Cayaaraha


calannur

   BARNAAMIJKA CAYARAHA EE DABAQIIN    

tabarayaasha

waxa aan idin kugu soo ban dhigi doona barnaamijka cayaaraha qeybahiisa kala duwan sida kuwii hore, kuwii dhexe, kuwii danbe iyo kuwahada waxa aanu intabada mudnaanta siin doona kuwa dalka somalia iyo xafada dabaqiinka.

GOOS GOOSKA CAYAARAHA XAFADA DABAQIINKA IYO ALLSOMALIA,   BOOQO BEEJKA CAYAARAHA.

    BARNAAMIJKA CAYARAHA EE DABAQIIN    

XIGA XAAFADA DABAQIINKA GENERAL SAALAX CALI XASAN

goos goos cayaaraha xafada dabaqiinka

wax aad booqataa beejka cayaaraha si aad muuqaldii hore kuwii danbe iyo kuwa hada aad u arag tid waa cayaaaaaaaaaaaaaaraha.

           waa cayaaryahan yasiin cibaar 18 oo wacdaro ka dhigaayo malesia.

         cayaaryaha yaasin cibaar oo goordhaw soo gaaradhaw soo garay malesia.

waxa uu kala baxay garoomada cayaaryahan bashi carab oo laga yaabana malesia.

CAYAARYAHAN CAPTAN MOWLIID MADAXEY OO WACDARO DHIGAY

MUUQAALKANI WAA CAYAARYAHAN MOWLIID YARE OO WACDARO KA DHIGAY WADANKA FILAND iyo CUPKA harjulinna cup.

 cayaaryahan mowliid waxa uu ka qeeb galay koobka dhalinta dadayar ee loo qabto wadamada iskandanifiyanka konkaas oo ay ku guulesteen wadanka filan uu asaga u cayaarayay uuna capyan u ahaay asoo dhaliyay labada gool ay uga adkaaen mid kamida ah wadanka danmark finaalkii cayaarahaas filand vs danmar 2-0.
NAADIGA CAPTAN MOWLIID
mowliid waa cayaaryan si aad ah uga dhex muuqday tartankaasi inta uu socday ka soo dhaliyay labo gool.
cayaaryahan mowliid waxa uu ka mid yahay dhalinyarada xaafada dabaqiinka, waa ex captankii hore ee koxda new-star ama arsenal.
CAYAARYAHAN MOWLIID10
cayaaryahan mowlid waxa lagu yaqaan inuu ahaan jiray cayaaryahan aanan forakasada jecleen sida darteed ayaa waxay u yaqanaanan dhalinyarada qarkood dens bercham.
CAYAARYAHAN MOWLIID11
cayaaryahan mowlid waa cayaaryaahn si aad ah looga yaqaana xafada dabaqiina nadigiisa si aad ah uu uga dhex muuqan jiray.
CAYAARYAHAN MOWLIID IYO SAXIIBKIS
waxa uu u qaadan jira nadigiisi hore lanbarka 10naad waana kan hada uu uwato nadigisa cusub ee wadanka filan.
CAYAARYAHAN MOWLI YARE
 waxa aa qeeb ka qaatay barnaamijkaan ciyaaryahanka dadayar ee cabdiraxmaan colaad *bulacey* oo hatan kunool wadanka south africa.

  WAA BARNAAMIJKA CAYAAARAHA EE DABAQIIN    

waxa aan idin kugu soo ban dhigi doona muuqalada dhabta ah ee sportska somaliyeed xaladiisa hada, kuwii dhexe, kuwii hore iyo muuqaladii ugu yaabka badnaay.

waxa kaloo aan idiin soo ban dhigayna kan dhalin yarada xafada sida xafad dabaqiin/somalia/muqdisho/yaqshiid/hurwaa dhamaan waan idiin soo ban dhigeena insha alaah wana mahad san tihiin.  http://www.dabaqiin.wordpress.com

sawirkaan aa u jeedaan waa dalinyarada xaafada sos oo mid kamid ah xaafada muqdisho koob lagu qab tay garoon ku dhex yaalo tuulada caruurta sos, 6-12-jun-2005 kasoo loogu magac daray Soccer matches in Somalia for Week of Action

 

dhalinyarada xafada sos

sawirkaan waa laba team oo ah kuwa sos ka dhisan

sos-captain

sawirkaan waa kabtanka kooxda sos ee kuguuleysatay koobka  Soccer matches inSomalia for Week of Action ,

waxa aa gadoonsiiyay koobka shariif xassan xiriiriyahana waa abuukar albadri.

dawada yaasha xafada sos

sawirkaana waa dadweynahaii dawanaayay

koobka Soccer matches in Somalia for Week

of Action ee ku suganaay v i p garoonka

 xafada tuulada caruurta ee sos.


  WAA BARNAAMIJKA CAYAAARAHA EE DABAQIIN    
 

ciyaaryahan shiil

sawirkaan waa ciyaaryan shiil oo kamid ah

dhalinyarada xaafda dabaqiinka, kasoo hada

kusugan wadanka kenya-mumbaasa-raaxa.

shiil

ciyaaryahan shiil waa ciyaaryahan lga yaqaan xafada dabaqiinka kasoo kasoo dhex muuqan jiray kooxda caan ah ee kadhisnee xaafadaas dabaqiin ee global,

waana mid inta bada marka uu kubada ku dhigo lugta ay difaacyada kasoo horjeeda ay qal qalijiree kasoo si fudud ku ag mari jiray.

waxa aa lagu xasuusta kubadahiisa sida qabciyaareedka ciyaaryahanka reer brazil ee denilson.

dabaqiin ltb1dabaqiin ltb2

sawirkaan aa ujeedaan waa naadiga caanka ah ee dada weyn kana dhisan xafada dabaqiinka aygoo kusugan garoonka stadion muqdisho, naadigaas waxa loo yaqaan ltb waa tiim laga yaqaano malagalada muqdisho oo dhan.

sawiradaana aad ujeedan waa kabtankooda caydaruus ama aweey, adantiin iyo ciyaaryahanka dada ah ee lagu magacaabo maxmed cabdinuur hanad ama afleershe, waana lanbarka 2 ee qaranka xafada dabaqiin iyo kooxda ltb.

dabaqiin ltb4

sawirkaan waa raga ugu cad cad naadiga dada weyn ee ltb oo kala ahhanad,cabdikaafiraaul, cabdifitaax sanqool ama filibiin waana saxafiga xaafada iyo farxaan cali abuu caisha ama universal hadba saa utaqaaniine.

dabaqiin ltb5

sawirkaan waxa aa si aad ah uga dhex muuqdo srikarka caan ah ee looga tashto xafada dabaqiin iyo naadiga ltb waa rug cadaaygii hore ee naadiga carta hatan kusugan wadanka south afrika laguna magacaabo cali baarma iyo ciyaaryahan kale ee la la mid dhigo qaab ciyaareedkiisa qabiirkii el-man waa ciyaaryahan shariifow, lakiin looyaqaana cabdirashiid sheikh cali beesani, waxa uu uga ciyaaraha lanbarka 3aad ee kooxd ltb iyo qaranka xaafada.

dabaqiin ltb8

sawirkaan waa nadigoo safan intooda len upka ahayd, waxa si aad ah uga dhex muuqda ciyaaryahanka kubadiisa lagu tixgaliyo qadka dhe lehna qaab ciyaareedka ciyaaryahanka reer spain ee xafi waa cabdikaafi maxamed xaashi loona yaqaano cabdikaafi raul.

dabaqiin ltb10

sawirkaan waa mid kamid ah sawirada naadiga ltb kasoo ay safan yihiin, waxa si aada uga dhex muuqdo sawirkaan ciyaaryahnka lagu magacaabo maxamed khaliif cali kheere oo ahaa cayaaryahana dhanka difaaca ka cayaaro kuwooda ugu fud fudud ee ka ciyaara xafad dabaqiinka iyo naadiga dada weyn ee ltb.

dabaqiin midnimo1

sawirkaan waa naadiga midnimo fc oo naadiyaasha xafada dabaqiinka loo gu jecel yahan, waxaana lagu xasuusta ciyaaryahano mustaqbal kuleh kubada cagta  inay kasoo baxeen naadiga midnimo kwaas oo ahaay kuwa da yar,

waxa kaloo lagu xasuusta qan cinta dawada yaasha ku noolaay xafadaas oo malinta ay ciyaarayan garoomada lasoo buux dhaafin jiray. waxa kamid aha nadigaas kabtankooda xasan salaad xasanbaska, cusmaan maxamud oo ah xidigii ka dhaliyay goolaka ugu quruxda badnaa igar, xassan maxamuud oo lagu naa neeso schools ama cibaarka yar, saciid bashiir oo marka la arko ciyaaryahankaas lasoo xasuusana ciyaar rise kasoo leh qab ciyaareedkiisa ah raga lagu tix galiyo lanbarka 3aad ee xafada iyo kooxdaas, aftax oo difaaca dhexe uga ciyaaro, cabdi kaafi lii, maxamed qada oo loo yaqan geraad ugana dheelo qadka dhexe ciyaaryahanka maxamed nuur shikh, ducaale iyo kuwa kaloo fara badan.

dabaqiin global1dabaqiin global2

sawirkaan waa laba ka mid ah ciyaar yahanada naadiga dada weyn ee global oo kala ah ciyaaryahan cabaas qaboowe, cabdifitaax yusu cali ilkoole waana laba ciyaaryahn aanaba marna  kala harin. sawirkan waxa dad badan soo xusuu sina nadiga global kasoo laga yaqaana dhamaan magalada muqdisho iyo aga gaaraheeda.

owqasin

sawirkaan waa ciyaaryahan cabdiqaadir qasin maxamed enj:owqasin oo labsian jakada qaranka somaliya , ciyaaryahan owqasin waa mid ka mid ah cayaaryahanada naadiga golobal oona ah kabtanka naadidiga dada wey ee golobal fc.

ahna isku daba ridaha webka www. dabaqiin.wordpress.com ee xafada dabaqiinka.

dabaqiin-ltb9

sawirkaan waaciyaaryahanada ugu dada weyn ee naadiga faca weyn ltb, waxa kamuuqda ciyaaryahan cabdikariin aboor oo ahay aas aasihii nadiga ltb magacana uu ka yihim hatana ku nool wadanka ethiopia. waxa kaloo kamuuqda kabtanka caydaruus sheikh cali oo hatan kunoo sudaan/juba iyo ciyaaryahan maxamed cabinuur hanad oo ku sugan wadanka iyo xafada dabnaqiinka.

  WAA BARNAAMIJKA CAYAAARAHA EE DABAQIIN    

dhalinyarada-xafada-dabaqiin

sawirkaan ciyaaryahanada  xaafada dabaqiin inta aanu sawir ka heeyno.

sawirkaan waa albiitarihii xafada dabaqiinka kasoo lagu wada xasuusto waqtiyadii kala duwnaa ee garoonka igar sida kobabka ramadaanka, waa albiitaro waana ciyaaryahan garsoorka aad ugu fiican cabdishakuur dhukul siinaay .

ciyaaryahan qadar dheere iyo albiitaro siinaay

ciyaaryah qadar dheere iyo albiitaro cabdishakuur dhukul  siinay

WAA HALYEE YADII AAN DHIHI KARNA WAXA AY HAHAAYEEN KU UU HILMAAMEN QARANKA SOMALIA BAHDA ISPOORTISKA GUULHII AY WADANKA USOOO HOOYEEN.

CABDI BILE CABDI VS CIISE

waxa aan idin kugu soo ban dhigi doona muuqalada dhabta ah ee sportska somaliyeed xaladiisa hada, kuwii dhexe, kuwii hore iyo muuqaladii ugu yaabka badnaay.

waxa kaloo aan idiin soo ban dhigayna kan dhalin yarada xafada sida xafad dabaqiin/somalia/muqdisho/yaqshiid/hurwaa dhamaan waan idiin soo ban dhigeena insha alaah wana mahad san tihiin.

E-mail: owqasin86@gmail.com saalaxcali2006@hotmail.com cibaar07@hotmail.com cabdinaasir8@hotmail.com talaata33@hotmail.com

dabaqiinweb@yahoo.com www.dabaqiin.wordpress.com

  WAA BARNAAMIJKA CAYAAARAHA EE DALKEENA     

WAXAN KUSOO QAADANEENA NATII JOOYINKII AY KALA KULANTAY WADANKA SOMALI KOBKA BARIGA IYO BARTAMA FRICA EE KASO CONAAYAY WADANKA KENYA.
 
DSC04843
NAIROBI (CIYAARO) –xulka qaranka k/cagta Somalia ayaa galabtay loo xanbaarshay guuldaradii 3-aad ee tartanka xulalka bariga iyo bartamaha afrika markii 3-1 loo dhiibay, taasoo si fudud ugu sahashay iney boorsooyinka u xirxirtaan magaalada muqdisho.
DSC04770
Somalia ayaa guuldarada 3-aad ee tartanka CECAFA waxey kala kulantay xulka Eretria oo goalkisii ugu horeeyay uu ahaa goal rigoore ah kaasoo daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta uu u dhaliyay Esaias Anddeberhian , isla qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Somalia laga dhaliyay goalkii 2aad ee ciyaarta daqiiqadii 27aad Filmon Tseqay ayaa u saxiixay Eretria goalka 2ad.
DSC04776
Sidaa ayaa lagu kala nastay markii la isku soo laabtay ayaa Somalia dardar cusub ay garoonka la soo gashay , dad badan oo garoonka joogana waxey rajo ka qabeen iney Somalia iska soo gudi doonto goalshaasi .
DSC04796
Hayeeshee bilowgii qeybtiii 2aad ayaa waxaa goalkii 3aad xulka Somalia ka dhaliyay difaacooda Yaasiin Ali Cigaal oo kubad ay soo laadeen weerarka Eretria uu isagoo difaaci raba uu iska dhaliyay sidaana ciyaartii ku noqotay 3-0.
DSC04798
Halkaa waxaa ku burburay rajadii ay dad badan ciyaarta ka lahaayeen oo aheyd in ay goalasha iska soo gudi doonaa , taageerayaasha xulka Somalia ayaa sidaasi oo ay tahay dhiira galin ku waday ciyaartoyda si aysan u niyad jabin.
DSC04805
hayeeshee Somalia waxaa u suuragashay iney helaan goalkii ugu horeeyay ee ay dhaliyaan tartanka oo dhan dhamaadkii ciyaarta waxaana u dhaliyay difaaca kooxad supper shelle oo badal ku soo galay ciyaarta Mohamed Hasan Shiino.
DSC04811
Ciyaarta oo ku soo idlaatay 3-1 ayaa waxey natiijadaasi siisay Eretria iney ku soo baxado kaalinta 2aad ee group B sidaana ay ugu soo gudubtay wajiga 2aad ee tartankaan, iyadoo ciyaartii kale ee isla group-kaan oo dhex martay Rwanda iyo Zimbabwe waxaa 1-0 ku adkaaday xulka Rwanda oo 9 dhibcood ku soo baxay.
DSC04842
Tartanka oo wareegiisii 1-aad la soo gabagabeeyay galabtay ayaa waxaa xulalka soo baxay ay kala yihiin Kenya iyo Zambia oo ka soo baxay Group A, Rwanda iyo Eretria oo ka soo baxay Group B, Uganda iyo Tanzania oo ka soo baxay Group C. waxaa sidoo kale soo gudbay Zanzibar iyo Zimbabwe.
DSC04877
Tartanka CECAFA senior challenge cup beri waa nasiino iyadoo xulalka soo baxay ay iskugu aadi doonaa sida tan.
Zambia vs Zanzibar
Uganda vs Kenya
Rwanda vs Zimbabwe
Tanzania vs Eretria
DSC04879
Xulka Somalia ayaa maalinta talaada ah oo socta wuxuu boorsooyinkiisa ka qaadan doonaa magaalada Nairobi isgaoo ka dagi doonaa garoonka diyaaaraha ee magaalada muqdisho isagoo xanbaarsan 3 guuldaro isla markaana laga dhaliyay 6 goal halka ay dhaliyeen hal goal.
DSC04845
KULANKII LABAAD
DSC04600
NAIROBI (CIYAARO) –Xulka qaranka kubada cagta somalia ayaa galabtay loo saariyay guuldaradii 2-aad ee ka soo gaarta tartanka xulalka bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA SENIOR Challenge Cup, kaasoo haatan ka soconaya magaalada Nairobi.
DSC04627
Guuldaradaan ayaa waxey Somalia kala kulantay xulka Zimbabwe oo ugu badiyay 2-0, taasoo ka dhigan in xulka Somalia ay tartanka boorsooyinkooda ka xirxiran doonaa maadaama loo xanbaariyay 2 guuldaro oo is daba taal.
DSC04629
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Somalia waxey soo bandhigeen ciyaar aad iskugu xiran oo aad u soo jiidatay daawayaashii garoonak joogay hayeeshee waxaa laga dhaliyay goalkii 1aad ee ciyaarta kaasoo ahaa mid isku haleyn kaga dhashay, 1-0 oo Somalia lagu hogaaminayo ayaa lagu kala nastay.
DSC04641
Markii la isku soo laabtay oo ciyaarta la baastay ayaa waxaa laga dhaliyay Somalia goalkii 2aad ee ciyaarta kaasoo rajo waliba oo ay lahaayeen gud ku sii riday, dhowr fursadood oo ay isku dayeen ayeey qasaariyeen.
DSC04655
waxey somalida galabtay soo bandhigeen ciyaar aad u wanagsaneyd oo aad loola yaabay laakiin dadaalkoodii wuxuu noqday mid hal bacaad lagu lisay ah maadaama kubadii quruxda badneyd ee ay la yimaadeen garoonka aysan waxaba ku dhalin, isla markaana 2-0 loogu dhameeyay.
DSC04687
Ciyaartoyda Somalia ayaa kulankii ugu horeeyay oo ay la ciyaareen xulka Rwanda waxaa looga adkaaday 1-0, kulankii 2aad oo ahaa kii galabtay oo ay Zimbabwe kaga hortageen waxaa loo dhiibay 2-0 taasoo u xaqiijisay iney iskaga hareen tartanka gabi ahaantiisba.
DSC04702
Ciyaarta 3aad ee Group B waxey Somalia kula balansantahay xulka Eretria taasoo lagu wado in ay ka dhacdo garoonka City Stadium maalinta sabtida ah ee soo socota , hadii Eretria soo badiso iyada iyo Rwanda ayaa u soo wada bixi doona wareega 2aad halka Zimbabwe iyo Somalia ay qulquli doonaa.
DSC04706
Ciyaarta Somalia waxaa ka horeysay ciyaar kale oo dhex martay xulalka Rwanda iyo Eretria waxaa 2-1 ku badisay xulka Rwanda .
DSC04738
Waxaa cabasho badan ka jirtaa heerka qaban qaabo ee tartanka iyadoo Kenya aysan tartankaan ugu diyaar garoobin sidii la rabay. Iyadoo dhibaatooyin badan ay ka jiraan helitaanka garoomada ay xulalku tababarka ku qaadan lahaayeen.
DSC04714
KULANKII 1AAD.

00000
NAIROBI (CIYAAR)-Xulka qaranka k/cagta Somalia ayaa galabtay guuldaro kala kulmay xulka k/cagta ee Rwanda oo ay wada ciyaareen kulan ka tirsanaa tartanka xulalka bariga iyo bartamaha afrika ee haatan ka soconaya magaalada Nairobi.
02
Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay ciyaaraan ayaa waxaa looga adkaaday 1-0, wallow ay iska qasaariyeen dhowr fursadood oo ay doonayeen iney iskaga soo gudaan goalka looga adkaafday
013
Xulka qaranka Somalia ayaa goalka looga adkaaday waxaa laga dhaliyay bilowga qeybtii 1-aad ee ciyaarta markii ay socotay 4 daqiiqo oo kaliyaha.
Ciyaaryahanka number 8-aad ee Rwanda Harun Niyonzima ayaa kubad uu soo laaday oo ku sii dhacday ciyaaryahanka difaaca ah ee Badri Moalimu waxey si fudud ku dhaaftay goolhayaha xulka Somalia Khalid ali taaso shabaqa cuskatay.
09
Somalida ayaa bilowgii hore ee ciyaarta waxaa ahaayeen kuwo isku dhex yaacsan oo aan laheyn wax isku xir ah hayeeshee markii danbe si wanaagsan ayeey isku fahmeen, iyagoo bilaabay iney si wanaagsan kubad ula qeybsadaan Rwanda.
04
Xulka Somalia waxaa dhaawac xun ka soo gaaray goolhayihii 1-aad ee xulka Khalid Ali kaasoo garoonka laga saaray qeybtii hore ee ciyaarta markii bareele looga saaray garoonka wallow aan la ogeyn ilaa iyo haatan sida ay wax u soo gaareen.
00000
Sidoo kale waxaa sigtay oo dhaawac garoonka looga saari rabay goolhayaha 2-aad ee xulka Kamal Ali oo isagana dhowr mar ay dhaawacyo soo gaareen, waxeyna mar ku sigteen xulka Somalia in ay soo wajahdo dhibaato goolhaye la,aaneed.

Xulka Somalia waxaa sanadka tartankaan kala qeybgalaya 2 ciyaaryahan oo laga keenay dalka Canada sidoo kale waxaa lagu soo diray 2 ciyaaryahan oo laga keenay dalka Switzerland laakiin u muuqda kuwo aan ciyaari Karin tartankaan maadaama ay xirfadooda ciyaaareed ay tahay mid hooseysa.
Xulka Rwanda ciyaarta waxey ku dhameysteen 10-ciyaartoy oo kaliyah markii mid ka mid ah ciyaartoyda laga saaray kulanka.
07
Daawashada ciyaarta Somalia iyo Rwanda waxaa waxaa ka soo qeybgalay wafdi uu hogaaminayay safiirka Somalia u fadhiya Kenya Mohamed Ali americo , Mowlid macaane mahamuud oo ahaan jiray garsoore heer caalami ah iyo madax kala duwan oo qeybaha somalida ka socday.
06
Taageerayaal aad u fara badan oo Somali ah ayaa ciyaarta ka soo qeybgalay wallow aysan garoonka u imaan sidii la filayay maxaa yeelay Somalia waa dalka labaad oo ugu taagera badan marka laga yimado dalka martida loo yahay ee Kenya.
08
Ciyaarta labaad ee Somalia waxey ciyaari doontaa maalinta khamiista ah ee soo socota iyadoo la ciyaari doonta xulka Zimbabwe oo ay ku wada jiraan group B. waxaa laga qabaa rajo badan in ay kulankaasi rajo fiican ka keento.

Tartankaan oo ah kii 33 aad ee bartiga iyo bartamaha afrika ayaa waxaa maalinta beri ah wada ciyaari doona xulalka Ethiopia iyo Jabouti oo ku wada jira Group A.

Line Up (Ghana): Sammy Adjei, Aziz Ansah/Lawrence Adjei, Addoquaye Pappoe, John Mensah, Samuel Osei-Kuffour, Michael Essien, Bernard Don Bortey, Hamza Mohamed, Nana Arhin-Duah/ Asamoah Gyan, Isaac Boakye, Stephen Appiah/ Yakubu Abubakari

Somalia: Abdulkadir Shek Osma, Yussif Ali Egal, Mohamed Abdulai Muhudin, Hussein Meigag Mohamed /Abdifitah Mohamed Said, Abdulusis Salad Awale, Musdaf Hassan Omar, Osman Omar Wakil, Isse Aden Abghir, Yussif Ali Nir, Mohamed Abdulai Shek/ Abdulwahid Abdi Farah, Abdul Kadir Omar Ibrahim.

 

CIYAARTOYDII SOOMAALIYEED EE TABABARKA U  AADEY  REAL MADRID OO SOO GAAREY DALKA ….

 

ciyaartooydii spain

Kabtan Beckham oo dhextaagan Cbdib Bashiir, Nuune Xuseen, Yuusuf Cali Moorgan iyo Maxamed Yuusuf

Waxaa maalintii dorraad ahayd magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay laba ciyaaryahan oo tababar u aaday dalka Spain gaar ahaan garoonka   Real Madrid. Xaflad aad u balaaran ayaa loogu sameeyay xarunta dhalinyarada ee KANAVA waxaana ka soo qeyb galay soo dhaweyntooda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo weliba mas’uuliyiinta hay’adaha UNICEF iyo  UNDP oo iyaga qayb libaax ku lahaa qaadida afar ciyaaryahan oo laba ay ka tagtay koofurta labada kalena waqooyiga.  Dadkii ka hadlay xafladaasi waxaa ka mid ahaa Max’ed Nuur Yalaxoow oo ku hadlayey magaca hay’adaha UNICEF iyo UNDP wuxuuna sheegay in ula jeedada loo qaaday 4-tan ciyaaryahan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa isboortiga, waxaa kaloo ka hadlay

 ciyaartooydii spain1

Luis Figo dhextaagan Ciyaatooyda Soomaaliyeed

C/raxmaan Janaale oo isna u mahad celiyay inta gacan ka geysatay barnaamijkaasi, labada ciyaaryahan ee soo gaaray Muqdisho oo lagu kala magacaabo Nuune Xuseen Cabdi iyo Yuusuf Cali Moorgan, oo iyagana ka hadlay xafladaas waxay sheegeen in wixii ay ka soo faa’ideysteen  garoonka  Real Madrid ee El Santiago Bernabue ay uga sii faa’ideyn doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Isboortiga xiiseeya, waxaana labada dhalinyaro ee kale ee ka tagay gobolada waqooyiga Somalia lagu kala magacaabaa Max’ed Yuusuf Xasan iyo Cabdi Bashiir Cabdi.

Ciise Aadan Abshir oo dhaliyay goolkii ugu horeeyey . (Young Somalian Ronaldo)

 ciise dheere tanzania1
Ciyaatyahan Ciise oo qoraalo u saxiixaya Carruurta ree Tanzania iyo taageerayaasha Koxdiisa Simba

ciise dheere tanzania2
Ciise Abshir  waata Koofida Qaran Soomaaliya oo ka qeeyb galaya Dhoola tus Sport o ay kooxdiisa Simba ku dhex sameeyneeso wadoyinka waaweeyn ee Magaaladda Caruusha

Weeraryahanka xulka qaranka ee wadankeena Soomaaliya Ciise Aadan Abshir ayaa kulankiisa ugu horeeyay u saftay kooxdiisa Simba ee wadanka Tanzania, waxaana kulankaas uu dhaliyay goolkiisa ugu horeeyay ee uu dhaliyo kooxdiisa Simba.  Daqiiqadii 35-aad ayuu shabaqa ku hubsada goolkii guusha ay uga badiyeen kooxda Pridson FC, kulan ka tirsanaa tartanka ay ka qeybgaleen sideeda kooxood ee ugu fiican wadanka Tanzania, waxaana ciise sidoo kale uu kooxdiisa Simba u horseeday in uu dhiibo goolka guusha ay uga badiyeen kooxda young African kaddib markii uu soo galay ciyaarta oo mareysa gool iyo gool (1-1) sidoo kale Ciise oo shalay khadka internet-ka qaybtiisa wada sheekeysiga (MSN-Masenger-ka) ugu waramayey Faarax Blue ayaa sheegay in maalinta axada ahna ay yeelan doonaan kulankooda sadexaad, waxaana ciise uu kooxdiisa Simba u qaataa nabmarka 11-aad.

ciise dheere sinba fc
Ciyaaryahan Ciise Abshir

“aad ayaan ugu mahadcelinayaa macalinkeygii hore ee kooxda Elman Cabdi Faarax Geele iyo guud ahaan maamulka Elman oo ii sahlay in aan gaaro heerkan” ayuu yiri Ciise oo ay taageereyaasha kooxda Simba ay ugu magac dareen (Young Somalian Ronaldo), “Ronaldaha yar ee Soomaaliyeed”

Wadanka Suudaan oo sandkii hore tartanka CECAFA Tenga  ku guuleystay ayaa koobka ku soo wareejiyay guddoomiyaha CECAFA markii ay ka soo degeeen garoonka DIYaaraha, waxaana Tenga uu isna faraha ka saaray xoghayaha guddiga qaban qaabada tartankan Moses Magogo, waxaana koobkaas la guddoon siin doonaa xulka ku guuleysta tartankan.

Nicolas Musonye oo ah Xoghayaha guud ee CECAFA ayaa ii sheegay in TV-ga caalamiga ah ee G Sports uu iibsaday ciyaaraha sanadkan, isagoo bixin doona half million Dollars, waa 500, 000, (Shan Boqol oo kun oo dollar) waxaana xulkii koobka ku guuleystaahi uu qaadan doonaa lacag gaareysa  US Dollar 30,000 (Sodon kun oo dollar), kaalinta 2-aad 20,000 iyo kaalinta 3-aad oo qaadaneysa 10,000, iyadoo dhinaca kale kulamada ugu dambeeya tartankan si toos ah looga daawan doono Television-ka G Sports 1 iyo 2.

Dhinaca kale shir ballaan oo ay isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Xiriirka CECAFA iyo masuuliyiinta xiriirada qaranka ee Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa ka dhacay hotelka Equatorial ee magaaladda Kampala, waxanaa shirkaas intii uu socday lagu doortay in wadanka Kenya uu marti galiyo ciyaaraha CECAFA ee 2009,  waxaana Xoghayaha  xiriirka K/cagta ee wadanka Kenya OBINGO Sammy Joel, isla markiiba uu sheegay in ciyaarahaas ay qabanayaan inta u dhexeysa 21-ka November ilaa 20-ka December.

CECAFA

Qodob dood dheer dhaliyay ayaa jiray, kaas oo ahaa in luuqadaha Xirirka K/cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa lagu soo kordhiyo luuqadda Kiswahili, oo ay ku hadlaan dhowr wadan oo kala ah Kenya, Uganda, Tanznia iyo Rwanda, hase ahaatee xoghayaha xiriirka K/cagta wadanka Sudan Magdi Shamsu-diin ayaa isla markiiba ka dhiidhiyay, wuxuna Yiri “haddii aad dooneysaan in luuqadaas lagu soo daro luuqadaha CECAFA waa in aad macallimiin noo soo dirtaan si ay noo baraan luuqadda”

Somalia, Jabuti, Eritrea iyo Sudaan ayaa iyaguna wacad ku maray in haddii Sawaaxiliga ajandihiisa mar kale la soo celiyo in ay soo bandhigayaan in Luuqadda Carabiga lagu soo daro luuqadaha CECAFA, waxaana qodbada 5, 6, 7, ee dastuurka CECAFA ku qoran in luuqada rasmiga ah ee CECAFA ay tahay Ingiriiska.

Shirkan waxaa Somalia uga qeyb galay guddomiye ku xigeenka xiriirka Axmed Nuur iyo Xoghaye C/qani Carab, waxaana dhammaan xubnihii shirkaas ka qey galay ay ugu baaqeen ciyaartooyda iyo taageerayaasha in ay muujiyaan ciyaar wanaag, taageero wanaan iyo dul qaad intaba.

Ciyaarta furitaanka ah ee tartankan ayaa berri 31-ka December ka dhici doonta garoonka Jinja City ee magaaladda Jinja, waxayna dhex mareysaa wadamada Jabuti iyo Zambia, waxaana mar aan maanta wareysi gaaban la yeeshay xoghayaha guud ee xiriirka K/cagta ee wadanka Jabuti Hassan Kamil uu ii sheegay in xulkiisu uu muddo dheer isku soo diyaarinayay ciyaarahan, hase ahaatee ay cabsiga ka qabaan in xulka Zambia uu ka adkaado, waayo wuxuu yiri “Zambia waa wadan taariikh wanaagsan ku leh K/cagta, waxana dhici karta in ay naga farsamo wanaagsanaadaan, madaama ay wadan ahaan heli karaan shirkado iyo shaqsiyaad K/cagta u heelan oo taageerooyin dhaqaale siiya”

Labada wadanka ee deriska ah ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa ka maqan sanadkan ciyaaraha CECAFA, Ethiopia xulkeeda waa laga ganaaxay dhammaan dhaq dhaqaaqyada K/cagta, kaddib markii xiriirka K/cagta ee wadankaas ay ka soo cusboonaadeen is qab-qabsi u dhexeeya masuuliyiinta xiriirka iyo musuq-maasuq la xiriirka dhaqaalaha xiriirka oo si qaldan ay u isticmaaleen, halka xulka Eritrea uu ciyaarahan uga maqan yahay sababbo  la xiriira cabsi laga qabo in ciyaartooydooda ay fakadaan markii ay Uganda yimaadaan, waayo wadanka Eritrea ayaa ah wadan ku jira gacan military oo aan ogoleyn in dhalinyaradu ay banaanka u safraan, waxaana maqnaanshaha Eritrea ka fiideysatay xulka wadanka Zambia oo buuxiyay booskii Eritrea, waxaana Zambia ay ku qeybtahay  xulalka Suudaan oo koobka difaacaneysa, Kenya, Jabuti, iyo Burundi.

Tababaraha Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusuf oo Sheegay in Dhibaatooyinka ka Socda Soomaaliya ay Saameyn ku Yeelatay Maskaxda Magan

Leeuwarden 3 October 2009 SMC   

cayaaryahan magan Wellim de vries oo ah Macalinka & Ciyaaryahan Magan Daahir Yuusuf oo dhawaan u waramayay TVga amrop fryslan ayaa sheegay in Magan ay Saameyn ku Yeelatay Mushkilada ka aloosan Dalka Soomaaliya Taas oo uu sheegay in Magan uu aad uga Fikiro isla Markaana ay Maskaxdiisa ay Saameyn ku yeelatay Dhibka ka jira gudaha Dalka Soomaaliya.Ciyaaryahan Magan oo Ciyaara Kubadda Miiska ayaa isagu waxaa uu asal ahaan ka soo jeeda Dalka Soomaaliya isaga oo u Ciyaara Xulka Qaranka Kubadda Miiska ee Dalka Netherlands,Waxaana Dhawaan lagu Qaban Doona Dalka Netherlands Horyaalka (friese kampioenschappen Tafel Tennis 2010)Gaar ahaan Magaalada Leeuwarden  iyadoo Sanadkana lagu soo Qaatay Bostarka Ciyaarta Sawirka Ciyaaryahan Magan Maadaama uu Yahay Ciyaaryahanka kaliya ee Gobolka Fresland ee wadanka Netherlnands ee  Ciyaara ilaa Heer Caalami.Ugu Danbeyntii ayaa wellim de  vreise oo ah Macalinka Ciyaaryahan Magan isla markaana ah Manegerkiisa gaarka ah waxaa uu sheegay in uu aad u jeclaan lahaa in ay  Joogsato Dagaalada iyo Dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya taas oo uu sheegay in Mar waliba uu Ciyaaryahan Magan ay Tahay tan kaliya oo uu ka fikiro isaga oo sheegay in taasi ay suurto gal ka dhigi karto in uu sii laba laabo Dadaalkiisa ku aadan xagga Ciyaaraha.

cayaaryahan magan daahir

 

C/salaan iyo Manchester City.

 cabdisalaancadaay2

 

Barry Poyton iyo C/salaan,17/02/2007

.cabdisalaan cadaay1

Waxaa taarikhdu markii ay aheyd 16/02/07 heshiis rasmi ah qalinka ku duugay

kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska oo uu matalayay

barry Poynton oo ah madaxa Akademiga kooxda iyo C/salaan C Cadaay oo ay

matalayeen Frank Hansen iyo C/qaadir cadaay oo ah aabaha dhalay

ciyaariyahankan da’da yar.

Heshiiskan oo macnihiisu yahay waxbarasho iyo in C/salaan kamid noqdo

dhalinyarada matali doonta magaca kooxda mustaqbalka dhow iyo kan

fog intaba, maadaama uu yahay nin aad u dhalinyar lagana faa’iideysan

karo xirfadiisa sanado badan oo soo socda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway oo ay horkacayeen

ururka haweenka ayaa u dhigtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay

ciyaariyahankan iyo mas’uuliyiintii ka socotay Ingiriiska, waxaana halkaa

la isku dhaafsaday hadalo isugu jirey waano iyo guubaabo intaba.

Mr, Poynton oo la hadlayay dadkii halkaa isugu yimid ayaa sheegay inuu

C/salaan yahay wiil nasiib badan maadaama uu noqday wiilkii ugu

horeeyay ee

Soomaaliyeed oo ay koox Ingiriis ahi dibadda ka keensato nooca ay

doonto ha ahaatee,

waxaa kale oo uu muujiyay mas’uulkani sida uu ugu faraxsanyahay

qaabka ay dadkiisu

u daneynayaan horumarkiisa iyo sida ay u garab taaganyihiinba.

Goobtii xafladdu ka dhaceysay oo ay ka muuqatay jawi farxadeed,

waxaa hadalo

kasoo jeediyay dad isugu jira ma’uuliyiin, waalid iyo asxaab intaba,

waxaan ka

tilmaami karnaa, Xasan Waraabacadde oo ah nin had iyo goor u taagan

horumarinta sportiga Soomaaliyeed. Ayaan Yaasiin oo ah madaxa ururka

haweenka. Kalkaal oo ah macalinka iyo tababaraha C/salaan.

Maamow oo isna ah qoraa iyo wariye iyo ugu danbeyn aabaha dhalay wiilkan

waa C/qaadir Cadaay oo ah waalid dhexda u xirtay sidii uu ubadkiisa iyo

dhamaan ubadka Soomaaliyeed guul iyo magac ugu soo hoy lahaayeen

dadkooda iyo dalkooda.

sawirkaan ciyaaryahanada kaqeeb galay cayaarihii kadhacay chaina 2008

oo kusugan garoonka adan cade intrnationla airport.

  olyimbic_somalia1

sairkaan waa oradyahanada somaaliyeed oo ka qeeb qadanaayo orad ka

dhacay dagmada cabdi casiis iyo garoonka banaadir stadioum ama conis,

malinta logu magacdaray world tp day 24 march 2008.

orad yahanada somaliyeed

sawiradaan waa ayagoo laga doon siinay abaal marinada kaalimaha ay kala galeen,

taaso kadhacday garoonka conis stadiom uu gadoon sinaayo gudiga olompikada somaaliyeed.

sawirkaan waa qeeb kamid ah ciyaaryahanada somaaliyeed ee ka qeeb galaayay

ciyaaraha olompikada ee chaina kadhacay kuwaas oo socod kumaraaya garoonka

sidana calanaka somalia.

waxa aa ka muuqda hidaha iyo dhaqanka somaliyeed iyo somalinimada.

 

waxa aad ujeedan garoonka saacadiisa oo uu ka muuqdo calanka somaliya

wana malinta xafladii furitaanka ee chaina 2008.

sawirkaan iyo muqaalka garoonka stadioum muqdisho xiliyadii lasoo maray

waa isku mid.

 

muqaalkaan waa wax aad loo yabay hadii aad fiirisid waqtiga hada suuyahay

iyo shalay suu ahaay.

waqtiga muqaalkan wax uu ahaa garoon keena kan labaad ee afrika ugu

qurxoon uguna weyn.

labadaan muqaal ma la dhihi karaa waa isku mid?

muqaalkaana loomaba maleeyo garoonkii ka galay afrika oo dhan kalinta lbaad.

muqaalkaana waxa uu noqda meel xoolaha ay daqaan.

taasna waxa kalifay cadawgii qabsaday wadankeena somaalia.

sawirkaan waxa aan uga jeedna gudiga olampikada somaliyeed iyo nin

dhalinyarada oo dhan ay uyaqaana cimri aake oo ahaan waar diyihii

garoonka ku dhawaad mudo 20 sano. gudiga waxa aa ka mid ah garoonk

markuu garoon ahaan jiray bari samaad kii rag ka dhex muqan jiray

lakiin hada ay layaab latahay dhacdadaan.

1.QARANKAAN OO AH KII DHEXE MA KA FIICAN YIHIIN KUWA DANBE EE

HATAN XIRAN FUNAANADA QARANKA?

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa cayaaryahano aan la hil maami karin Maxamed Dacayeey,

Cabdulaahi Yariisow

 

ciyaaryahan ABDI BASKIT waa boqorkii kubada cagta somaliya waxa

aana lagu xasuustaa

baasaskii  mucjisada ahaay.

Kooxahii dhexe iyo kuwii horaba waan idiin hayna

 

 

  

 

 

Waa Xulkii ay ka badiyeen Qaranka Somalia oo Ciise u

horseeday inuu gool ka dhaliyo Tanzaaniya

Taageerayaasha Soomaaliyeed oo qurba jooga ah waxa aa

kamid mid kamid ah dhalinyarada xafada dabaqiin waa

kuma kaas adaa laga rabaa inaad sheeg kaasoo

www.dabaqiin.wordpress.com uga ahaay goob joo hada

jawaabta waa dhankaada?

XULKA QARANKA UU DABAAL DAGAYO GUU SHII AY KA GAAREEN WADANKA UGANDHA.

ciise midnimo

ciise dheere

ciise dheere9

calanka

  WAA BARNAAMIJKA CAYAAARAHA EE DABAQIIN    

XIGA XAAFADA DABAQIINKA GENERAL SAALAX CALI XASAN

W/D: CAYAARYAHANKA AMA XIDIGA XAAFADA DABAQIINKA WAA

Genaral: macalin SAALAX  CALI HASAN

*SALAX DHEERE* OO KUNOOL XAFADA DABAQIINKA 

Email: saalaxcali2008@hotmail.com  TELL: 0025215557735.

  BARNAAMIJKA CAYARAHA EE DABAQIIN    

MUQAALADAAN WAA MID CAJIIB AH OO KA HADLAAYO XAALADAHII BADANAA UU

SOO MARAY ISBOORTISKA SOOMAALIYEED IYO MARXALADA   LASOO GUDBOONAADAY DHALINTA ,

DADKA IYO DALKABA.

E:mail dabaqiin@email.com dabaqiin@gmail.com   ama booqo www.dabaqiin.wordpress.com

HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA IYO SPORTISKA EE XAAFADA DABAQIINKA / SOMALIA

/MUG/DABAQIIN.

17 responses

23 04 2009
abdirahman inaa

asc msha-alaah aniga waxaan ka mid ahay dhalin yarada xafada dabaqiinka
waxaana ka mid ahay daga unaa liiya sports ka xaafada dabaqiin ka waa
guul aan kaar nay saan unahay ciyaal taba qiin wanae maasha-alaah sida aad
is ku la xarorno aan is ku ogano aan is ka war qab no waane is la xarooro doon naaa aniga waxaan joogaa wadanka kenya-kara ahaan nairobi waana mahad san tihiin saa utiih all ciyaal xafada bye bye bye bye bye bye bye bye

9 07 2009
farxaan cali

waxaan salaamaya dhaman dhalinta xaafada dabaqin meelkasta oo ay jogaan waxaan idileeyahay farxad ku nolaada waa farxaan cali cabdule Abucaisha ama Universal sidaad ugaraneysaan oo jooga wadanka saxara wuqooyiga Africa ee libya Tripoli waa idinsalaamayaa tell +218922253357

8 08 2009
ghryhury

waxna waa ben waxna waa run cml

11 10 2009
naciima cali

waa idin salamayaa ciyaartooydha soomalaiyeet meel waliba aat jooktaan salaanta islaamka asc walaayaal wan kumahatsantihiin cuiyaarta aat soo bandhiktiin sida eey qiima iyo sharaf uleedahay waan kumahtsantihiin waan idin takaarsanahay meel waliba an joogo waxan joogaa wadanka swedhan gaar ahan magaalada solna waxaan leeyka heli karaa telkaan 0046737045867
mahatsanidiin

25 10 2009
mohamed deek

aniga waxan ahay wiil somaliyed kunol magalada nairobi maga cega waxaladhaha mohamed deek waxan kudhashay somalia mugadhiso waxaana dagaana jiray dabaqiin.
waana ku faraxsanahay hormarka ay gaareen dhalinyarada xaafada.

14 12 2009
Cabdulaahi Caato

waxaan aad iyo aad ugufaraxsanaha in aan xasuuto dhalinyaro aan arag mudo lix sano ah. Laakiin markii aan websitekan galay ayaa waxaan ku arkay dhalinyaro aan marhore illobey xitaa aanan xusuusan. Run ahaanii waxaa mahadcelin weey u jeedinayaa dhalinyata kashaqeeyay websiteka oo ilaa iyo hada is ku xiriiriya dhalinyaradii daganeed xaafada dabaqiin. Rayi ahaanteeyda waxeey iilamuuqataa in eey tahay fikradfiican in laiskuraadiyo dhalinyaradii daganeeyd xaafada dabaqiinka meelwalba oo eey kajoogaan aduunka.

21 05 2010
Abdiwali Aden Madaxey sos

waxan meshan kasalamaya asxabta dhalinyarada reer dabaqiin dhamantiin wan din salamaya walhi asxabey mar hore aya na isku ki danbesay dhamantiin xafada dabaqiin ad ban u jecla marka an dagana xafadda sos waqti badana wan isla dhelnay kubadda cagta hadana waxa ku nolahay wadanka yurub gar ahan Finland waxa is aragna ciyaar yahanka ad ka u dada yar ee lagu magacabo Mowlid marka wa dmahadsantihin asxabta wana idin salama dhaman wan isla so xariiri donha hadu ilah rali ka noqodo dagalka ad wadiin meshina kawada insha allah illahna wa idin lagarab gala xafada dabaqiin iyo sos oo nabad ah insha allah wan arkena hadu alla idmo

21 05 2010
Abdiwali Aden Madaxey sos

Mida kale ma mulka webka waxa ka codsanaya hadi ad ii galin kartis sawirkeyga madama an ahay ciyaalka xafada gar ahaan xafadda sos oo ad Si fican ad ii taqanin dabaqinka wan idin iman jiray banooni wax badan aya isla dhelnay marka makulka tasna jawabta idinka aya idin ka suga insha allah emailkan ad ikala so xariiri kartiin madaxey07@hotmail.com
marka xariir wacan asxabta

31 05 2010
sharmaake axmed nuur

aadbaan ugu mmahadcelinayaa dhaman dhaliyarada dabqeenka walahi rag soomalinomo ku danbeeso ayaad tihiin sxbyaal meeshiina kasiiwada wax qabadkiina aniga school xafda u dhawaa ayaan dhiganjiray oo layiraahdo s y l raga xafda cabdikaafi farax cigale ceydaruus dilhoorno qadrdheere oo albiitaraha la sawiran iyo ragbadan ayaan ka aqaanay mahadsanidiin sxbyaal

15 06 2010
deeqcaraaye

asc dhaman bahda reer dabaqiin gar ahan beesani iyo cali barma iyo dhman sxbadeey qaliga aah ee reer dabqiin

5 11 2010
ahmed mahamed ali

waa aabahaaga cayaaraha ok

6 11 2010
abdirahman osman sap vacuole

asc walaalayaal waan mahadsan tihiin waxaan idin sheegaa anigoo ah wasaarada xarakada shabaab al maqaatiliin ee dhinaca isbortiska uma jeedo raga ayaan ku arki jiray igir lakiin aniga sawirkeyga uma jeedo waa gadob xun buluxow dabadheere hooyada was xaraami ayaan iska dhigee maxaa kugu dhacay aniga sawir sawirkeyga ayaan u bahanahay inaad soo galisaan hadii kale waan isku qarxinaa aniga ilaa hada wali dabaqiin ayaan joogaa hoyadiin was iwada ilahey kabaqa

14 05 2011
TELKOM G.S.M

WAXAN HAAN KA SALAMAYAA CIYAARTOYDA XULKA QARANKA SOMALIA GAAR AHAAN CIISE MIDNIMO GOL HAYE BAKIYAA YASIN CALI CIGAAL SXBKYGA QAALIGA HA SHABEELOW M.NUUR SHARKEY AFDHEERE IYO KABTANKII XULKA GADUUDOW WAXAAN IDIN LE YAHY FARXAD KU NOLAADA MEL WALIBA AAD JOGTAAN WAXAA KALE O AAN KA TAGY LAACIBKII XULKA QARANKA SOMALIA YUU CALI HANOLAADO FARXAD WALIBA DHER ANIGA OO AHA AWEYS MACALIN NUUR AWEYS TELKOM

25 10 2011
Anonymous

ok walal waa daadir daadir gurey oo hada ku nool yemen deganaa xaafada dabaqaynka shiil sxb kii iyo akhyaar badan marka

2 11 2011
mahad muktaar

sxb yaal magacega waa mahad odagan magalada muqdisho

16 05 2012
nadra

asc dhaman waxa slama somalia mes kaste jogta nabad ilahe hano keno gar ahan waxan waxa halkan ka salama mowlid wayo wa wil somali magaced kor u qadya xag isportiga mowlid noqo ki somalia ay ku fano walkis

24 01 2016
kaasim mohamed

ilaaahow noosiyaadi nabad naga reeb colaad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: