akhri

3-Masjidul Aqsaa (Qudus)

 aq

Masjidka Al Aqsaa oo ku yaalla Falastiin wuxuu soo maray taariikh dheer.Haddaba si aynu wax uga ogaanno Masaajidkaas Barakaysan bal aynu dib u jalleecno taariikhdiisa iyo taariikhda meesha uu ku Yaallo ee Qudus.         sii akhri… 

 

 ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا 

waa barnaamijka diinta ee dabaqiin

mucjisooyinka ale

dabaqiin3

 

walaala yaal ka faa ideysta  quraanka kariimka ah meelkasto joogtan.

  ALLAHA NAGA DHIGO KUWII  FAA IDEYSO waa BARNAAMIJKA DIINTA EE DABAQIIN
!!!HALKAN WAXAAD KA DHAGEEYSAN KARTAA KANA AQRISAN KARTAA QURAAMKA KARIIMKA!!!

    Boramanews.comDUCAA. SH. AL-SUDAIS.

Waxa aa kaga bogan kartiin barnaamijka diinta ee www.dabaqiin    .wordpress.com

  Boramanews.com1AL-FATIHA     Boramanews.com29-AL-ANKABOUT     Boramanews.com57-AL-HADID     Boramanews.com85-AL-BURUUJ  
  Boramanews.com2-AL-BAQARAH     Boramanews.com30-AL-ROOM     Boramanews.com58-AL-MUJADALAH     Boramanews.com86-ATAARIQ  
  Boramanews.com3-AL-IMRAAN     Boramanews.com31-LUQMAN     Boramanews.com59-AL-HASR     Boramanews.com87-AL-AALAA  
  Boramanews.com4-AN-NISAA     Boramanews.com32-AL-SAJADA     Boramanews.com60-ALMUMTAHANAH     Boramanews.com88-AL-QAASHIYA  
  Boramanews.com5-AL-MAIDA     Boramanews.com33-AL-AHZAAB     Boramanews.com61-AS-SAFF     Boramanews.com89-AL-FAJR  
  Boramanews.com6-AL-ANAAM     Boramanews.com34-SABAA     Boramanews.com62-AL-JUMUAA     Boramanews.com90-AL-BALAD  
  Boramanews.com7-AL-ARAAF     Boramanews.com35-FAATIR     Boramanews.com63-AL-MUNAFIQUN     Boramanews.com91-ASHAMS  
  Boramanews.com8-AL-ANFAAL     Boramanews.com36-YAASIN     Boramanews.com64-AT-TAGABUN     Boramanews.com92-AL-LAYL  
  Boramanews.com9-ATTAWBA     Boramanews.com37-AS-SAFFAT     Boramanews.com65-AT-TALAQ     Boramanews.com93-ADHUHAA  
  Boramanews.com10-YUNES     Boramanews.com38-SADH     Boramanews.com66-AT-TAHRIM     Boramanews.com94-ASHARH  
  Boramanews.com11-HUUD     Boramanews.com39-AZ-ZUMAR     Boramanews.com67-AL-MULK     Boramanews.com95-ATIIN  
  Boramanews.com12-YUSUF     Boramanews.com40-GHAFIR     Boramanews.com68-AL-QALAM     Boramanews.com96-AL-ALAQ  
  Boramanews.com13-ARAAD     Boramanews.com41-FUSSILAT     Boramanews.com69-AL.HAQAH     Boramanews.com97-AL-QADR  
  Boramanews.com14-IBRAAHIIM     Boramanews.com42-AS-SURA     Boramanews.com70-AL-MAARIJ     Boramanews.com98-AL-BAYINAH  
  Boramanews.com15-AL-HIJR     Boramanews.com43-AZ-ZUHRUF     Boramanews.com71-NUH     Boramanews.com99-AZALZALAH  
  Boramanews.com16-ANNAHL     Boramanews.com44-AD-DUHAN     Boramanews.com72-AL-JIN     Boramanews.com100-AL.ADIYAAT  
  Boramanews.com17-AL-ISRAA     Boramanews.com45-AL-JATIYA     Boramanews.com73-AL-MUZAMIL     Boramanews.com101-AL-QAARIA  
  Boramanews.com18-AL-KAF     Boramanews.com46-AL-AHQAF     Boramanews.com74-AL-MUDATHIR     Boramanews.com102-ATAKAATHUR  
  Boramanews.com19-MARIAM     Boramanews.com47-MUHAMED     Boramanews.com75-AL-QIYAMAH     Boramanews.com103-AL-ASR  
  Boramanews.com20-TAHA     Boramanews.com48-AL-FATH     Boramanews.com76-AL-INSAN     Boramanews.com104-AL-HUMAZAH  
  Boramanews.com21-AL-ANBIAH     Boramanews.com49-AL-HUJARAT     Boramanews.com77-AL-MURSALAT     Boramanews.com105-AL-FIIL  
  Boramanews.com22-AL-HAJJ     Boramanews.com50-QAF     Boramanews.com78-ANNABAA     Boramanews.com106-QURAISH  
  Boramanews.com23-AL-MUMINUUN     Boramanews.com51-AD-DARIYAT     Boramanews.com79-ANNAZIAAT     Boramanews.com107-AL-MAAUUN  
  Boramanews.com24-AL-NUUR     Boramanews.com52-AT-TUR     Boramanews.com80-ABAS     Boramanews.com108-AL-KOWTHAR  
  Boramanews.com25-AL-FURQAAN     Boramanews.com53-AN-NAJM     Boramanews.com81-AT-TAKWIR     Boramanews.com109-Al-KAFIROON  
  Boramanews.com26-AL-CHUARAA     Boramanews.com54-AL-QAMAR     Boramanews.com82-AL-INFITAAR     Boramanews.com110-ANASR  
  Boramanews.com27-AL-NAML     Boramanews.com55-AR-RAHMAN     Boramanews.com83-AL-MUTAFIFIIN     Boramanews.com111-AL-MASAD  
  Boramanews.com28-AL-QASSASS     Boramanews.com56-AL-WAQIA     Boramanews.com84-AL-INSHIQAAQ     Boramanews.com112-AL-IQLAA  
                    Boramanews.com113-AL-FALAQ  
         

dabaqiin2

Dhawrista Sunnada iyo Habkeeda

Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

59.“ Wixii uu Rasuulku idin siiyo ama idin faro qaata, wixii uu idinka reebana ka hadha, Alle na ka cabsada, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay”. (Suurada Al-Xashar:Aayada:7).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

60. “ Hawadiisa ku hadli maayo ee waa waxyi loo waxyoodey”. (Suurada An-Najam:Aayada:3-4).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

61.“ Ku dheh (Muxammadow S.C.W., dadka) hadii aad Alle jeceshihiin I soo raaca: Alle wuu idiin jeclaan oo idiin dembi dhaafiye”. (Suurada Al-Cimraan:Aayada:31).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

62.“ Rasuulka Alle ku dayasho wanaagsan baa idiinku sugnaatay, waa qofkii ay ku weyn yihiin Alle iyo maalinta Aakhiro, Eebana xusa in badan”. (Suurada Al-Axsaab:Aayada:21).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

63. “ Waa igu Rabbigaaye rumayn maayaan jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan, dabadeedna wixii aad go’aamiso ku qancaan oyan wax dhibsi iyo culeys ah iska dareemin, hoggaansamidna u hoggaansamaan wixii aad go’aamiso”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:65).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

64.“Kuwa Xaqa Rumeeyow Adeeca Ilaahay oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah. Hadii aad ku doodaan Arrin (wax isku qabataan) Ula noqda Alle iyo Rasuulkiisa (yacni u bandhiga Qur’aanka iyo sunnada), haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro (Qiyaamada), sidaasbana khayr roon oo wanaag badan Xagga Abaalmarinta”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:59).

Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

65.“ Qofkii Rasuulka Adeecaa wuxuu Dhab u Addeecay Alle, Qofkii jeedsadana kuugu maanaan dirin Ilaaliye ”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:80).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

66.“ Adiguna Nabiyoow (Muxammadow S.C.W.) Waxaad wax ku hanuuninaysaa Jid toosan”. (Suurada Ash-Shuuraa:Aayada:53).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

67.“ Ha iska jireen kuwa amarkiisa khilaafaya inay fidmo, ama cadaab xanuun badani ku dhacdo”. (Suurada An-Nuur:Aayada:63).

Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

68.“ Jooga guryihiinna (dumarka muslimka ahoow, oo waxaan dan weyn ahayn ha u bixina) oo ha u muujinnina quruxda iyo bilicdiinna ( intii la banneeyey inaad u muujin kartaan maahee) oo ha ku dayannina dumarka jaahilka ah ee jirkooda u muujiya ( ragga gayaankooda ah ), Daa’imana dumarka muslimka ahoow oogida salaadda oo bixiya sakada, addeecana oo maqla Alle iyo rasuulkiisa oo waxay idin fareen maqla, waxay idinka reebeenna ka reebtooma, xusana oo barta waxa guryihiinna Aayado Alle iyo xigmad lagu akhriyaayo.Ilaahayna waa wax walba oge Xeeldheer”. (Suurada:Al-Axaab;Aayada:34).

156. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ha igu dhibina weydiimo la xiriira waxyaalo aan ka hadlin, maxaa yeelay ummadahii idinka horreeyey waxaa rogey suÕaal badnidoodii (iyo weydiintoodii weydiimo badan aan loo baahneyn, bar faa’ido ahna aan lagu arag) iyo ku dhiirranaantoodii inay khilaafaan nebiyadoodii. Sidaa awgeed wixii aan idinka reebo ka fogaada, Wixii aan idin farana fuliya intii karaankiin ah”. (Bukhaari iyo Muslim)

157. Abuu Najiix Cirbaad bin Saariyah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Nebigaa (S.C.W.) wuxuu na wacdiyey wacdi ilma naga keenay oo cabsi gelisay qalbiyadeenna. Waxaan ku niri waxaad mooddaa wacdigan inuu yahay dardaarankii u dambeeyey, ee inoo dardaaran wax badan oo wanaag iyo waano ah. Markaa buu wuxuu yiri: Waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida Alle iyo (dhowrsita xilalka iyo waxyaalaha uu idinku waajibiyey iyo ka fogaanshaha wuxuu idinka reebay) iyo is maqal iyo is addeecid xitaa addoon haddii madax la idiinkaga dhigo. Tan kale qofkiinnii sii noolaadaa wuxuu arki doonaa iskhilaaf tira badan ee waxaan idinku ogahay sunnadayda iyo sunnada hoggaamiyeyaasha hanuunsan (Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali), goos dambeedyada ku qabsada, arrimaha gadaal ka imaadka ahna (bidcada ah diinta lagu kordhiyo ama laga naaqusiyo) iska jira, maxaa yeelay bidca kasta baadi bay salka ku heysaa oo kugu hoggaamin”.

(Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri: waa xadiis xasan saxiix ah)

158. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Ummadeyda jannaday wada gelaysaa kuwii igu tacaddiya maahee oo diida jannada. Waxaa la weydiiyey: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) oo waa kuwee kuwaa? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Qofkii i adeeca jannaduu geli doonaa, qofkii caasi igu noqdaana waa qof taxaddi igu sameeyey (oo jannada ma gali doono). (Bukhaari)

159. Abuu Muslim waxaa la oran jiray sidoo kale Abuu Ayaaz Salamah ibn Camar (A.K.R.) Wuxuu yiri: Ninbaa billaabay inuu wax ku cunaa gacantiisa bidix isagoo la jooga nebiga (S.C.W.) nabigana wuxuu faray inuu gacantiisa midig wax ku cuno. Wuxuu yiri ninkii: Ma karo inaan yeelo sidaa. Waxay aheyd oo keliya kibirkiisa waxaa u diiday inuu adeecaa amarrada nabiga (S.C.W.) Sidaa awgeed buu wuxuu nabigu ku yiri: Ha awoodin. Wixii markaa ka dambeeyey waxaa dhacday in ninkaasi uusan kor u soo qaadi karin gacantiisa oo uusan gaarsiin karin afkiisa”. (Muslim)

160. Nucmaan bin Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: “ Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa inaad toosisaan oo sintaan safafka (kolka salaadda) haddii aydan yeelinna Alle dhexdeenna colaad iyo khilaaf buu dhigayaa (macnah taa waxay idinka dhex abuureysaa cadaawad iyo is khilaaf ”. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena oo Muslim dhigayo waxay ahayd Nabigu (S.C.W.) safafkuu simi jirey sidii isagoo isku cabiray. Sidaa buuna yeeli jiray jeeruu arkay inaan garowsannay fahamnayna ahmiyadda iyo qiimaheeda. Maalin buu wuxuu yimid masjidka si uu inoo tujiyo, isagoo ku dhawaaqi raba takbiiradii ixraamka ee salaadda lagu galo buu wuxuu arkay nin laabtiisu soo baxsan tahay, markaa buu yiri isagoo arrintaa ka hadlaya: Addoomma Alloow, safafka sinta oo toosiya, haddii kale Alle wuxuu abuuri colaad iyo khilaaf dhexdiinna.” (Muslim)

161. Abuu Muusaa (A.K.R.) Wuxuu yiri: ‘Guri baa habeen Madiina gubtay, dadkii lahaana ku gubteen. Markii dhacdadaas loo sheegay Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒDabku waa cadowgiinii ee markii aad seexanaysaan iska bakhtiiya’. (Bukhaari iyo Muslim)

162. Abuu Muusaa wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒHanuunka iyo cilmiga Alle ii soo dhiibay (si aad ileys iyo iftiin uga hesahaan oo jahliga idinku daayo) waxay la mid yihiin Roob ku daÕay dhul meel fiican tahay oo biyaha cabbeyso oo naqdoog ah ka soo baxayaan; meelina adag tahay oo biyaha celinayso oo Alle dadka ku Anfacayo oo ay ka cabbayaan, beerahana ku waraabsanayaan. Biyaha roobkaas oo sidoo kale gaaray meel kale oo gabaahirig ah aan biyana celinayn baadna ka soo baxayn, sidaas waxaa la mataal ah; qof diinta Alle fahmay oo intifaacsaday waxa Alle iigu soo dhiibay (dadka) iyo kuwa bartay oo qaaruun kale sii baray. Tusaalaha dambena waa sida qofka aan u soo jeensan, baranna xikmadda iyo sunnadeyda, aan sidoo kalena aqbalin hanuunka Alle iigu soo dhiibayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

163. Jaabin (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Aniga iyo idinku waxaan la matal nahay nin inta dab shitay; ay markaas balanbaalistii iyo cayayaankii bilaabeen inay ku soo ordaan kuna soo daataan, isaguna ninkii dabka shitay ka celcelinayo. Anigu ninkaa baan la mid ahay waxaan isku dayayaa inaan guntiga idin qabto (si aan idiinka badbaadiyo) naar, idinkuna waad ka fakaneysaan gacanteyda”. (Muslim)

164. Jaabir (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu amray muslimiinta in faraha la leefo, la nadiifiyana weelasha (marka raashinka laga cuno kaddib) wuxuuna yiri: “Ma garan kartaan qaybtee baa cunnadu barakadu ku jirtaa”. (Muslim)

Werin kalena waxay ahayd oo Muslim ku taal: “Haddii ay midkiin ka dhacdo waslad, waa inuu soo qaadaa, ka nadiifiyaa wixii gaaray oo boor iwm ah. oo markaas cunaa, oo waa inuusan uga tegin shaydaanka. Waa inuusanna qofku marin gacantiisa istiraashada isagoo aan ka leefin (cuntada haraaga ku ah) farahiisa, maxaa yeelay ma oga qofku qaybtee baa cuntada barakeysan – macnaha ay barakadu ku jirtaa”.

Werin kale oo Muslim ku taal baa waxay leedahay: “in Nabigu (S.C.W.) uu sheegay in sheydaanku mar iyo munaasabad kasta xaadir yahay xitaa markii aad wax cunaysid. Sidaa awgeed, haddii ay qofkiin ka dhacdo waslad (ama rudmad) waa inoo qaataa, ka nadiifiyaa boorka iwm., oo markaas cunaa uusanna uga tegin shaydaanka.”

165. Ibn Cabbaas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) mar naga dhex istaagey, si uu innogu khudbeeyo oo wuxuu yiri: ‘ Dadoow waxaa la idin soo bixinayaa oo la idiin soo kulmin Alle weyne xaggiisa idinkoo cagacad oo qaawan oo buurya qab ah. Siduu yiriba sare ahaaye: ÔSidii aan u billownay oo ay ahaayeen abuurkoodii hore, sidaa baan ku soo bixineynaa, waan ballan qaadnay, sidaa baynuna yeeli doonnaa. Suuradda. Al-Anbiyaa: Aayadda 103.

Dadkana maalinta qiyaamaha Nebi Ibraahiim baa dhar loo hor siinayaa. Waxaana la keeni doonaa rag ummaddayda ah, waxaa la marinayaa xagga bidix, oo naarta u dhow. Waxaan oranayaa: Rabbiyoow kuwani waa asxaabtaydii. Markaa baa waxaa laygu oran doonaa: Ma ogid dabadaa waxay la yimaadeen oo bidca ah, hal abuureenna. Markaasaan oranayaa sidii uu addoonkii suubbanaaba Ciise, wiilkii Maryam, yiri: ‘ Intii aan dhexdooda joogey baan u war hayey, markii aad i oofsatayna Adaa Adigu ahaa kan ilaalinayey, Adaana wax walba markhaati ka ah. Haddii aad cadaabaysana waa addoommadaadii, haddii aad u dhaafaysana Adaa Adigu ah awood badnaha xigmadda badan. Suuradda Al-Maa’ida: Aayadaha 117-118.

Waxaa haddana la ii sheegi doonaa in tan iyo markii aan ka tagay (dhimashadeyda kaddib) inay ku jireen xaalad ah inay ka noqdaan diinta iyo waxyaalaha ay fareyso’. (Bukhaari iyo Muslim)

166. Abuu Saciid Cabdullaah bin Muqaffal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu reebay farganka, wuxuuna yiri: ÒShiishka noocan ah kuuma dilo ugaar kaama ceshana cadowga, waxayse dhaawac gaarsiisaa indhaha, jebisaana ilig’. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena waxay ahayd: Nin ay qaraabo dhow yihiin Cabdullaah bin Muqaffal baa fargan qof ku tuuray. Markaa buu Cabdullaah bin Muqaffal ka reebay oo yiri: Nebigu (S.C.W.) farganka waa reebay wuxuuna yiri: Ugaar ma dilo. Ninkii ma uusan maqlin oo dan uma gelin hadalkii lagu yiri oo wuxuu halkii ka sii waday fargan tuurkii. Markaa buu Cabdullaah bin Muqaffal ku yiri: waxaan kuu sheegay inuu Nebigu (S.C.W.) reebay fargankan adiguna waad sii tuuraysaa, weligay kulama hadli doono mar kale.

167. Caabis bin Rabiicah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan arkay Cumar bin Khaddaab oo Xajarul aswadka dhunkanaya (Kacbada dhexdeeda) oo leh: Waa aan ogahay inaad dhagax tahay oo aadan dhib iyo dheef toonna lahayn, haddii aanan arag Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo ku dhunkanayana, marnaba kuma dhunkadeen’. (Bukhaari iyo Muslim)

 

قال رسول الله صلى الله عليه وآله وسلم :- ‘من صلى علي في يوم ألف صلاة
لم يمت حتى يبشر بالجنة


وقال صلى الله عليه
وآله وسلم :-‘من صلى علي في يوم مائة مرة قضى الله
له
مائة حاجة :سبعين منها لآخرته وثلاثين منها لدنياه

وقال صلى الله عليه
وآله وسلم :-‘من صلى على حين يصبح عشرا وحين يمسى
عشرا
أدركته شفاعتي يوم القيامة

وقال صلى الله عليه وآله وسلم :-‘من صلى علي واحدة صلى الله عليه عشر
صلوات وحط عنه
عشر خطيئات ورفع له عشر درجات ‘

وقال صلى الله عليه
وآله وسلم :- ‘ما من أحد يسلم علي إلا رد الله علي روحي حتى أرد عليه السلام

وقال صلى الله
عليه وآله وسلم:- ‘إن أولى
الناس بي يوم القيامة أكثرهم علي صلاة

أنشرها
ولك الأجر بإذن الله تعالى

إذا ضاقت بك الدنيا فلا تقل
:

 يارب عندي هم كبير …. ولكن قل :

يا هم لي رب
كبيــــــــــر

قل الكلمات الحلوة هذي
اللهم صلي على
محمد وعلى آل محمد
كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد


وبارك على محمد وعلى آل محمد كما

باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم انك حميد مجيد

أرسل هذه الرسالة لـ 10 أشخاص خلال ساعة تكون كسبت 10 ملايين
صلاة على الحبيب في صحيفتك بإذن الله

 

ملحوظة مهمة

لا يلعب الشيطان
في راسك وتقراها وتقفلها وتقول أنا ما عندي وقت

أرسلها لأي احد عندك
….تكسب أجرها أحسن لك

قال رسول الله
صلى الله عليه وآله وسلم : يأتي
زمان علي أمتي يحبون خمس وينسون خمس
يحبون الدنيا وينسون الآخرة
يحبون المال وينسون الحساب يحبون المخلوق
وينسون الخالق يحبون القصور وينسون القبور يحبون المعصية
وينسون التوبة فإن كان الأمر كذلك ابتلاهم الله بالغلاء والوباء والموت
الفجأة وجور الحكام
.

أستحلفك بالله أن تنشرها .
 

إلى كل من يحب الرسول

  (ص)

 رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا 

  

masjidka cumar binu qadaab ee xaafada dabaqiinka

kutub qur aan ah

quraanka

masha alaah

waxa aan idinkugu soo ban dhigayna barnaamijyada diiniga ah.

sida maxaadarooyinka, taariikhda asxaabada, cashirda tafsiirka qur aanka iyo xadiisyada  anagoo ay nagala qayb qaadan doonaan culimo.

alaha nala garab galo waa mahadsantihiin

waa barnaamijka diinta ee dabaqiin

aسبحان الله العظيم سبحان الله وبحمده

اللهم شل اطرافهم وكل من يدخل محلاتهم ويشتري منتجاتهم

aسبحان الله العظيم سبحان الله وبحمده

اللهم شل اطرافهم وكل من يدخل محلاتهم ويشتري منتجاتهم

 

 

aسبحان الله العظيم سبحان الله وبحمده

اللهم شل اطرافهم وكل من يدخل محلاتهم ويشتري منتجاتهم

 

لا تمسحها ولا تغلق الصفحة امانة فى ذمتك ستسأل عنها يوم القيامة

لا إله إلا الله محمد رسول الله

لاإله ألا انت سبحانك إنى كنت من الظالمين لم يدع بها مسلم فى شئ الا وقد استجاب الله له ………الدعاء للراسل حتى ترد عليك

 

 بسم الله الرحمن الرحيم 

   

 

Marquee Text

suaalo%20iyo%20jawaabo

waxa kaloo aan idin kugu soo ban dhigeena aqoon guud iyo kuwa diini ah.

Kororso Aqoontaada: Su’aalo iyo Jawaabo Diini iyo Aqoon Guud: 1-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Gabyaagii Rasuulka (NNKH). 1-Jawab, Gabyaagii Rasuulka (NNKH) wuxu ahaa Xasaan Binu Thaabit. 2-Su’aal, Sheeg imisa sano ayey dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ehayd.

2-Jawab, Waxay dacwadu qarsoodi ahayd mudo saddex sano ah (3 sano).

3-Su’aal, Sheeg kuwii Islaamka ugu horeeyey ee muhaajiriin ah ?
3-Jawab, Waxay kala ahaayeen, 1- Hooyo Khadiijo Bintu Khuweylad rc, 2- Cali Bin Abii Daalib rc, 3-Abuu-bakar rc, 4-Sayid Binu Thaabit rc, 5- Cusmaan Bin Cafaan rc, 6-Subeyr Bin Cawaam rc, 7- Cabdi Raxmaan Bin Cowf rc, 8- Sacad Bin Abii waqaas rc, 9-Dalxa Bin Cubeydillah rc,

4-Su’aal, Sheeg Qofkii ugu horeeyey ee islaanimo ku shahiida?
4-Jawab, Wuxu ahaa Camar Bin Yasir rc,
5-Su’aal, Sheeg Gabadhii ugu horeesay ee Islaanimo ku Shahiida?
5-Jawab, Waxay ahayd sumeya Rc,

6-Sheeg, Markii ay Muhaajiriinta u haajireen Xabasho, Kufaartii Qureysh waxay ka daba diren Labo Nin,
Si’ay Boqorka hadiyad ugu geeyaan, Muhaajiriintana Gacantooda loo-soo geliyo, Hadaba sheeg labadaas Nin magacyadooda?
6-Jawab, Waxay kala ahaayeen Cumar Bin Caas, iyo Cabdullaahi Bin abii Raabica.

7-Su’aal, Sheeg goormuu soo Islaamay Xamza Bin cabdi mudalib?
7-Jawab, Xamza Bin Cabdi mudalib wuxu soo islaamay sanadkii lixaad ee Nabinimada. Nabiga (NNKH) oo 6 sano nebi ah ayuu soo islaamay xamza. Sidoo kale sanadkaan waxaa soo islaamay Cumar bin Khadaab.

8-Su’aal, Sheeg Xamza RC iyo Cumar bin khadaab imisa maalmood ayey kala danbeeyeen soo galitaanka Diinta Islaamka .
8-Jawab, Waxay kala danbeyeen saddex maalmood (3 maal-mood).

9-Su’aal, Sheeg goormay dhacday hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina?
9-Jawab, Waxay dhacday 29-kii bishii Safar sanadkii 14-aad ee Bicthada.

10-Su’aal, Sheeg markii Nebiga (NNKH) uu madiina u hijroonaayey kumuu ahaa asxaabigii la socday?
10-Jawab, Waxa la socday asxaabikiisii Godka= Waa abuu-bakar Sidiiq (RC).

11-Su’aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan ?
11-Jawab, Ciidaanka caalamka ugu tirada badan waa ciidanka Shiinaha (China).

12-Su’aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu awooda badan?
12-Jawab, ciidanka caalamka ugu awooda badan waa ciidanka u.s.a, united states of America.

13-Su’aal, Sheeg warshada sonkor isnaay oo ku taalo magaalada jowhar sanadkii la-aas-aasay?
13-Jawab. Waxaa la-aas-aasay sanadkii 1925-tii

14- Su’aal, Sheeg magaalada kaliya ee Soomaaliya bariiska ka baxo?
14-Jawab, Waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.

15-Su’aal, Sheeg bariiska ka baxa magaalada Jowhar magaca loo-yaqaano?
15-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Bariis Baaroow.

16-Su’aal, Sheeg abwaanka weyn ee soomaaliyadeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) sanadkii uu dhashay?
16-Jawab, Wuxuu dhashay sanadkii 1943-dii

17-Sheeg sanadkii ey jabuuti xurnimada qaadatay?
17-Jawab. Waxay qaadatay 27 june 1977.

18-Su’aal, Sheeg shimbirka shimbiraha ugu xoogga badan?
18-Jawab, Waa shimbirka loo-yaqaano Gorgorka.

19-Su’aal, Sheeg Libaaxa yar ee ilmaha ah magaca loo-yaqaan?
19-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Caga-baruur.

20-Sheeg sanadkii la qoray farta Soomaaliya?
20-Jawab. Waxaa la qoray 12 october 1972.

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?

1-Jawab: Wuxu ahaa C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.

2-Su’aal Sheeg todobadii Asxaabi ee axaadiista ugu badan ka wariyeen Rasuul-ka (NNKH)?

2-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Abuu hureyra Rc, 2-Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc, 3-C/laahi Bin Cabaas.

4-C/laahi Bin Cumar, 5-Jaabir Bin C/laahi, 6-Aanis Bin Maalik, 7-Sacad Bin Malik,

3-Su’aal Sheeg Dhaqtaradii ugu horeysay ee Islam-ka?

3-Jawab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.

4-Su’aal Sheeg imisa jeer ayuu Nebiga (NNKH) Cumreestay?

4-Jawab: Wuxu Cumreestay 4 Jeer.

5-Su’aal Sheeg xiligii la-aas aasay Magalaada Kuufa?

5-Jawab: Jawab waxa la-aas aasay xiligii Cumar Bin Khadaab Rc.

6-Su’aal Sheeg yaa aas-aasay Magalaada Kuufa?

6-Jawab: Waxaa aas-aasay Sacad Bin Abii Waqaas.

7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?

7-Jawab: Wuxu dhacay Sanadkii 14- aad ee Hijriyada.

8-Su’aal Sheeg sanadkii soomaaliya lagu qabtay shirkii Midowga Afrika?

8-Jawab: Waxa lagu qabtay sanadkii 1971-dii

9-Su’aal Sheeg dalalkii ku buuxiyey Xisaabta Eber (0) ?

9-Jawab: Waa Masar iyo Mesopotomia.

10-Su’aal Sheeg xagee bey u martaa cuntada cunuga marka uu ku jiro caloosha hooyadiis?

10-Jawab: Waxay u martaa Xudunta.

11-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa cudurka ay siddo kaneecada mideeda dhidig?

11-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Malaariya.

12-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?

13-Su’aal Sheeg waa maxay Xubinta ugu lafaha yar jirka Bili’aadam-ka?

13-Jawab: Waa Dhegta.

14-Su’aal Sheeg wadanka ugu dadka yar. Wadama leesku yiraahdo Igad?

Dhex-taal Gaaban.

Haddii aan dib idin xusuusino 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay

Waxay kala ahaayeen”

1-Su’aal Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay Qur’aanka soo dagaya uruuriyaan?

2-Su’aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Qur’aanka uruuriya?

3-Su’aal Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?

4-Su’aal sheeg Magaca Buurta Afrika ugu dheer?

5-Su’aal Sheeg Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?

6-Su’aal Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?

Jawaabaha waxay kala yihiin”

1-Jawab: Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.

2-Jawab: Waa Abuu-Bakar Sadiiq Rc.

3- Jawab: Zayd Binu Thaabit Rc.
4-Jawab: Waa Kalaminjaaro.
5-Jawab: Waa Dayaxa.

6-Jawab: Waa Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

waxa an idin karabnaa lixdaan  jawaaba hooda

1-Su’aal Sheeg yaa lagu soo dejiyey kutubka saxuuf?

2- Su’aal Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?

3- Su’aal Sheeg Nebigii dabka lagu tuuray?

4- Su’aal Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Jubba?

5- Su’aal Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) oo uu maro webiga Shabeele?

6- Su’aal Sheeg xayawaanka aabihiis ka xun hooyadiisana ka wanaagsan.

suaalo%20iyo%20jawaabo

E-mail: dabaqiin@email.com

WALAALKAYGA MUSLINKA AHOOW IYO WALAASHEYDA MUSLIMADA AHEEY INTA ADUUNKA LAJOOGAYO WAA WAX YAREE ALLE MARKASTA XUSUUSNO, DUKANA SALAADA  INTA  AANAN  LAGUGU DUKAN.

WALAAL ARAG GURIGAAGA DHABTA AH!!!
WAXAAD KU JIRTAA SAFAR SAHAY QAADO!!!
SAHAYDUNA WAA CAMAL IYO CIBAADO SUUBAN!!!

Just Close Your Eyes
More

qabriga1

qabri2

Just close your eyes and imagine,
You have just one more day to live;
One more day to show Allah,
To you “Heaven” should he give?
To say goodbye to your family,
And all your closest friends;
To ask for forgiveness,
And try to make amends;

qabri3

Just close your eyes and imagine,
Did you miss a prayer or two?
Did you please Allah,and do the things,
He asks every muslim to do?

Just close your eyes and imagine,
Tomorrow you will be gone;
No more second chances,
To smell the mist of dawn;

qabri4

Just close your eyes and imagine,
The angels are going ton come,
To take your soul and ask,
In your life “what have you done”?

Just close your eyes and imagine,
The words you want to say;
Will not come out you may realize,
For all your deeds you’ll pay;
You want to speak out, to cry out,
In Allah I believe;
But, silence beckons you,
No more can u decieve;

qabri5

Just close your eyes and imagine,
Finally,
Your silence breaks away;
You tell the angels you believe in Allah,
And for him, you did pray;
You say as tears are pouring down,
Please, Allah, forgive me,
For the sins that I committed,
Have mercy is my plea!

Just close your eyes and imagine,
That the smell of musk surrounds you,
From your head down to your feet;
You realize Allah forgave you,
Hell fire you did defeat;

qabri6

But we all know as muslims,
When it’s time for you to die;
You’ll not be given a second chance,
To say a last goodbye;

So live each day as If it’s your last,
And never forget to pray;
So when the angels come to ask,
You’ll know thr words to say.

walaal tuko salaada inta aanan lagu tukan

WALAAL ARAG GURIGAAGA DHABTA AH!!!
WAXAAD KU JIRTAA SAFAR SAHAY QAADO!!!
SAHAYDUNA WAA CAMAL IYO CIBAADO SUUBAN!!!

Just Close Your Eyes
more

asalami calaykum warax matulaahiaaclear2

 

macalimiinta5

W/D: cabdinaasir cali xassan *macalin cabdiyare*  Email:cabdnaasir8@hotmail.com  TEL: 0025215517070 

oo ah maa mulaha macdaka cumar binu khadaab ee xafada dabaqiinka.

tabeelaha iskuulka cumar binu qadaab ee xafada dabaqiin

BARNAAMIJKA WAXA AA GACAN WEYN KA GEESTAY MACHADKA CUMAR BINU KHADAAB EE XAFADA DABAQIINKA.

Email: dabaqiin@email.com dabaqiin@gmail.com dabaqiin@yahoo.com

HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIIN  qeebtiisa DIINTA.          www.dabaqiin.wordpress.com                                                                                                                                    

8 responses

24 09 2009
ABDISALAN HASHI HAGALLEY

waxaan halkaan kasalamayaa macalin abdiyare oo anan is arag in badan iyo dhamaan dhalin yarada xaafada DABAQIIN iyo kuwa soo abaabulay website kaan aad ayaad u mahad san tihiin 100% waa anigoo ah Abdisalan Hashi Hagalley Waxaana idin lee yahay mar kalle . MAHAD SANIDINA

3 10 2009
salaaam

dhamaan aqyaarta waa idin salamay intaas kagadale waxan si qaas ah usalamayaa abdisalan hashi hagaley sxb wlh waqti badan ayaan isku keyn danbeysay

1 12 2009
sacad

salaamu calaykum walaladay aad ayaan idin salmayaa salan qali ah walal aad ayaad u mahadansthin
waxan ilahay ka baryaynaa in ialahy ina wafajiyo khyrka jidka sidaadna ale ha ino fududeeyo aammmiiinnn

1 01 2012
Hibo Maxamad

asalaamu caleeykum walaalayaal aanu diinta ka barano sidkan nin walbana udana ala dartii cabsi iyo cibaado

2 03 2015
Fgjbikjhff

Masha Allah

2 03 2015
Fgjbikjhff

Waa fii can yahay

10 05 2015
13 09 2015
Abdullahi Salah Mumin

Jazakalaahu Qeyran Qofki Aad aya nogu faa ideysay waxay anfaceysaa Mu’miniinta Jecel Hadalada Alle iyo Xadithyada Nebigeena Suuban Scw

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: