Tariikhda


calannur

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

 ALLAHAYOOW DALKA NABAD NOOGA DHIG

DIBNA NOOGU CELI ANAGOO NABAD AH.

 soomaalia

 

 ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

                DIBNA NOOGU CELI

all somalia

xaladaha aan la hilmaami karin

waa muqdisho iyo maxaa ka taqaan

Aaway Somalinimo

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

 ALLAHAYOOW DALKA NABAD NOOGA DHIG

DIBNA NOOGU CELI ANAGOO NABAD AH.

 soomaalia

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

 ALLAHAYOOW DALKA NABAD NOOGA DHIG

DIBNA NOOGU CELI ANAGOO NABAD AH.

 

WAA BARNAAMIJKII TAARIIKHDA WAXAAN UGA HADLEENA TARIIKHDA DALKA  IYO DADKABA 

Tariikh Somalia

past and present

WAXAANA KA MARNAAN DOONIN TAARIIKHDA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIINKA.

MUQAAL KAAN WAA MID TAARIIKH AH OO XAALADA BADAN AAN CABIRNAY OO LASOO GUDBOONAADAY DHALINTA , DADKA IYO DALKABA.

maxay kusuganyihiin dhalinta xafada iyo dalkaba

 MUQAAL KAAN WAA MID TAARIIKH AH OO XAALADA BADAN AAN CABIRNAY OO LASOO GUDBOONAADAY DHALINTA , DADKA IYO DALKABA.

TARIIKHDII UGU XUMEED EE SOO MARTA DALKEENA IYO DADKEENA MUSLIMKA AH WAANA  MID SABABTAY TARIIKHDA MUG DIGA UU GALAY DALKA SOOMAALIYA IYO DADKABA .

DILKA CULIMADA2
Jun 5th, 2008
Xigasho: http://www.ilinkatoosan.com
Halkan ka akhriso qoraalkan dheer
DILKII CULMAUDIINKA SOOMAALIYEED

Dilkii Culimadii Soomaaliyeed ee 1975 iyo khudbaddii Siyaad uu jeediyay
Halkan waxaan idiin kusoo gudbinayaa sawiro aad u xanuun badan oo laga qaaday tobankii caalim ee dilka uu ku xukumay madaxweynihii hodhe Maxamed Siyaad bishii January 1975.

10-ka wadaad oo kaliya dambigoodu ahaa inay ku adkaysteen in Ilaahay (SW) uunan xagga DHAXALKA ka simin ragga iyo dumarka, ayaa 17kii bishii January 1975 laga qabqabtay masaajiddada magaalada Muqdishu salaaddii Jimcada ka dib.

Lix cisho kadib, 23kii January 1975 ayaa culumadaa lagu laayey meel fagaaro ah.
Waxayna kala ahaayeen:

1 – Sheekh Axmed Sh. Maxamed
2 – Sheekh Muuse Yuusuf
3 – Sheekh Axmed Iimaan
4 – Cali Xasan Warsame
5 – Xasan Ciise Iley
6 – Maxamed Siyaad Xirsi
7 – Cali Jaamac Xirsi
8 – Aadan Cali Xirsi
9 – Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Yaasiin Cilmi Cawil

(taabo sawira oo dhan)


  • Culimadii oo gacmaha gadaal laga xidhayo

  • Askar sii waddaa wadaad dhalin yar

  • ..

  • Indhaha ayaa loo duubayaa..

  • Qoraxdu weysii dhaceysaa..

  • Amarkii waa la bixiyey.
    execution by firing squad

  • Shahiidkan oo weli xarigii ku xidhan ayuu dhakhtarku hubinayaa inuu meyd yahay

  • Waxaad moodaa inuu shaatiga & sarwaalka cad uga baqayo inuu dhiigu ka gaadho!
  • waa la idinku shubay, waa la idinku shubay, waa la idinku shubay.. haddana anaa idinka shubaya.. wallee.. [Siyaad]

    E:mail dabaqiin@email.com dabaqiin@gmail.com   ama booqo www.dabaqiin.wordpress.com

    HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIINKA  ee SOMALIA

     

    Marquee Text

    TOBAN QARNI IYO TAARIIKHDA SOOMAALIDII HORE

    Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.  

    Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.
    Taariikhdaan oo aan ka soo dheeganeeno Buugaag waqtiyo fog horey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalo Xeebeedyada Soomaaliya imaan jiray.

    Sep 22, 2005 By:W:Q:C/laahi Xasan Maxamuud (khaliil)
    Qaybtii 1-aad
    Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.

    Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.
    Taariikhdaan oo aan ka soo dheeganeeno Buugaag waqtiyo fog horey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalo Xeebeedyada Soomaaliya imaan jiray.

    Waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin Carab Soomaali ah oo lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.

    Maxaa la oran jiray Muqdishooyin?, xaggee ka yimid magaca Muqdisho iyo magacyada Xamarweyne iyo Shangaani?, muxuu ku yimid magaca Gaalkacyo?, sidee ku aas aasantay magaalada Baraawe magacuse ugu baxay?, muxuu magaca War-shiikh ku yimid?, halkeese ka yimid magaca Cadale?.

    Meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya?, imisa ayaa Muslim ahayd?, goormey ahayd waqtiyadii ay Soomaaliya soo kala xukumayeen?, sidee u labisan jireen dadkii xilligaas ku noolaa Soomaaliya?, sideese muuqaalkoodu ahaa?, goorma ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu dhigay xaflad lagu xusayo Mowliidka Nebiga NNKH.

    Intaas oo su?aalood iyo kuwo ka badan waxaa Sabti kasta idinkaga jawaabaya akhristayaal Bogga Xulasho, waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno waa Maxay Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah oo aan taariikh sugan loo hayn, ayse magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.

    Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
    Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray, taariikhdaasoo aan iyadana la aqoon waqtigeed cayiman.

    Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan in haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.


    Sidee Ku Baxay Magaca Muqdisho?
    Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya kuna taala Xeebta Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dalka Soomaaliya iyo weliba magaalooyinka dunida. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn.

    Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magic darray Caasimada taariikh aan la ogeyn ayey qubaro Carab ahi soo gaabgaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho.

    Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayuu Eraygii ku noqday Maqad-shaah, iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama ?W?, markaasoo uu magacii noqday Muqdishoh, intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen, kuwa kalana xarafka ?H? ayey tuureen oo ay yiraahdeen ?Muqdisho? oo ah sida loo badan yahay haddana inta badan loo isticmaalo. Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jira ee xilligaas inta badan adeegsan jireen ku dhawaaqitaanka ah ?Muqdishoh?. Dhammadkii Qarnigii 15-aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan ?Mogadixo? oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka ?X? afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa ?Sh?.

    Qeybtii 2-aad
    Magaalada Muqdisho oo aan horey u soo sheegnay inay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dunida waxay leedahay xaafado fara badan oo laakiin taariikhda aasaaskoodu uu kula dambeeyey.

    Xaafadaha Muqdisho waxaa ugu horreeyey uguna da? weyn Xamarweyne oo hadda degmo ah, waxaana ku soo xigay xaafaddii Shangaani oo imminka iyaduna degmo ah, xaafadaha kale ee Muqdishana wey ka dambeeyaan labadaan qadiimka ah.

    Sidee ku baxay magaca Xamarweyne?
    Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in Xamarweyne oo ku taala Xeebta Muqdisho waqtiyadii hore laysku oran jiray laga soo bilaabo degmada Karaan ilaa Xeebta Xamar-yare oo hadda loo yaqaano Xamar-jajab.
    Shariif Caydaruus oo ka mid ah Taariikhyahanadii Soomaaliya wax ka qoray waxa uu sheegay in magaca Xamarweyne uu baxay kaddib markii halka hadda loo yaqaano uu soo gaaray nin Lug ka hitinaya isagoo watay hal gaduudan, isla markaana ay Haweeeneydiisu ku hoggaamneysay.

    Markii uu soo gaaray goobtii horey loo oron jiray Mal-mala oo ku taalay meel ku dhow Masaajidka Arbaca-rukun ayuu joogsaday, wuxuuna ka degay Hashii xilli Salaaddii maqrib ay soo dhaweyd si ay u tukadaan isaga iyo haweenaydiisu, iyagoo weyso qaadanaya ayaa waxaa u yimid afar qofood oo safar ah, salaan ayeyna is dhaafsadeen.
    Markii ay isla tukadeen kaddib ayaa afartii qof ee ninka Hasha-watay u yimid waxa ay ka codsadeen in uu marti qaado, wuxuuna u sheegay in isaguba uu yahay qof safar ku ah meesha oo aanuu deganeyn, haddana wuxuu ka aqbalay inuu habeenkaas noqdo sida nin meesha degan oo uu marti qaado dadkaas safarka ah uuna u gowraco Hashii kaliya ee uu gaadiid ahaan u watay.

    Hashii ayaa la gowracay, hilibkeedii ayaana habeenkaas la waday cunay, xilligii hurdada ayaa kuwii martida ahaa waxay ka codsadeen martiqaadihii in uu u keeno maqaarka Hasha oo uu agtooda ku soo fidiyo, wuuna ka aqbalay.

    Martiqaadihii iyo Haweeneydiisii meel ayey wada jiifteen, kuwii ay marti qaadeena meel kale ayey jiifteen, Salaadda subax ayaana la waday kacay, waana la wada dukaday, wax yar kaddib ayuu ninkii diray haweeneydisii, isagoo ku amray inay soo eegto xaaladda dadkii martida ahaa, markii ay meesha tagtay weyba maqan yihiin, waxaana meeshii yaala Maqaarkii oo ay ku jiraan jajab dahab ah.

    Haweeneydii wey soo laabatay, ninkeedii ayeyna arrinta u sheegtay, markaas ayey dahabkii qaateen iyagoo bilaabay aas-aas deegaaneed cusub kaasoo markii dambe noqday mid aad u camiran looguna magic daray Xamarweyne ka dib markii dad badaini soo degeen.
    Marka magaca Xamarweyne ayaa waxa uu iska saaran yahay labo eray oo midkood yahay Carabi, midka kalana yahay Soomaali, kuwaasoo kala ah (Xamra) oo loola jeedo Hashii gaduudneyd iyo (Weyn) oo loola jeeday maqaarkii weynaa ee Dahabka faraha badan laga dhex helay laguna dhisay deegaankaan weyn ee Xamar-wayne.


    Sidee Ku Baxay Magaca Shangaani?
    Shangaani waa degmada labaad ee ugu da?da weyn magaalada Muqdisho, waxayna taariikhyahanadu sheegeen in magacaan ay bixiyeen culimadii Neysaaburiyiinta oo ka mid ahaa dadyowgii islaamkaa ahaa ee deegaanadaan soo geli jiray, waxayna magaca bixiyeen markii ay dageen Shangaani oo markaas aan magacaan lahayn.
    Magacaan ayey culimadaasi ka keeneen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Neysaabuur oo ay iyagu ka yimaadeen, isla markaana la dhihi jiray mid ka mid ah xaafadaheeda Shangaani.

    Qaar kale oo ka tirsan taariikhyahanada ayaa sheegay taa mid ka beddelan iyagoo ku doodday in magaca Shangaani uu ka yimid buur ku dhow Badda oo meel ka mid ahi intey dilaacday ay ka soo gudbi jireen biyaha Badda, iyadoo meeshaas ay dadku dharka ku dhaqan jireen kuna qubeysan jireen, magaca Shangaanina uu meeshaas kasoo ifbaxay.
    Buurtaan ay sheegeen in magaca shangaani uu ka yimid ayey tilmaameen in magaalada Muqdisho ay wax xoogaa ka fogeyd oo ay ku taalay meel saacad iyo bar looga luggooyo Muqdisho.

    Yey Ahaayeen Dadkii Ugu Horeeyey Ee Muqdisho Daga?
    Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in dadkii ugu horreeyey ee dega magaalada Muqdisho ay ahaayeen dad Carab ah oo ka yimid Jasiiratul-Carab.
    Waxay sheegayaan taariikhyahanadu in dadka Carabta ahi ay Muqdisho soo dageen 2055 sano ka hor, taasoo noqoneysa xilli ka horreeya dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam.

    Dadka xilligaas soo degay Muqdisho inkastoo lagu tilmaamay Carab haddana waxaa la sheegaa in ay midab ahaan kala duwanaayeen oo qaarkood cadcaddaayeen, qaarkoodna ay maariin ahaayeen, iyadoo ay jireen qaar kale oo leh midabo kuwaasi ka duwan balse ka agdhow.


    Qeybtii 3-aad
    Soomaaliya markii ay soo dageen dadyowga Carbeed ee ka yimid Jaziiradda Carabta waxay saameyn ku yeesheen magaalooyinka Xeebaha ah oo ugu badnaa meelaha ay dageen, sidaas darteed ayey Soomaalidu maadaama ay yihiin dad Muslim ah waxa ay qaateen madaahibta fiqhiga ee Islaamka.

    Shariif Caydaruus oo ka mid ah raga wax ka qoray Taariikhda Soomaalida waxa uu leeyahay: Soomaalidu waxa ay waqti hore qaateen madaahibta shaaficiyada iyo xanbaliyada, iyadoo qaar ka imid ahna ay kala haystaan madaahibta maalikiyada iyo xanafyada.

    Yaa Garta U Goyn Jiray Soomaalidii Hore?
    Waxay sheegeen taariikhyahanadu in Soomaalidu ay xilliyadoodii hore ahaayeen dad kooxo kooxo ama qeybo qeybo ah, isla markaana aan lahayn Suldaan, balse waxay qolo walba lahaan jirtay Sheekh kaasoo ay ka amar qaataan.

    Wax kasta oo dhaca waxaa loola laaban jiray Sheekha qoladu ay leedahay, waxaana wadaadada xilligaas loo arki jiray kuwa ugu horreeya bulshada, wax la sameyn jirayna ma jirin, iyadoo aan laga amar qaadan.

    Xittaa marka ay dad ganacsato ahi dibadaha ka yimaadaan waxaa qasab ahayd in marka hore ay ku soo dagaan Sheekha deegaankaas looga dambeeyo, isla markaana uu uga warramo danaha uu u socdo, markaas kaddib ayuuna Ganacsadaha dibadda ka yimid uu howlihiisa qabsan jiray.

    Soomaalidu waxay ka mid ahaan jireen dadka caqiidada toosan ee Islaamka sida adag ugu dhagan, waxayna u safri jireen dhulalka baadiyaha ah iyo tuulooyinka fog fog iyagoo bilo maqnaanaya si ay u soo bartaan Diinta Islaamka, mana saameyn afkaarihii lagu faafinayey masiixiyadda ee lagula dagaalamayey Diinta Islaamka.

    Dadka Soomaalida ahi waxay dhulalkooda ka dhiseen masaajidyo fara badan iyadoo weligeedba magaalada Muqdisho ahaan jirtay magaalada ugu masaajidda badan dalka Soomaaliya.

    Masaajiddii waqtiyadii la soo dhaafay ku ooli jiray Muqdisho waxaa ka mid ahaa Masjiddu Nuurul Cayn, Masjiddu Sheekh Aweys,, Masjiddu Al-Nuur, Masjiddu Rowda, Masjiddu Raxma, Masjiddu Al-Riyad, Jaamacyadii Xamarweyne iyo Shangaani iyo Jaamaciii Marwaas.

    Magaalada Muqdisho marka masaajidka loo magacaabayo Sheekh khudbadda ka akhriya waxaa qasab ahayd in marka hore ay isku raacsan yihiin odayaasha qabaa?ilada ee xaafadda Masaajidku ku yaalo degan, waxayna ka hor inta uusan Masaajidka khudbadda ka bilaabin saari jireen 40-qadmo.

    Sanadkii 1337 Hijriyada ayaa waxaa Masaajid ku ooli jiray degmada Shangaani khilaaf ku dhexmaray qabiiladii Asharaafta iyo Aala-camuuddi oo xaafaddaas wada degnaan jiray, waxaana dhalatay in ay labo Masjid Salaadda Jimcaha ku kala oogaan iyadoo markii hore hal masjid oo kaliya Salaadda Jimcaha ku wada dukan jiray.
    Khilaafka dhexmaray labadaas beelood wuxuu socday muddo labo sano ah, waxaana 20-kii bishii Dulqacda sanadkii 1339-kii hijriyada, kuna beegnayd 1929-kii Miilaadiyada soo fara geliyey khilaafkooda dowladdii Talyaaniga ee xilligaas dalka gumeysaneysay.

    Xilligaas waxaa dowladda Hoose ee Muqdisho haystay nin Talyaani ah oo la oron jiray Carlo Ofoolyo, waxaana arrintii xalkeeda galay Talyaanigii iyo qabaa?iladii Soomaalida ee deganaa Muqdisho iyo Baadiyaheeda, iyadoo Culimaduna ay doorka ugu muhiimsan ka qaateen xalinta khilaafka labadaas dhinac.

    Waxay dhinacyadii dhex dhexaadintu ku guuleysteen in labadaasi beelood ee wada deganaa Shangaani ay Salaadda Jimcaha ku wada dukadaan Masaajidkii ay horey ugu wada dukan jireen, iyadoo khilaafkuna uu salka ku hayey Asharaafta oo isu arkayey in xaqiraadi uga imaaneyso dhinaca Reer Aala-camuudi.

    Shariif Caydaruus waxa uu sheegay in uu isagu helay nuqul ka mid ah heshiiskii lagu dhex dhexaadiyey labadaasi beelood isagoo tilmaamay in heshiiskaasi uu ku qornaa Afafka Carabiga iyo Talyaaniga isla markaana ay wada saxiixeen hoggaamiyeyaashii Asharaafta, Hoggaamiyeyaaha reer Al-Camuud, Culimadii dalka Soomaaliya ee xilligaas iyo Duubabkii heshiiskaasi gob jooga ka ahaa.

    Qeybtii 4-aad
    Magaalada Muqdisho taariikhdii ay jirtay waxaa soo maray dhowr xukuumadood iyo boqortooyo oo kala geddisan oo mid walba waqtigeeda ay soo qaadatay

    Qarnigii 8-aad ee Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho xukumayey sida taariikh-yahanadu sheegeen nin Wadaad ahaa oo la oran jiray Abuubakar Fakhrudiin, waxayna xukuumaddani ku aasaasantay hab wadatashi, xilligaasna ma jirin Boqor ama Suldaan, balse waxay qolo walba ka dambeyn jireen Sheekha ay leeyihiin.

    Xukuumaddaas ku dhisneyd wadatashiga waxay dhalatay kaddib markii qabaa?iladii deganaa Muqdisho ay shir dhowr maalmood qaatay ku yeesheen goobta uu hadda ku yaalo masjidka Arbaca rukun oo ay markaas oron jireen Al-Malmalah.

    Abuubakar Fakhrudiin wuxuu Muqdisho xukumayey muddo 17 sano ah, wuxuuna xukunkiisu soo gaba gaboobay sanadkii 1117 ee Miilaadiyada.

    Dadkii xilligaasi deganaa magaalada Muqdisho waxay u badnaayeen dad ganacsato ah, waxayna ka tijaareysan jireen Geella, Lo?da, Ariga, maqaarka xayawaanaadka, sameynta dharka iyo beerashada, waxayna gaareen in ay dibadda badeeco u dhoofiyaan sida raashinka, subaga, Saliidda iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka ah, iyagoo ku soo beddelan jiray badeecooyin kala duwan oo markaas aan deegaankooda laga helin.

    Dadka ku noolaa Muqdisho waxay sidaas ku soo socdeen ilaa saddex boqol oo sano oo ah ilaa qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada.


    Dowladdii Xalwaan
    Bilowgii qarnigii 15-aad ee Hijriyada kuna beegneyd qarnigii bilawgii qarnigii 12-aad ee Miilaadiyada, markaas oo uu dhamaaday waqtiga xukuumaddii Abuubakar Fakhrudiin ee Muqdisho xukumi jirtay ayaa waxaa talada Gobolka Banaadir la wareegay xaakim la oron jiray Muxamed Shaah AL-xalwaani oo ka yimid dhinaca Ciraaq iyadoo magaca Xalwaana uu ahaa deegaano ka tirsanaan jiray dhulka Ciraaq oo uu ka yimid.

    Dowladdaas waxaa caasimad u ahayd magaalada Merka, balse Shaahii Xalwaaniga ahaa wuxuu deganaan jiray Muqdisho, sidaas ayeyna Muqdisho caasimad ugu noqotay Soomaaliya.

    Wasiirkii Shaahaas oo la oron jiray Kandarshaah ayaa isaga waxaa fariisin u ahayd meel ku dhaweyd magaalada Merka, waxaana xilligaas dadka Merka ay Salaadda Jimcada u soo aadi jireen Muqdisho maadaama aaney xilligaas Merka lehayn Masjid weyn oo jaamac ah, waxayna soo raaci jireen gaari-farasyo kiiba ay jiidayaan todobo ilaa sagaal Faras.
    Dowladdii Xalwaan waxay caan ku ahayd baqiiltinimada oo waxay ahaayeen Maamul aan waxba u qaban dadka ay xukumayaan iyagoo weliba ahaa dad hantiilayaal ah balse aaney taas ku kalifeyn tabardarro xagga miisaaniyadda ahayd.

    Xubnihii ka tirsanaa dowladdaas waxay kaloo caan ku ahaayeen kaydsiga Dahabka iyo fidada oo ah Nuuc ka mid ah dahabka lagana samayn jiray lacagta, mid kasta oo ka mid ahna waxaa ugu duugnaan jiray dhulka hoostiisa dahab aad u fara badan.

    Heerka ay gaartay baqiiltimadooda, waxay ahaayeen mas?uuliyiinta xukuumaddii Xalwaan kuwo cuna moofo qaleyl ah, waxayna qaadan jireen dhar kakan, waxayna inta badan raashin cuni jireen 24-kii saacba mar, waxaana dadka reer Banaadir markii dambe ka dhigteen madaxda xukuumaddii Xalwaan hal qabsi, iyagoo dhihi jiray qofkii ay hanti fara badan oo aaney ka muuqan ku arkaan ?Kani waa Xalwaani?.

    Sanadihii dowladdaan waxaa dalka ka dhacay abaar aad u xoog badneyd taasoo dadkii xilligaa deganaa Banaadir ay ku miisaaliyeen sanadihii abaareed ee dalka Masar ku dhacay xilligii Nebi Yuusuf iyo amiirkii Caziiz.

    Waxay keentay abaartaasi in dadku waayaan wax ay laqaan, waxaana yaraaday xoolaha ilaa hal neef oo Ari ah lagu waayo hal Riyaal, iyadoo riyaalkuna uu xilligaas u dhigmayay kun Riyaal amaba ka badan oo waqtigaan joogta.

    Xukuumaddaas ku caan baxday gaajada iyo quud cariirinta ee Xalwaan waxay Banaadir xukumaysay ku dhawaad nusqarni, waxaana maamulkii kala wareegay dowlad kale oo la oron jiray Zowzan oo aan ka sheekeyn doono.

    Qoraalada ka sheekeynaya dowladdii Xalwaan waxaa laga helay iyadoo gacan ku qoraal ah muftigii Banaadir ee xilligaas oo la oron jiray Sheekh uxuyadiin Macalin Mukaram.

    Qeybtii 5-aad
    Xukuumaddii Zowzan
    Bartamihii qarnigii 5-aad ee hijriyada waxaa magaalada Muqdisho maamulkeeda dowladdii Xalwaan kala wareegay Suldaan la oran jiray Zowzan, kaasoo madax u ahaa saldanad dhowr sanadood Muqdisho ka talineysay.

    Taariikhyahanadu marka ay ka hadlayaan xukuumaddii Zowzan waxay sheegaan in Zowzan uu ahaa nin kaligii talis ah oo ku amar ku taagleyn jiray dadkii uu xukumayey.
    Xukunka Zowzan ma ahayn mid ay ku qanacsan yihiin dadkii xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho balse waxay ahaayeen dad uu qasbayo.

    Maamulkii Zowzan.
    Saldanaddii Zowzan marnaba iskuma mashquulin danaha dalka, awoodna ma saarin kor u qaadista wax soo saarka beeraha oo xilligaas si weyn nolosha dunidu ugu tiirsaneyd.

    Waqtigii ay saldanadaasi ka talineysay Muqdisho wuxuu ku dhamaaday fowdo iyo abaaro joogto ah ilaa ay ka burburto xukuumaddii Zowzan gaba gabadii qarnigii 5-aad ee Hijriyada, waxaana xukunka kala wareegay xukuumaddii shiiraaziyiinta.


    Xukuumadii Shiiraazi:
    Dhammaadkii qarnigii 5-aad ee Hijriyada markii ay iskeed u baaba?day saldanaddii uu madaxda ka ahaa Zowzan ee Muqdisho ka talin jirtay waxaa xukunka soo koray xaakim kale oo la oron jiray Shiiraazi.

    Xaakimkaas wuxuu ahaa nin Maamulkana haya, lugna ku leh Arrimaha Ganacsiga.
    Wuxuu dadka beeraleyda ah ka iibsan jiray raashinka ay beertaan, wuxuuna ku aasi jiray dhulka hoostiisa, isagoo marka hore ugala wareegaya qiimo aad u jaban, marka dambana ku gadanayay lacago dulsaar ah oo fara badan.

    Wuxuu ahaa xaakimkaasi mid halkii Bukaar ama labadii Bukaar dadka uga iibisanaya hal Riyaal, wuxuuna marka raashinku gabaabsi noqdo labadii Kiilo dadka uga gadi jiray hal Riyaal, taasoo dhalisay in dadku awoodi waayaan iibsashada raashinka.

    Waxay arrintaasi sababtay in Macluul xuni dhalato oo dadku ay ku sigteen in ay baahi u la?daan, maadaama raashinkii uu gacantiisa ku soo haray, isla markaana uu ku gadanayo qiimo sarreeya.

    Inkastoo xaakimkaas shiiraaziga ahaa lagu dhaleeceyn jiray arrimahaas xun xun haddana wuxuu lahaa waxyaabo kale oo wan wanaagsanaa, waxaana ka mid ahaa wanaagyadiisii dhisitaanka Masjidkii Axnaafta oo uu ka dhisay deegaanka Shangaani, wuxuuna masaajidkaasi ka dhsnaa goobta uu mar dambe ku ooli jiray Baar Safooya.

    Maamukii Masar ee Muqdisho:-
    Magaalada Muqdisho waxaa xukunkeeda ku kala dambeeyey oo isu soo dhaafay Maamulo fara badan oo dadkoodu ka soo kala jeedeen dalal ajnabi ah, halka qaarna ay ka soo jeedeen Soomaalida.

    Sanadkii 604 ee Hijriyada waxaa dalka Masar ka soo tagay xaakim la oron jiray Amiir Muxamed Cali, wuxuuna la wareegay xukunka magaalada Muqdisho.

    Taariikhyahanadu marka ay ka sheekeynayaan ninkaas kama sheegin xumaano uu kula kacay dadkii deganaa Muqdisho, balse waxay sheegaan waxyaabo wan wanaagsan oo ninkaasi uu u sameeyey reer Muqdisho.

    Markii uu soo gaaray Muqdisho waxaa uu ka dhisay ilaa 80 daarood oo waaweyn, wuxuuna sidoo kale dhisay masaajidyo dhowr ah oo mid ka mid ah loogu magac darray Max?ed koowaad, kan labaadna loogu magac darray Max?ed-kii labaad iyo Masjidka Arbaca rukun.

    Dhul mareenkii Ibnu Badduudda Iyo Tilmaamihii Uu Ka Bixiyey Muqdisho
    Sanadkii 738-dii Hijriyada, kuna beegneyd 1238 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho soo booqday dhul mareenka caanka ahaa ee la oron jiray Abuu Cabdalla Max;?ed Bin Cabdalla Bin Muxamed Bin Ibraahiim Al-danji, dalalka Barigana looga aqoon jiray Shamsu Diin ama Ibnu Baduudda.

    Dhul mareenkii Ibnu Baduudda oo caan ku ahaa ku dawaafidda dhulal fara badan oo dunida ah ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho tilmaamo ka bixiyey dadkii xilligaas ku noolaa isagoo ku daray Kitaab uu qoray oo la yiraahdo Tuxfatu Al-nadaar Fii Qaraa?ibi Al-Amsaar, kaasoo ka sheekeynayey cajaa?ibta magaalooyinkii dunida ee xilligaas uu maray.
    Tilmaamihii uu ka bixiyey dadkii Muqdisho xilligaasi ku noolaa ayaa waxaa ka mid ahaa in dadkaasi ahaayeen dad firfircoon oo sameeya dharka una iibgeeya dalal Masar ka mid tahay, isla markaana ahaa dad hodon ku ahaa Xoolaha sida Geella oo maalin ay gowracan jiray ilaa 200 oo Geel ah, iyagoo sidoo kalana haystay Ari fara badan.

    Wuxuu tilmaamay Ibnu Baduudda in dadkii ku noolaa xilligaas Muqdisho ay ahaayeen dad isla weyn, maadaama ay hodon ahaayeen, isagoo tilmaamay in caadooyinkooda ay ka mid ahayd in marka Markab ku soo xirto Dekaddooda intey Doomo qaataan ka soo dajiyaan Ganacsatada cusub ee la socota si ay gurigooda u geeyaan ula saaxiibaana.

    Qeybtii 6-aad
    Wuxuu tilmaamay Ibnu Baduudda in dadkii ku noolaa xilligaas Muqdisho ay ahaayeen dad isla weyn, maadaama ay hodon ahaayeen, isagoo tilmaamay in caadooyinkooda ay ka mid ahayd in marka Markab ku soo xirto Dekaddooda intey Doomo qaataan ka soo dajiyaan Ganacsatada cusub ee la socota si ay gurigooda u geeyaan ula saaxiibaana,
    Wuxuu sheegay Ibnu Badduuda in Markabkii uu saarnaa goortii uu ku xirtay Dekadda Muqdisho ay soo koreen dhalinyaro, isla markaana saaxiibadiisa qaarkood dhalinyaradii u sheegeen in ninkani uusan ahayn Ganacsade, balse uu yahay nin Faqiih ah oo yaqaana fiqhiga islaamka.
    Dhalinyaradii ayaa ku qeyliyey markii ay ogaadeen in Ibnu Badduuda uusan ganacsade ahayn ?Kani wuxuu u soo degay qaaliga?, waxaana durbadii soo abaaray nin ka socday qaaliga Muqdisho oo isaguna Markabka ka eeg eegayey cid wal oo howshooda oo kale u socota.
    Ibnu Badduuda wuxuu sheegay in loo geeyey qaaligii isla markaana ay salaanta islaamka iska qaadeen, dabadeedna uu qaaligii u sheegay in uu u geynayo Suldaankii xilligaa ka talin jiray Muqdisho, iyadoo caadaduna ahayd in marka nin Faqiih ah uu soo dago la tusiyo Suldaanka, durbadiina waxaa Ibnu Badduuda la horgeeyey Suldaankaas oo la oron jiray Abuubakar Bin Sheekh Cumar oo asal ahaan la sheegay in uu ka soo jeedo dadka barbariyiinta la yiraahdo.

    Wuxuu sheegay Ibnu Badduuda in Suldaankaasi uu ku hadlayey afka reer Muqdisho inkastoo haddana uu yaqaanay afka Carabiga.
    Ibnu Badduuda markii uu ka sheekeynayey Suldaankaasi wuxuu tilmaamay in caadooyinkiisa ay ka mid ahayd in marka magaalada xeebaheeda uu soo gaaro Markab uu u diro rag u qaabilsan Arrimaha Badaha iyagoo Markabkaasi weydiinaya dhinaca uu ka yimid, dadka la socda, waxyaabaha uu wado, in Ganacsato la socoto iyo in kale.
    Raga u qaabilsan Arrimaha Badaha marka ay la kulmaan dadka wata Maraakiibta ayey waxay u soo gudbin jireen Suldaanka, wuxuuna agtiisa dajin jiray ciddii muteysata in ay agtiisa degto sida Culimada iyo Ganacsatada.
    Ibnu Badduuda wuxuu tilmaamay in Qaaligii Muqdisho ee xilligaas loona aqoon jiray Ibnul Burhaan Al-Misri in uu ula kacay dhinaca Daartii uu daganaa Suldaanku, isla markaana uu warbixin ka siiyey safarkiisa, isagoo tilmaamay in Suldaankaasi soo dhaweeyey.

    Ibnu Badduudda wuxuu sheegay in dadkii xilligaas ku noolaa Muqdisho ay ahaayeen dad si fiican u cuna raashinka qiimihiisu sarreeyo iyo Qudradaha kala duwan, iyadoo halkii qof ee ka mid ah uu cuni jiray inta ay cunaan koox ka mid ah dadkii deganaa halkii uu ka yimid Ibnu Badduuda.
    Waxyaabihii uu Ibnu Badduuda ka sheegay dadkii xilligaas ku noolaa Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa in dadkaasi ahaayeen dad aad u cayilan, maadaama ay dhaqaalo ku filan haysteen iyagoo si fiican u cuni jiray, Kalluunka, Hilibka Digaaga, Caanaha iyo Qudradaha kala geddisan.
    Wuxuu sheegay Ibnu Badduuda in intii uu ku sugnaa Muqdisho maalin walba saddex jeer raashin la siin jiray, iyadoo markii uu saddex maalmood ku sugnaa Muqdisho.

    Qeybtii 7-aad
    Booqashadii Marco Polo Ee Muqdisho
    Sanadkii 1292 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid bad-mareen caan ahaa oo la oron jiray Marco Polo una dhashay dalka Talyaaniga oo markii dambana dalkiisu ka mid noqday gumeystayaashii kala xukumayey Soomaaliya.

    Marco Polo wuxuu ka mid ahaa indheergaradkii qarnigii 13-aad ee Miilaadiyada, wuxuuna Muqdisho soo maray isagoo ka soo laabtay jasiiradda Madagaskar.

    Ninkaas Talyaaniga ahaa markii uu safarka ku maray magaalada Muqdisho wuxuu tilmaamo ka bixiyey dadkii xilligaa ku noolaa isagoo sheegay in dadka Soomaalida ahi ay hodon ku ahaayeen dharka laga sameeyo suufka.

    Wuxuu kaloo sheegay Marko Polo in dalka Soomaaliya xilligaas si weyn looga helayey maqaarada Geella, Lo?da, Ariga iyo kuwo kale oo markaas loo dhoofin jiray dalal dibadda ah.

    Milkiilayaasha Doomihii Hindida ee mari jiray Badweynta Hindiya ayaa Marco Polo tilmaan dheer ka siiyey Bariga Afrika, iyagoo Fangartii Muqdisho ku magacaabay Madagaskar, waxayna ka mid dhigeen jasiirad ku taala waqooyiga Sanjibaar.

    Waxaa Marco Polo kaddib yimid nin lagu magacaabi jiray Marten Beham sanadkii 1491-dii Miilaadiyada, iyadoo Sawir qaade xagga Juquraafiga ah oo la socday Marten Beham uu ku tilmaamay Muqdisho isla magaca Jasiiradda Madagaskar.

    Soomaaliya Iyo La Macaamilitaankeedii Shiinaha
    Horaantii sanadkii 1400 ee Miilaadiyada ayey Soomaaliya macaamil la gashay Imbiraadooriyaddi Shiinaha oo jirtay inta u dhaxaysay sanadihii 1402 ilaa 1425.

    Imbiraadooriyaddaas waxaa madax u ahaan jiray Manji Lou, wuxuuna Xeebaha Afrika u soo diray sarkaal la oran jiray Shanji Hou.
    Sarkaas ay soo dirtay Imbilaadooriyaddii Shiinaha wuxuu u yimid Xeebaha Afrika in shacabkeedu hoos yimaadaan isla markaana ay canshuur ka uruuriyaan.

    Shanji Hou meelihii uu Soomaaliya ka booqday waxaa ka mid ahaa dhulalka Puntland, Muqdisho, Baraawe iyo deegaanada Jubbooyinka.
    Sarkaalkaas la oran jiray Shanji Hou wuxuu sheegay in badeecooyinkii Soomaalidu soo saari jiray xilligaas ay ka mid ahaayeen Luubaanta iyo maqaarka Shabeelka.

    Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkaasi in ciidamada ay lahaayeen Soomaalidu lagu tababari jiray ganitaanka gamuunaha.
    Taariikhyahanadu si weyn uga sheekeyn in Soomaalidu xilligaas ay Canshuurta u diiddeen Imbiraadooriyaddii Shiinaha iyo in kale.

    Socdaalkii Vasco De Gama Ee Banaadir.
    Sanadkii 906-da ee Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1499 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Amiir la oron jiray Vasco De Gama oo u dhashay dalka Burtaqiiska ee Qaaradda Yurub.

    Vasco De Gama wuxuu watay lix Markab oo ahaa nooca shiraaca ku socda, wuxuuna soo gaaray magaalada Muqdisho oo xilligaas ka hor la aasaasay.
    Magaalada Muqdisho ka hor inta aan Portaqiisku qabsan waxay ahayd magaalo maamulkeedu hoosyimaado 12 oday dhaqameed, isla markaana lahaa awood aad u ballaaran.

    Sanadkii 925-kii Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1506-dii Miilaadiyada ayaa niman la kala oron jiray. Lourenco Ravasco iyo Albouquerque ay isku dayeen in ay xukunkii Burtaqiiska kala wareegaan magaalada Muqdisho isla markaana gacanta ku dhigaan.
    Isku daygii labadaasi nin wuxuu fashilmay kumana guuleysan hamigoodii ahaa qabsashada Muqdisho.

    Isla sanadkaas waxaa ku soo qulqulayey Xeebaha Afrika gaar ahaan Bariga Maraakiib waaweyn oo uu lahaa dalka Purtaqiiska, kuwaas oo uu horkacayey sarkaal la oron jiray Raakunhaa.

    Maraakiibtaas ku soo qul qulayey Xeebaha bariga Afrika ee uu lahaa Burtaqiisku waxay ku soo xiranayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe, iyadoo nasiibka magaalada Baraawana uu noqday in Burtaqiisku qabsadaa dabadeedna bililiqo kula kacaan.

    Soomaaliya ayaa xilligaas waxaa sii kordhay istiraatijiyadeeda, iyadoo noqotay goob aad muhiim ugu ah awoodihii ku tartamayey gumeysiga Afrikaanka.

    Qeybtii 8-aad
    Gabagabada Xukunkii Burtaqiiska Ee Soomaaliya
    Sanadkii 1076-dii Hijriyada ayuu dhamaaday xukunkii Burtaqiiska ee maamulayey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya, kaasoo qaatayna muddo sanado ah.

    Xukunkii Burtaqiiska ee Soomaaliya waxaa baabi?iyey ciidamo uu watay Amiir la oran jiray Saalim Al-Saarimi oo ka yimid dhinaca Saldanadda Cumaan ee Carbeed.

    Amiirkaas Cumaaniga ahaa wuxuu watay ciidamo aad u fara badan, wuxuuna ku wareegay inta badan dhulalka Afrika, isagoo ku guuleystay in dhammaan gumeystayaashii Burtaqiiska uu ka eryo Muqdisho iyo hareeraheeda.
    Amiir Saalim ka hor inta aanuu Burtaqiiska ka eryin Soomaaliya wuxuu la galay dagaal adag oo socday muddo dheer, taariikhyahanada qaarna ku sheegeen 50 sano.

    Amiir Saalim markii uu gacanta ku dhigay magaalada Muqdisho ayuu qabiil kasta u sameeyey nin u taliya oo ka mid ah odayaashooda.
    Amiirkaasi kaddib markii uu hagaajiyey qaabka ay isu xukumayaan Soomaalida, isla markaana uu u dhisay ciidamo ay leeyihiin ayuu dib ugu laabtay saldannadda Cumaan isagoo aad u faraxsan.

    Boqorkii xilligaa ka taliyey dalka Cumaan ayuu uga warbixiyey wixii dhexmaray iyaga iyo Burtaqiiska isagoo u sheegay in uu Burtaqiiskii ka soo saaray Muqdisho, dadkii deganaana uu ka dulqaaday duligii Burtaqiiska ayna yihiin dad madaxbannaan, una mahad celinaya Boqortooyada Saldanadda Cumaan.

    Xukunkii Boqor Muthafar Ee Muqdisho
    Sanadkii 1076-dii Hijriyada markii uu gaba gaboobay xukunkii Burtaqiiska ee Xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu Amiir Saalim-kii Burtaqiiska ka saaray Soomaaliya dib ugu laabtay dalkiisii Cumaan ayaa waxaa xukunka deegaanadaan xeebaha ah la wareegay Boqor la oron jiray Muthafir.

    Boqorkaasi wuxuu wasiir u magacaabay nin la oron jiray Cusmaan Xaaji Cali, wuxuuna Boqorkani ku dadaalay in uu hormariyo dhismooyinka Muqdisho isagoo deegaanka Shangaani ka dhisay guryo fara badan oo Dhagax ah.

    Mar dambe ayaa Boqorkaas oo Carab ahaa waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah qabaa?ilada Soomaalida iyagoo dagaal la galay ciidamadiisii, kuna guuleystay in ay ridaan xukunkiisii, waxayna markaas hoggaamiye u doorteen nin la oron jiray Imaam Cumar Hilowle.

    Xukuumaddii Ujuuraan
    Sanadkii 1085-tii Hijriyada waxaa deegaanada Luuq ilaa Hubyo xukumayey nin loo yaqaanay Ujuuraan magaciisana lagu sheegay Imaam Ciise, wuxuuna ninkani ka talinayey laga soo bilaabo Luuq, Baardheere, Baraawe, Shabeelooyinka oo dhan ilaa Hobyo oo Gobolka Muduga ah.

    Xukumahaas loo yaqaanay Ujuuraan waxaa fadhi u ahaa goob ka tirsan Shabeelooyinka, balse ciidamadiisa oo fara badnaa ayaa ku firirsanaa deegaano fara badan oo Banaadir-na ay ka mid tahay.
    Ciidamada ka amar qaadanayey xukumahaas waxay ku kaceen kali talinimo iyagoo dhib u geystay dadkii ay xukumayeen, waxaana mar dambe ku yimid daciiftinimo.

    Ciidamadii ka amar qaadanayey xukumahaas Ujuuraan waxaa dagaal la galay qaar ka tirsan dadkii daganaa meelo ka mid ah goobihii ay ka talinayeen, waxaana dagaaladaas mid ka mid ah ka dhacay halka loo yaqaano Ceel-Cowl oo u dhaxaysa degmada Ceel-Dheer iyo Masagawaa oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

    Dagaalkaasi wuxuu dhacay sanadkii 1097-dii Hiriyada, waxaana Ceelkaas lagu magacaabo Ceel-Cowl lagu dilay xukumihii Ujuuraanka.

    Xilligii uu talinayey ninkaas loo aqoon jiray Ujuuraan waxaa si weyn loo camiray magaalada Merka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna xukumahaan Ujuuraanka ahi ku ku abtirsanayay sida Taariikh-yahanada qaar sheegeen Amiir la oron jiray C/kariin Al-Haaddi oo ka mid ahaa Amiiradii dowladdii Cabaasiyiinta, kaasoo Masar ka soo haajiray sanadkii 672.

    Suldaankii Hiraab
    Sanadkii 1097-dii ayaa markii laga adkaaday ciidamadii xaakimkii Ujuuraan ayaa waxaa xukunka la wareegay Suldaan Hiraab ahaa oo la oron jiray Imaam Max?ed Imaam Axmed.

    Sanadkii 1112-dii Hijriyada ayaa waxaa Xeebaha Muqdisho soo gaaray 7 Markab oo ay lahaayeen Burtaqiiska iyagoo doonayey in ay mar kale qabsadaan Muqdisho, waxayna 11 maalmood taagnaayeen Marsada Muqdisho, waxaana loola dagaalamay qaab la yaab leh oo dadka qaar aanay rumaysan karin.

    Sida uu sheegay Shariif Cayduruus oo wax ka qoray taariikhda Soomaalidii hore markii Maraakiibtaasi Xeebaha Muqdisho soo gaareen ayaa waxaa wadatashi isugu yimid Culimadii daganaa Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana loo saaray todobo Sheekh, iyagoo qoray todobo Xersi, dabadeedna la soo qabtay todobo Tuke oo mid kasta oo ka mid ah hal Xersi qoorta looga xiray, dabadeedna ay ula duuleen dhinaca Maraakiibtii todobada ahayd, waxaana dhacday in mid walba markabkii uu ka kor degtay uu quuso.

    Qeybtii 9-aad
    Dowladdii Barqash Ee Banaadir
    Sanadkii 1284-tii Hijriyada ayaa oday dhaqameed la oron jiray Muuse Xuseen oo Biyo-maal ahaa wuxuu fariin qoraal ah u diray Boqor Carbeed oo la oron jiray Saciid Bin Maajid, kana mid ahaa salaadiintii eer Aala Barqash wuxuuna warqaddaasi ugu dhiibay nin la oron jiray Cusmaan Laamow oo reer Baa Muqtaar ahaa (Reer Xeebeed).
    Warqadda uu odaygaasi u diray Boqor Saciid ayuu kaga dalbaday in uu soo diro ciidamo xoog leh oo ilaaliya magaalada Merka iyo deegaanada hoos yimaada.

    Suldaan Saciid Bin Maajid wuxuu soo diray ciidamadii uu ka dalbaday Muuse Xuseen, wuxuuna Suldaan Saciid ahaa ninkii Saldanaddii cumaaniyiinta u wareejiyey Jasiiradda Sansibaar.

    Xilligaas waxaa magaalada Muqdisho ku wareegsanaa darbi ka xiga dhinacyada oo dhan marka laga reebo dhanka Koonfureed, waxayna lahayd magaaladu dhowr irdood oo laga soo galo oo irid kastaahi ay magac lahayd.

    Waxay magaaladu kala lahayd Xuduuddo u kala cayiman qabaa?iladii u soo safri jiray, iyadoo qabiil kasta uu lahaa irid uu ka soo galo iyo meel uusan dhaafi Karin.

    Marka qabaa?iladu ay ka imaanayaan baadiyaha ee ay soo galayaan magaalada Muqdisho waxay hubkooda dhigi jireen bannaanka iridda ay ka soo galayaan, waxayna gudaha u soo gudbi jireen iyagoo sacabooleey ah, kaasoo ahaa qaanuun uu ku soo rogay magaalada Muqdisho xaakimkii Barqash.

    Albaabada goobaha Ganacsiga ee xilligaa Muqdisho ku yiilay waxay ka sameysnaayeen shub adag, lagamana sameyn jirin bir ama Al-waax, taasoo xukuumaddii Barqash ay ku macneysay in ay si weyn uga murgayaan Ammaanka hantida dadweynaha iyo deganaanta dalka.

    Waxaa magaalada Muqdisho dadku lacag ahaan u isticmaali jireen waqtigii xukuumaddii Barqash lacag la oron jiray Beeso, waxaana lagu sarrifi jiray Riyaalki ay isticmaali jireen Faransiiska.

    Xilligii xukuumaddii Barqash waxaa Muqdisho Suuq Xoolo u ahaa deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana Suuqaas lagu kala iibsan jiray Ariga, Lo?da iyo Geella, wuxuuna balaciisa ku fadhiyey deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, isagoo soo gaaray xilligii xukuumaddii hore ee Talyaaniga.

    Sanadkii 1289-kii ayey ciidamadii Xukuumaddii Barqash ka dhiseen Qalcad weyn agagaarka mgaalada Merka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo weli laga dareemayo muuqaalkeeda.

    Dadkii Horey U Deganaan Jiray Soomaaliya
    Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee dhaca Bariga, kuna teedsan Xeebaha Badweynta Hindiya, waxayna taariikhyahanadu sheegaan in dadkii ugu horreeyey ee Afrika soo daga ahaayeen Zunuujta.

    Dadkaan Zunuujta ah ayaa markii ay soo dageen Bariga Afrika waxaa uga daba yimid qabaa?ilada saamiyiinta loo yaqaano ee Carabta ah, markaas ayey is dhexgaleen, waxaana ka dhex dhashay dadka loo yaqaano Baantuuga.

    Baantuugu waxay ka mid yihiin dadkii ugu horreeyey ee Soomaaliya dega, waxayna xilligaas ahaan jireen Ugaarsato.

    Nin la oron jiray Van Oret ayaa Kitaab la oron jiray Al-kaab oo uu daabacay sanadkii 1907 wuxuu ku sheegay in Baantuugu asal ahaan ka soo jeedaan jasiiradda Malqa oo ay u guureen Ciraaq iyo Baabil kaddibna ay u soo wareegeen Soomaaliya, markaas kaddibna ay u sii gudbeen bartamahailaa Koonfurta Afrika.

    Qolyaha Baantuuga waxaa Soomaaliya ka cayriyey ka hor qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada qolooyinkii la oron jiray Gaalaha ama Orromada.

    Qeybtii 10-aad
    . Qolooyinka Gaallaha ama Oromada markii ay Baantuuga badankiis ka eryeen Soomaaliya nabadgelyo ma helin oo waxaa dagaal la galay dadkii Soomaalida ahaa, iyadoo dagaaladaasina ay qaateen muddo dheer.

    Inta badan ciidamadii la dagaalamay qolooyinkii Gaallaha waxay ka soo gurgurteen gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna dagaalka u dhaxeeyey Gaallaha iyo Soomaalida socday boqolaal sano.

    Dagaalka ayaa sii ballaartay, wuxuuna soo gaaray ilaa Gobolka Mudug, markaas oo ay guushu raacday Soomaalida, iyagoo xilligaasna magaalada Gaalkacyo ka qabsaday kooxihii Gaallaha, xilligaasna magaaladu ma lahayn magacaan Gaalkacyo ee waxay lahaan jirtay magac kale, wuxuuna magacani u baxay markii qolooyinka Gaalaha laga kiciyey magaaladaas.

    Xilliga Gaallaha laga kiciyey deegaanada Mudug ayaa lagu sheegay in uu ahaa qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada, balse dagaalkaan looga adkaaday kooxaha Gaallaha ayaan noqon mid gebi ahaanba baabi?iyey, balse waxaa jiray qolooyin isla iyaga ah oo deganaa deegaanada shabeelooyinka.

    Dagaalkii u dhaxeeyey labada dhinac ayaa markii dambe u soo gudbay dhinaca Shabeelooyinka ilaa si kama dambeys ah kooxihii Gaallaha ama Orromada looga raro dhulalka Shabeelle, wuxuuna waqtigaasi ahaa qarnigii 15-aad ee Miilaadiyada.

    Awooddii Gaallaha ayaa gebi ahaanba dhammaatay ama baaba?day qarnigii 18-aad ee Miilaadiyada kaddib dagaalo lagu baaba?ay oo iyaga iyo Soomaalida dhexmaray dhowr boqol oo sano, waxaana xilligaas kaddib dadkii deganaa mandiqaddaan aynu ku nool nahay si rasmi ah u qaateen magaca Soomaaliya.

    Qaabkii Ay U Labisan Jireen Soomaalidii Hore
    Soomaalidii hore wey ka duwanaayeen xagga labiska Soomaalida imminka jirta, maadaama aysan ahayn dad horumarsan oo ay ahaayeen dad u badnaa juhalo iyo reer miyi.

    Xilliyadii hore wuxuu ninka Soomaaliga ahi labisan jiray hal maro oo cad oo dhirirkeedu dhan yahay todobo dhudhun, waxay kaloo qaadan jireen labo maro oo wareegsan oo ay dhexda ku xiran jireen

    Haweenka ayaa iyagu xiran jiray marada garaarka iyadoo qaarkoodna ay shaash qaadan jireen, halka qaarka ku nool miyigana aaney aqoonin, waxay sidoo kale qaadan jireen garbasaar.

    Tirinta Gabayada Iyo Qabashada Xafladaha Aroosyada
    Dadkii ku noolaa Soomaaliyada xilliyadii hore gaar ahaan kuwii reer Muqdisho ahaa waxay caan ku ahaayeen tirinta gabayada, qasiidooyinka iyo garaacista durbaanada ama waxa loo yaqaano Dafka.

    Gabayada iyo qasiidooyinka ayey dadkaasi tiring jireen inta badan xilliyada faraxyada sida aroosyada iyo marka ay carruur u dhalato.

    Dadkii ku noolaa degmooyika kala geddisan ee Muqdisho waxay xilliyadoodii ugu horreeyey si wada jir ah isagala qeyb qaadan jireen faraxyada iyadoo ciddii hesha wax ay ku faraxdo oo ama aroos ama Carruur soo siyaaddo ah gurigooda inta laysugu tago lagala wada qeyb qaadan jiray faraxaas.

    Cadooyinkooda ayaa waxaa ka mid ahaa in marka xafladaha noocaan ah laysugu imaanayo ay safafka hore istaagaan culimada iyo odayaasha, markaasna ay ku xigsadaan dhalinyarada, iyadoo ninka madaxda ah ama gabyaaga ah uu dhexda istaagayey.

    Haddii ay xafladda ka soo wada qeybgalaan dhowr mas?uul ama dhowr gabyaa waxaa bartamaha ama dhexda la istaajin jiray kan Gabayga badan ama cilmiga badan ama caansan, taasoo looga jeeday in lagu karaameeyo hibadaaas Ilaaheey siiyey si kuwa kalana ay u sameeyaan dadaal.

    18/08/2009

     

    THAARIIKDA DALKA SOMALIYA IYO DADKA WAXYAABIHII AY SOO MAREEN.

    Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.

    Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km.
    Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof.
    60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo  5% oo ah dad Kaluumayato ah.

    khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la’isku geeyay, kuwaasi oo kala ah ( Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.

    Marka labadaasi eray la’isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).

    Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.

    Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala  oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.

    Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale).

    Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.

    Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.

    Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee:

    • Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
    • Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
    • Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
    • N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
    • Iyo gobolada  Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya.

    shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D.

    Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la’isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol.

    Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.

      1. Gobolka Banaadir.

    Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis
    Boondheere Yaaqshiid Kaaraan XamarJabjab
    Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi
    Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile

    Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga. 
       2.  
    Gobolka Shabelada Dhexe.

    Jowhar Balcad Cadale
    Aadanyabaal    

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha
      
    3.   Gobolka Hiiraan.

    Beledweyne Buuloburte Jalalaqsi
    Matabaan    

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.

         4.   Galguduud.

    Dh/mareeb Caabudwaaq Ceelbuur
    Ceeldheer Cadaado  

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuuso mareb dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

         5.   Gobolka Mudug

    Gaalkacyo Hobyo Jariiban
    Xarar dheere. Galdogob  

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Mudug dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

         6.   Nugaal.

    Garoowe Eyl Sinujiif
    Boocane Rabaable Burtinle

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

      7.   Gobolka Bari.

    Boosaaso Qandala Iskushuban
    Bandarbayla Caluula Qardho

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.

      8.   Sool.

    Laascaanood Xudun Caynabo
    Taleex    

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

      9.   Sanaag.

    Ceerigaabo Laasqoray Ceel afweyn
    Baran Buraan  

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga .

     10.   Togdheer.

    Burco Owd weyne Sheekh
    Buuhoodle    

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga .

      11.   Gobolka waqooyi galbeed.

    Hargeyso Berbera Gabiley

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

    12.   Gobolka Awdal.

    Baki Boorame Saylac
    Lug haya.    

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

    13.   Gobolka Sh/hoose.

    Marka Baraawe Qoryooley
    Afgooye Wanlaweyn Kurtunwaarey
    Sablaale.    

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

    14.   Gobolka Bay.

    Baydhabo Buurhakaba Diinsoor
    Ufurow Qansax dheere Bardaale.

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

    15.   Gobolka Gedo.

    Garbahaarey Luuq ganaane Doolow
    Beled Xawo Ceelwaaq Baardheere.

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool.

    16.   Gobolka Bakool.

    Xudur Waajid Yeed

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

    17.   Gobolka Jubada Dhexe.

    Bu’aale Dajuumo Baardheere
    Saakow Jilib  

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu’aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.

    18.   Gobolka Jubada Hoose.

    Kismaayo Afmadow Badhaadhe

    Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeyso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool gaar ahaan Lo’da .

    Dhererka u dhexeya Gobolada dalka.

    Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.

    Xamar 247km Baydhabo   Xamar 550km Dhuusomareeb
    Xamar 111km Marka   Xamar 1600km Hargeysa
    Xamar 90km Jowhar   Xamar 1220km Laascaanood
    Xamar 335km Beledweyne   Xamar 925km Garoowe
    Xamar 485km Bu’aale   Xamar 1505km Boosaaso
    Xamar 500km Kismaayo   Xamar 1800km Baki
    Xamar 430km Xudur   Xamar 1340km Burco
    Xamar 505km Garbahaarey   Xamar 1450km Ciiregaabo
    Xamar 750km Gaalkacyo        
    Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.

    Muqdisho 30km Afgooye   Afgooye 164 Buurhakaba
    Buurhakaba 66km Baydhabo   Baydhaba 150km Luuq
    Baydhaba 155km Xudur   Luuq  80km Doolow
    Luuq 69km Garbahaarey   Garbahaarey 129km Baardheere
    Baardheere 195km Baydhaba   Baardheere 260km Jilib
    Jilib 114km Kismaayo   Kismaayoq 139km Afmadow
    Kismaayo 195km Dhoobley   Muqdisho 113km Marka
    Marka 193km Baraawe   Baraawe 168km Jilib
    Muqdisho 95km Jowhar   Jowhar 121km Buuloburte
    Buuloburte 116km Beledweyne   Beledweyne 45km Feerfeer
    Jowhar 140km Cadale   Cadale 185km Ceeldheer
    Ceel dheer 162km Ceel buur   Ceel buur 110km Sindago
    Sindago 164 Beledweyne   Sindago 220km Gaalkacyo
    Gaalkacyo 256km Hobyo   Gaalkacyo 260km Garoowe
    Garoowe 219 Eyl   Garoowe 222km Qardho
    Qardho 258km Boosaaso   Qardho 221km Bandarbayla
    Iskushuban 280km Caluula   Caluula 40km Bareeda
    Caluula 105km Baargaal   Garoowe 132km Laascaanood
    Laascaanood 141 Ceeldhaab   Ceeldhaab 255km Ceerigaabo
    Ceeldhaab 120 Burco   Burco 148km Berbera
    Hargeysa 177km Burco   Hargeysa 70km Gebiley
    Gebiley 52km Boorama   Boorama 269km Saylac
    Saylac 21km Lowyacado   Xudur 115km Yeed
    Xudur 242km BuuleBurte        

    Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.

    Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:

                Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga hadii aynu eegno magacyada loogu kala yeero noocyada xoolaha ayaa waxa ay kala yihiin:
                 1. Geela kan lab waxaa loogu yeeraa Rati kan dhadigna Hal marka ay yaryaryihiina waxaa la yiraahdaa Nirig iyo Qurbac.
                 2. Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryaryihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.
                  3. Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal.
                  4. Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

                Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

    Magaca inta ay ku bislaato
    Galayda 90 beri
    Masagada 90beri
    Sisinta 90beri
    Muuska 180beri
    Digirta 80beri
    Yaanyada 80beri
    Babayga 90beri
    Bataatiga 180
    Lowska 120
    Canbaha 6sano
       

     Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin.

    Hohob Mareer Gud Dhafaruur Dhuwan Ontoro
    Deegaan Dhebi Gob Miracas TukeLalmi Murcood
    Kobash Askax Shanfarood Barde Dhamaag Qoone

      Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe, kismaayo  
        Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km.
         magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu’aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

    Maalmaha dalkeena lagu qadariyo oo la xasuusto ayaa waxaa ka mid ah”
                     1.     26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi.
                     2.     1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
                     3.      1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
                     4.      12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
                     5.       8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
                     6.      5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
                     7.      27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti.
                     8.      15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L
                     9 .     bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar.
                    10.    20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed
                    11.    21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga
                    12.    16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
                    13.    1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska.
                    14.    1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max’ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska.
                    15.     1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
                    16.    Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan.
                    17.    Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.
                    18.    bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max’ed Siyaad Barre
                    19.   Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
                    20.   Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
                    21.   Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii
                    22.    Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
                    23.     Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.

    Tariikh Dalka Somalia

       madax weynihii ugu horeeyay ee dalka adan abdula osman.

    Seyid Mohamed Abdulle Hassan hogaamiyihii Daraawishta
    Adan Abdulle Osman (Cadde)
    Madaxweyne:
    1960-1966
    Mohamed Ibraahim Cigaal
    raiisal wasaar somalia 1965

    Abdirashid Ali Sharmarke
    Madaxweyne:
    1966-1969

    Mohamed Siad Barre
    Madaxweyne:
    1969-1995

    Abdullaahi Yusuf
    Madaxweyne dowladagoboleedka Puntland.
    AbdulQasim Salad Hassan
    madaxweyne dawlada Garta: 2000
    Ali Khaliif Galayd
    Ra’iisul wasaare

     

    Dowladdii 1960-1964 ee Madaxweyne Adan Cabduule Cusmaan iyo Ra’iisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

    Markii July 1960-kii Xurnimada la qaatay, waxaa Madaxwayne Ku-meelgaar ah loo doortay mudane Aadan Cabdulle Cusmaan(Aadan Cadde) oo ka soo jeeday beesha Hawiye, Madaxweyne Aadan Cabdulle waxuu Ra’iisul wasaare ku-meelgaar ah u doortay Abdirashiid Cali Sharmake oo ka soo jeeda beesha Daarood, Cadirashiid oo laga sugayey inuu soo dhiso Golo Wasiiro, oo ka kooban 14 xubnood, oo shaqeeya hal sano oo ku meel gaar ah, waa sida uu qabay Axdigii ku meelgaarka ahaa ee waqtigaa la sameeyey. July 22/1960 Golahii Wasiirada ee ugu horeeyey uu Ra’iisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke uu magacaabo iyo beelaha ay ka soo jeedeen:

    Aadan Cabdulle Cusman

    Madaxweyne
    Hawiye
    Ujejeen
    Hiraan

    Cabdi/shid Cali Sharmarke

    Ra’iisul wasaare
    Daarood
    Majeerteen
    Bari

    Cabdi Xassan Buuni

    Ra’isulwasare kuxigeen
    Gadabursi
    Samaron
    Awdal

    Axmed Xaji Ducale

    Wasiirka Beeraha
    Isaaq
    H/Jecel
    Sanag

    Maxamed Ibrahim Cigal

    Wasirka Difaaca
    Isaaq
    H/Awal
    W/galbeed

    Cali Garad Jamac

    Wasirka Tacliinta
    Darood
    Dhulbahante
    Sol

    Abdikaadir (Zoobe)

    Wasiirka Maaliyadda
    Raxweyn
    Disow
    Bay

    Abdullahi Ciise Maxamud

    Wasiirka A/Dibadda
    Hawiye
    Habar gedir
    Mudug

    Sheikh Cali Jimcale

    Wasiirka Cafimaadka & Shaqada
    Hawiye
    Xawadle
    Hiraan

    Sheikh Cabdule Maxamud

    Warshadaha & Ganacsiga
    Darood
    Mareexaan
    G/Gaduud

    Cali Maxamed Hirawe

    Wasiirka Warfaafinta
    Hawiye
    Abgal
    Sh/Dhexe

    Cabdi/saaq Xaaji Xusseen

    Wasirka A/Gudaha
    Darood
    Majeerteen
    Mudug

    Mohamud Axmed Maxamed

    Wasiirka Caddaaladda
    Hawiye
    Abgaal
    Sh/Dhxe

    Cabdi Nuur Maxamed Xussen

    A/Bulshada & Isgarsiinta
    Raxweyn
    Bay

    Cusman Maxamed Ibrahim

    Wasirka Arimaha Soomaalida (Saddaxda maqan) NFD. Jabuti Ogadenya)
    Ogaadeen
    J/Hoose
    July 20/1961, waxaa si aqlabiyad buuxda leh lagu doortay Axdigii joogtada ahaa ay ku dhaqmi laheyd dowladda la dooran doono. Waxaa dhamaaday halkii sanno oo xukuumadii kumeelgaarka ahayd, waxaa loo dareeray doorasho diimoqaraadiyad aheyd, waxaa gobolada iyo degmooyinka dalka laga soo doortay 121 xildhibaan oo noqday Golaha Barlamaanka. July 11,1961, waxay mar labaad xubnaha barlamaanka Madaxweynaha Soomaaliya u doortaan mudane Aadan Cabdulle Cusmaan oo hal cod kaliya kaga adkaaday mudanihii la tartamaayey ee Sheikh Cali Jimcaale, oo isagan Hawiye ahaa. Madaxweyne Aadan Cadde, waxuu markale Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Cabdirashiid waxaa laga sugayey inuu soo magacaawo Gole Wasiiro oo ka kooban 12 xubnood. July 27/1961 Golihii Wasiirada labaad uu Ra’iisul wasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke uu magacaawo magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan:

     

     

     

     

    Aadan Cabdule Cusmaan

    Madaxweyne
    Hawiye
    Ujeejeen
    Hiiraan

    Abdi/shid Cali Sharmarke

    Ra’iisul wasaare
    Darood
    Majerteen
    Bari

    Ali Garad Jamac

    Wasiirka Beeraha
    Darood
    Dhulbahante
    Sool
    >h3>Sheikh Cali Cusmaciil Wasiirka Difaaca
    Isaaq
    H/yoonis
    Togdheer

    Maxamed Ibrahim Cigaal

    Wasiirka Tacliinta
    Isaaq
    H/awal
    W/galbeed

    Cabdulkhadir (Zoobe)

    Wasiirka Maaliyadda
    Raxweyn
    Disow
    Bay

    Cabdullahi Ciise Maxamed

    Wasirka A/Dibadda
    Hawiye
    Habar Gidir
    Mudug

    Sheikh Cali Jimcale

    Cafimaadka & Shaqada
    Hawiye
    Xawaadle
    Hiiraan

    Sh. Cabdullahi Maxamud

    Warshadaha & Ganacsiga
    Darood
    Mareexaan
    G/Gaduud

    Cali Maxamed Hiraabe

    Wasiirka Warfaafinta
    Hawiye
    Abgaal
    Sh/Dhexe

    Cabdi/saq Xaaji Xusseen

    Wasiirka A/Gudaha
    Daarood
    Majeerteen
    Bari

    Maxamud A. Maxamed

    Wasiirka Caddaladda
    Hawiye
    Abgaal
    Sh/Dhexe

    Cabdi Nur Maxamed Xussen

    A/Bulshada & Isgaarsiinta
    Raxanweyn
    Raxanweyn

    Diyaariye: Eng: owqasin

    Email:- dabaqiin@email.com

    TAARIIKH KU SAABSAN SOOMAALIYA 1960-1996

    July 1, 1960 – Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed oo la soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.

    Jan 1962 – Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afartii dal ee Afrika xilligaas xorta ka ahaa, kuwaas oo ahaa  Ethiopia, Somalia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa. Iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.

    Nelson MANDELA

    Jaalle Mohamed siyaad Barre  

    Oct 21, 1969 – Inqilaabkii loo bixiyey ‘inqilaabkii aan dhiigu ku daadan” ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jen. Maxamed Siyaad Barre.

    Jan 23, 1975 – Ayaa culimo Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.

    April 21, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka.  Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah ragii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.

    C/lahi Yusuf   Axmed

    Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu beseshey (SSDF).

    Aug 7, 1990 – Jabhadihihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.

    Jan 27, 1991 – Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.

    Gen:Caydiid Cali Mahdi

    Nov 17, 1991 – Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid aiyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.

    March 3, 1992 – Qabqablayaashii iska soo hor jeedey aya wad saxiixday heshiis xabad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabad joojinta.

    April 24, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaraamada midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad barre oo dalka isga baxay.

    Sept 19, 1992 – Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid o ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta.

    Dec 3, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Sooaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo naba ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku.

    Dec 9, 1992 – Ciidamada Badda ee maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa “Hawlgalkii Rajo soo celinta“.

    Jan 15, 1993 – Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen.

    May 4, 1993 – Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii ka hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyeye Qaramada Midoobey.

    Oct 3, 1993 – Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho.

    March 28, 1994 – Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya oo si rasmi ah loo soo afjaray.

    Jan 2, 1995 – Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria.

    Feb 28, 1995 – Ciidamada badda ee Maraykanaka iyo ciidamada Talyaaniga oo ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya.

    Aug 1, 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey.

    Act 10, 2004 Waxa loo dortaay Co/Cabdi lahi Yusuf Madaxweynaha Ummada Soomaaliya

    W/Q Eng: owqasin   dabaqiin@email.com

    Shiikh Shariif Sh Axmed Tariikh Kobaan !

    10/Oct/2007

    Tariikh kobaan oo ku sabsaan   Gudumaiyihii gudiga fulinta maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed>Taariiqda shariifka
    Magaca : Sh Shariif Sh Axmed Sh Maxamuud Sh Muuse
    Ku dhashay : Shabeeladda Dhexe
    Taariikhda Dhalashada Dhashay 25/01/1964
    Xaalada Bulshada : Xaasle

    Waxbarshadiisii > 1970- Dugsi quraan.
    1988: Wuxuu ka qalin jibiyay Dugsigii Azhar raacsanaa ee Sheekh Suufi
    1992: Wuxuu tagay Sudan wuxuuna gobolka Kurdufaan ka bilaabay Jaamacadda Kurdufaan Kuliyada Waxbarshada. Cudurka Malaariyada oo ku dhacay ayaa sababay inuu u baqoolo Liibiya.
    1994: Wuxuu tagay Liibiya magaalada Tiripoli isagoo ka bilaabay Jaamacada Maftuuxa kuliyada Qaanuunka- Sharciga-
    1999: Wuxuu ka qalin jibiyay Jaamacada
    2000: Wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa.
    2002: Wuxuu noqday gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeelada Dhexe isagoo la shaqeeyay Maxamed Dheere.
    2003: Wuxuu ka soo laabtay Jowhar wuxuuna Macalin ka noqday Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Jubba oo ku yaala Xaafada Towfiiq ee magaalada Muqdisho wuxuuna macalin ku ahaa maadooyinka juquraafiga iyo taariikhda.
    2003: Wuxuu wax ka aasaasay Golaha Jaamiciyiinta Soomaaliyeed isagoo ka noqday Gudoomiye
    2004 : Waxaa loo Doortay Gudoomiyaha Maxkamada Sii Sii.
    2005: Waxaa loo Doortay Gudoomiyaha Maxakamadaha gobolka Banaadirsawirka sheekh shariif

    W/Q Eng: owqasin cabdiqaadirqm20@engineer.con

    Tariikhda Madaxweyne yaashi Hore Ee Somalia .

     Madaxweynihii Labaad Ee Somalia. 
    Madaxweyne  Cabdirashid Cali Sharmarkedabaqiin.wordpress.com

    Allaha U naxariistee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya MD. C/rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku dhashay  degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii 1919.

    Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka dambeeyay magaalada Muqdisho.

    Wuxuu ka mid noqday  ururkii Somali Youth League waxyar ka dib markii la aasaasay sanadkii 1943dii, wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee Soomaaliya  British Administartion Civil Service.

    Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay 1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service, wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda University of Rome “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jibiyay sanadku markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka Soomaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubinka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly.

    Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii 1, July 19960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda, wuxuuna dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa 1964tii.

    Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya MD. Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii June 1967dii.

    Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolka Sanaag ee dalka soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

    Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyadii weli lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday Allaha u naxariistee Sarreeye gaas Max’ed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

     
    S/Gaas Maxamed Siyaad Barre dabaqiin.wordpress.com

    Taariikh nololeedkii Madaxweyne

    S/Gaas Maxamed Siyaad Barre

    Naxariistii janno Allaha siiyee madaxweynihii hore ee Soomaaliya xukuumad soo marta ugu waqtiga dheeraa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Shilaabo ee dalka Itoobiya, wallow uu ku dooday intii in  uu ku dhashay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1919kii.

    Intii uu yaraa ayuu geeriyooday aabihiis, ma laheyn sida ay ku doodeen dad aqoon durugsan u lahaa Formal Education, haddaba  si uu uga mid noqdo ciidamadii boliiska ee hoos iman jirey maxmiyaddii Talyaaniga ayay aheyd markii ay soo if baxday in uu ku dhashay gobolka Gedo; intaas ka dib waxaa u suurtagashay in uu ka mid noqdo ciidamadii loo qorey Boliiska, wuxuuna ka qeyb galay tababarro ay u fidiyeen maamulkii Maxmiyadda wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo diro dalka Talyaaniga sanadkii 1952dii.

    Sanadkii 1956dii wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee maamul ay yeelato magaalada Muqdisho ka mid noqda, wuxuuna noqday taliyihii ugu horreeyay ciidamadii Boliiska gobolka Banaadir.

    Markii la aasaasay ciidankii Xoogga Dalka wuxuu noqday taliye ku xigeen, markii xorriyadda la qaatay ka dibna, wuxuu qaatay nidaamkii MARXIST, wuxuu xiriir joogto ah la lahaa saraakiil u dhalatay dalkii la oran jirey USSR, horraantii Lixdankii.

    Madaxweyne Max’ed Siyaad Barre wuxuu 21kii Okt. Sanadkii 1969kii talada dalka kula wareegay Afgambi aan dhiig ku daadan, ka dib markii toogasho lagu dilay madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke, intii uu talada dalka hayayna waxaa kor u kacay shaqsiyaddiisii, iyadoo gidaar kasta oo yaalla Tuulo, Degmo, Gobol lagu sharaxay muuqaalladiisa ama sawiradiisa.

    Guulihii ugu horreeyay ee la taaban karo ee uu gaarey muddo yarna waxay aheyd markii uu guddoonsaday qoraalkii afka Soomaaliga, haddaba qaadashadii xuruufta Laatiinka waxay noqotay in far Soomaaligu noqdo luqadda Qaranka, waxayna kalsooni badan siisay Soomaalida, sanadkii 1972dii oo ku beegneyd dabaaldeggii sanadguuradii Kacaanka ayaa dhammaan shaqaalihii dowladda lagu amray in ay bartaan qoraalka iyo aqriska Soomaaliga muddo 6 bilood gudahood ah.

    Madaxweyne Siyaad Barre wuxuu ka mid ahaa dadka aaminsan Soomaali mid ah ama Great Somalia, ujeedadiisuna ay aheyd xoreynta & mideynta gobollada maqan ee Soomaaliya sida:-

    • Jabuuti;
    • Somali Galbeed;
    • NFD ;

    Tanina waxay sababtay in dagaal faraha looga gubtay uu dhex maro dalka Soomaaliya & Itoobiya, dagaalkanna uu noqdo kii halmiyay Qarannimadii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Dagaalkan intii uu socday wuxuu sanadkii 1977dii dalka ka eryay dalkii Midowga Sofiyeetka ama USSR ee Soomaaliya jaalka la ahaa, Ruushkuna waxay taageeradii ay u fidin jireen dalka Soomaaliya u wareejiyeen dalka Itoobiya, tanina waxay ku qasabtay dowladdii M.S. Barre in uu taageero ka doonto dowladda Mareykanka, waxayna dowladda siin jirtay $ 100 Million sanad kasta illaa laga soo gaaro sanadkii 1989kii.

    17kii ilaa 18kii Okt. Sanadkii 1977dii xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta reer Falastiin ay afduub ku qabsadeen diyaarad laga leeyahay dalka Jarmalka, Luftansa Flight 181 madax furashana u qabsadeen 86 ruux ayay ciidamadii Soomaalida oo kaashanaya ciidamo Jarmalka ka socday suurtagaliyeen in ay soo furtaan diyaaraddii ay dadkii la socday, wuxuuna hoggaamiyihii dalka Jarmalka Chancellor Helmut Schmidt ka helay abaalmarino isugu jirey Qalab & Gaadiid iyo taageero kaleba.

    Muddadii uu dalka ka talinayay wuxuu fuliyay barnaamijyo waxtar u leh bulshada, horumarinta dhismeyaasha Warshadaha iyo Wadooyinka isku xira inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.

    Sanadkii 1986dii wuxuu shil gaari ku galay wadada Afgooye ee koofurta ka xigta magaalada Muqdisho, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sacuudi Carabiya, wuxuuna dalka dib ugu soo noqday isagoo caafimaad qaba.

    Muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa waxaa lagu eedeeyaa in uu geystay falal ka soo horjeeda bini’aadannimada, hey’adaha u dooda xuquuqul Insaankuna ku tilmaameen hoggaamiye naxariis daran, iyo amarkii uu ku bixiyay geerida malaayiin aan waxba galabsan.

    26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991dii ayay jabhadihii la dagaalamayay xukunkiisa ka eryeen xaruntii madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u cararay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugnaa illaa laga soo gaaro bishii Abril sanadkii 1992dii, waxaa dalka ka saarey ciidamo u daacad ahaa hoggaamiyihii  ururkii USC/SNA Jeneraal Max’ed Faarax Ceydiid.

    Intaas ka dib wuxuu magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nigeria, wuxuu 2dii bishii Jannaayo sanadkii 1995tii ku geeriyooday magaalada Legos ee dalkaas, waxaana lagu aasay magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.

    Intii talada dalka laga qaaday waxaa la qabtay in ka badan 14 shirar dib u heshiisiin ah iyadoo wax guullo ah oo laga soo hoyay ayan jirin, Soomaaliyana ma yeelin dowlad shaqeysa wixii intaa ka dambeeyay.

    .

    Taariikh nololeedkii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan Madaxweyne Kowaad Ee Soomaaliya.


     
    Madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan dabaqiin.wordpress.com

    Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde” magaalada Baladweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908dii. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka & Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sareba ku qaatay magaalada Muqdisho.

    Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944tii.

    Sanadkii 1946dii wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee Xisbigaasi, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaasi ee degmada Baladweyne.

    Wuxuu sanadkii 1951dii noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953dii.

    Sanadkii 1953dii waxaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954tii waxaa loo doortay  Guddoomiyihii Xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956dii. Bishii Maajo Sanadkii 1958dii waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee Xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii July sanadkii 1960kii.

    Sanadkii 1956dii waxaa Golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaana loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Baledweyn ee dalka Soomaaliya doorashooyinkii dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.

    Sanadkii 1959kii doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo mar kale xubin, iyo in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Koofurta dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa Golihii sharci dejinta uu noqdo Constituent Assembly.

    Tanina waxay u saamaxday  in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii bishii Luulyo sanadkii 1960kii.

    Golihii Baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay Soomaaliya yeelato wuxuu u  doortay in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.

    Madaxweyne aadan cabdulle Cusmaan “Aadan cadde” wuxuu ku hadlaa afafka Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967dii waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii la doortay Allaha u naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke, bishii June isla sanadkaas.

    Sida uu qorayo sharciga jamhuuriyadda Soomaaliya, madaxweyne kasta oo ay yeelato Soomaaliya , wuxuu inta ka dhiman nolashiisa ahaanayaa xubin ka tirsan baarlamaanka, hadda waa Somali Statesman isku dayaya in uu wax ka qabto nabadgalyada dalkiisa, ka dib dagaalladii dhacay, waana madaxweynaha ugu cimriga dheer madaxweynayaashii soo marey adduunka. Wuxuuna si nabdoon weli u nool yahay dalka Soomaaliya.

    Waxa Ka Soo Xiganeey Website-ka Qaranimo   .  Dhamaan Alle Ha U Naxariisto Aamiin Aamiin Aamiin.

    Aaway Somalinimomuqdisho

    W/D/Q: ABDIKADIR KASSIM MOHAMED *ENG: owqasin* kenya/nairobi/south c Email: owqasin86@engineer.com ama dabaqiin@email.con dabaqiin@gmail.com  oo booqo barnaamijka taariikhda www.dabaqiin.wordpress.com

    1da luuliyo Waa Tee??!!!!

    1luuliy 160

     1lulyo201lulyo351luuliyo

    Gogoldhig

    Waxaan marka hore ugu hambaleyeynaa dhammaan ummada Soomaaliyed munaasibadan qaaliga ah ee 1da Luuliyo. Waxaan leeyahay farxad ku ciida isla markaana dib ha loo eego taxanaha taariikhda gobanimadoonka Soomaaliyeed.

    Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto,iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah,kuwaasoo la xuso oo laga sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay.Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran,mid qoys,iyo mid shakhsiyeed oo midba mudnaanteeda loo xuso,taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo,oo xuskaas la xusayaa uu noqdaa mid lagu xusayo muxaadarooyin diini ah,iyo in laga sheekeeyo wixii wanaagsan

    Hadaba maanta oo ah 1da Luuliyo sanadka 2008 oo ahayd maalin taariikhi ah,isla markaana xusuus dheer mudun,ahna maalintii la heley dawlad soomaali ah ee ugu horeysey ee dad Soomaaliyeed oo xor ah Maamulaan,isla markaana la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid Soomaali leedahay

    Dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u diyaar garoobayaan xuska 1-da Luuliyo oo ah maalin taariikh qiimo badan u leh ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadaas waxaa lagu xasuusta xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.

    1da luuliyo Waa Tee??

    1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada , 1dii luuliyo 1960 waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya.iyo 26 juun oo iyana ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee.

    waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii uu habeenkaas tiriyey ee ay ka mid ahaayeen ereyada ah:”SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.iyo talyaaniga waxaanse shaki ku jirin in caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martey taariikh iyo waayo kala duwan.

    Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancaddaalaha ahaa oo buluugley ay dabeyluhu ka lulayeen daaraha dushooda.Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.

    Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”

    Sooyaalka Taariikhda Halganka Soomaaliyeed

    Halgankii ummadda Soomaaliyeed ee ay hogaanka u soo hayeen gobonimo doonkii Soomaaliyeed Taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18aad inta ayan bilaaban duulaankii dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir,Kismaayo,Berbera & Bandar qaasim. “Boosaaso” Qeybintii dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay nidaamyo ku cusub bulshada Soomaalida kana duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi jireen dadka Soomaaliyeed. Waxaana aad u yaraaday xiriirkii ay Soomaalida la lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.

    Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo horjeeday gumeystaha waxay ahaayeen kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” sida la ogsoonyahayna ahaa halgankii Soomaaliyeed kan ugu caansanaa ahna,halgamadii uu ugu horreeyey ee lagaga soo horjeedey gumeystaha .

    Axmad Garaad Ibraahim “Axmad Guray “oo halgankiisu bilowday 1528 dhammaadayna 1543. Axmad Gureey waxaa usuuro gashay in uu jabiyo aabihii boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii Xabashidu waxaay ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca.

    Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii halgankii Daraawiishta oo 21-sanadood dagaal ay ku naf waayen kumanaan mujaahidiin ah,ayna ku barakaceen in ka badan dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa gobolada Waqooyiga,khaas ahaan goboladii xarunta u ahayd Daraawiishta waxaa hogaaminayey halyeeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ,waxaana daraawiishtu halgan wayn ay kula jirtey gumeystihii ingiriisak muddo ka badan labaatan sano.Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919kii in uu xagga cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta ,qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21kii jannaayo 1920kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex aay soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu lagu sheegey inay ahayeen DH9 .Sida taariikhdu qorayso ugu danbeyntiina Halganka Daraawiishta ayaa halkaas ku jabey, kadibna Sayid Maxamed Cabdille Xassan iyo daraawiish wixii ka hadhay ay u baxeen xagaa iyo koonfur waxaa la sheegaa in Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23dii Noofember 1921dii.

    • Tix Kamid ah Gabayadii Saydka ee Guubaabaad ahaa
    • Anaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col ahe
    • Dalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha eh
    • Anaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayne
    • Anaa diiday Deeqdiida aay Naari dabataale
    • Anaa diiday maantuu laha duunyo iga hooye
    • markay duusho Gaaladu anaan daabaddu qabane
    • Kolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqone
    • Diintayda anigaan ku gaadn dabakhi Naareede
    • Anaan labada Daarood tan hore darajo moodayne
    • Dardaarankii uu Sayid Maxamed ka tagay:
    • Dabin buu idiin qolayaa waydin dagayaaye
    • Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane
    • marka hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiye
    • Marka xigana dabbakhaada waa idin dareensiine
    • marka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha eh
    • Marka xiga dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada eh
    • Mar haddaan Dushii Adari iyo Iimey dacal dhaafay
    • waxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahe
    • maxaad igaga digataan berribuu siin lasoo degiye

    Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo dhiigooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ah halgamaa Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa halgamayaashii gobannimada Soomaaliya ka soo hooyey gumeysiga, wuxuuna caan ka yahay dhamaan gudaha Somaliya.

    Waxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyey calanka Soomaalida 1954kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesha dheer leh ee calanka Somalidu xambaarsan yahayay. Kaas oo ah:

    • 1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.
    • 2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay

    Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horreysay Taariikhda la saaray 12kii Oktoobar 1954tii isaga oo ka dhex babaday calamadii Talyaaniga iyo Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa.

    iyadoo halgamadaas ujeedadoodu aheyd sidii dib loogu celin lahaa dhulyowgii dadka Soomaaliyeed ee gumeystuhu wadaagay ama qeybsaday. Horraantii sanadkii 1940kii waxaa qeybo badan oo dhulka Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo tiro dhaafay.

    Sidoo kale Waxaa iyaguna la xusi karaa Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada loo aasay 15kii May 1943 .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa waxaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.

    Saddex iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen

    • 1.Yaasiin Xaaji Cusmaan
    • 2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin
    • 3.Cusmaan Geddi Raage
    • 4.Maxamad Faarax Hilowle
    • 5.Maxamad Cusmaan
    • 6.Maxamad Xirsi Nuur
    • 7.Daahir Xaaji Cusmaan
    • 8.Xaaji Maxamad Xusseen
    • 9.Cali Xassan Maslax
    • 10.Maxamad Cabdulle Xassan
    • 11.Maxamad Cali Nuur
    • 12.Dheere Xaaji Dheere
    • 13.Khaliif Hudda macalin

     

    13 -kaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed ,waxaana halgankii SYL mirihiisii la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya aayna la midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka xorowday Ingiriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya, Waxaase nasiib daro noqotay in Daraawiish iyo dadkii taageersanaaba aanay ka helin wax abaal ah dawladihii Soomaaliyeed ee xoriyada ka dib awooda qabtay.

    Maalintaas qiimaha badan waxey dadka Soomaaliyeed xasuusineysaa abayaashii Soomaaliyeed oo dhiigooda iyo naftooda u huray iney dhisaan dal Soomaaliyeed oo madaxbanaan, kaas oo dadkiisa ugu adeega si gobonimo leh.

    Aabayaashii u soo halgamay dhismaha iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed waxey dagaal siyaasadeed oo ka culus kii gumeystaha reer Yurub ay gaashaanka ugu dhigeen Cadowga Xabashida. Waxaa Xusid mudan in maalintaas ay ku noqotay Xabashida xidig ku soo baxday oo ay dabooliweysey.

    Dadka Soomaalida ah waxaa lagu tilmaami jiray taariikhda in aay yihiin dad wax iska caabiyeen gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku muddo qarni ka badan .Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina u daadshay difaaca dalka hooyo ,hasayeeshe nasiib darro in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin ,hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii dhibic dhiig ah u qubtay.

    1da luuliyo waa maalin qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii soomaaliweyn.

    Xiligaasi waxaa la doortey madaxweyne waxaa loo doortey Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo isugu bishan June ee sanadkii hore 2007 ku geeriyoodey magaalada Nairobi, Waxaana sidoo kale Ra’iisul Wasaare loo doortay C/rashiid Cali Sharma’arke oo labaduba ka soo jeday goboladii koonfureed,meesha Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Cali Garaad Jaamac oo ahaa odayaashii horkacayey siyaasiyiinta reer Waqooyi ay nasiib u heleen jagooyin wasiiro ah,halkaas oo ay ka bilaabatay wax isu quudhi waa iyo kala sed bursi awoodeed oo kow u noqday Soomaalidii sida walaaltinimada ah isugu soo hilowday.

    Si Kastaba ha ahaatee ummada Soomaaliyeed oo in badan ku hamin jirtey in la helo qaran Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Somaliweyn ah,ayaad hada moodaa in ay adag tahay sida lagu heli doono xataa Soomaaliyar,ama labadii qaybood ee isu tegey oo hada leh laba madaxweyne iyo maamul,waxaa maanta lagu qoslaa ninkii ka sheekeeya Somaliweyn,iyadoo halgankii lagu xoreyn lahaa NFD,OGADENIA,ay ka danbaysey in ay maanta intii kaleba ku jiraan gacan gumaysi cusub,oo cadaan iyo madowba leh.

    Maantay oo ay 1da Luuliyo tahay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday , sharaftii iyo cisigii ay soomaali lahaydna ay manta tahay mid ku dayacan daafaha dunida oo dhan.Soomaaliya oo ku jirtay 18 sano fawdo iyo majarahabow wallow labadii sano ee ugu danbeyey ay ku jirto gacan cadow oo gumeyste ah, hadana ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.Hasa ahaate Soomaaliya sida aay u Indho la´dahay uma Alla-laá,lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo diimooqaraadi ah ,dawlad soo celisa midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda xasiloonaan aay dadkeedu ku naaloonayaan.

    • Qaranka iyo Xorriyadii la Helay waa la quursadaye
    • Wax ku qooqay niman aan ogayn qaabka loo helaye
    • Qudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyey
    • Waa kaa gidaarada ku quban qalin jabkoodiiye
    • ( Waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalloc)

    OO NAQOSEEYA.


    Aaway Somalinimo

    رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

    HOYGA BAARISTA CILMI BAARISTA IYO TAARIIKHDA  EE DHALINTA XAFADA DABAQIINKA.

    E:mail dabaqiin@email.com dabaqiin@gmail.com   ama booqo www.dabaqiin.wordpress.com

    HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIINKA  ee SOMALIA

                                             www.dabaqiin.wordpress.com

    calannur

    Aaway Somalinimo

     

    رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

     

    W/D: Eng: CABdIQAADIR QASIM MOXAMED *eng:owqasin* cabdiqaadirqm20@engineer.com oo idin leh  ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG SIDAN

    muqdisho 

      NAGA DHIG KUWII DALKOODA IYO DIINTOODA WAX UTARA  
     

    رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

     ALLAHAYOOW DALKA NABAD NOOGA DHIG

    DIBNA NOOGU CELI ANAGOO NABAD AH.

     soomaalia

    رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

     ALLAHAYOOW DALKA NABAD NOOGA DHIG

    DIBNA NOOGU CELI ANAGOO NABAD AH.

     

     

     

    Aaway Somalinimo

     

    calannur

     ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

    xaladaha aan la hilmaami karin

    waa muqdisho iyo maxaa ka taqaan

     ALLAHAYOW DALKA NABAD NOGA DHIG

    22 responses

    11 04 2009
    shariif xaashi cali

    walaal layaan waan indin salaamay ani waa shariif xaashi cali (shariif bolton) waaan idin salaamay waan arkaa waxa aad samayseen waa waxa fiiican oo looo baahnaa warka iyo wacaalka ay ku sugan yihiin dhain yarada dabaqaynka sxb bayaal waaa saas dadku iska mawada garanaayaan meesha laka joogo ani waxaan joogaa kenya nairobi,kianbu, wali waxaan ku dhex jiraaa dugsiga sare form 2 waxaan dhigtaa balkan acedamy email kayguna waaaa

    24 09 2009
    ABDISALAN HASHI HAGALLEY

    waxaan halkaan kasalamayaa AWOQASIN oo ah nin dhalin yara aana aad ugu farxay wax yaabaha uu isku soo aruuriyay iyo dhamaan dhalin yarada xaafada DABAQIIN iyo kuwa soo abaabulay website kaan aad ayaad u mahad san tihiin 100% waa anigoo ah Abdisalan Hashi Hagalley Waxaana idin lee yahay mar kalle . MAHAD SANIDINA

    28 04 2010
    Anonymous

    ilaahow dalkena soomaliya nabat nooga dhig amin wanu unoqon lehene

    6 07 2010
    muuse

    wan u bu sharaynayaa soomaalia

    19 07 2010
    ex dhalinta

    maashalah ilaahay wadankii nabad ha inooga dhigo sawiro wadani ah waayo waayo maashalah balse sawir baan raadis ku ahay meeyeey sawiradii xarumaha agoonta afgooye iyo lafoole ii soo dira plzz hadaad haaysaan thzzz

    8 08 2010
    gabar soomaaliyeed

    ASC DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED INTA NABADA JECEL SALAAN KADIB MASHA ALAH AAD AYAAN UGU FARXAY IN KASTOO AAN MAANTA WAXBA KA HAYN QURUXDAAS IYO NABADA NOOGA MUUQATAY WADANKEENA ILAHEY WAXAAN KA BARYAA INUU WADANKEENA IYO RAGEENA NOO WANAAJIYO ISAGAA QAFUURU RAXIIM AHE WAX KASTANA AWOODIISA AYEEY KU DHACAAN SOOMAALIYA WAXAA KU DHACDAY MASIIBO RABAANI AH ILAAHOW NAGA DUL QAAD WAA AAQIR ZAMAN TOWBADA ALLAHA NA WAAFAJIYO AAMIIN SOOMAALIYEEY NABADA DOONA OO DAGAALKA DHIGA RAGEENOOW NABADA KU DADAALA WAA NA DUBATEENE AAWAY RAGII NAXARIISTA BADNAA AAWAY WADANIYIINTII CADOWGA U DIIDAY DALKOODA AAWAY AQOON YAHANADII,, AAWAY UGAASYADII,SULDAANADII CUQAASHII MALAAQYADII ,WAX LAGA MAQLI JIRAY SOOMAALI MAXAA KU DHACAY ,HADAA NAHAY GABDHIHII SOOMAALIYEED WAAN RAFAADNAY DAL DIBAD INTABA CADOW IYO WAX MA GARADBA WAAN U JABNAY SHISHEEYE IYO SHILIN QAATABA WAAN U JABNAY DOQON IYO DOWLAD DIIDBA WAN U JABNAY NACAS IYO MA NEXE INTABA WAA U JABNAY ALOW NABAD WAARTA ,AAAMIIIN YAA RABI SOOMAALIYEEY HAL MAR AAN ISKU IMAANO OO AAN DUCEYSANO INSHA ALLAH ALLE NAMA DAYACAAYO MASIIBADAN NUGU DHACDAY WAA MIDAAN GACANTEENA KU KEENSANAY ,RAGEENOOOW NA DABA QABTA WAAN DAYACANEEE

    20 08 2010
    AXMED MAXAMED

    ANIGOO AH AXMED MAXAMED OO KU MAGAC DHEER AXMED MUKEYF
    WAXAANA JOOGAA MAGAALADA MUQDISHU
    WAXAANA AHAHEY NIN WADANI AH WAXAANA JACLAHEY IN AAN KABIXIYO DHIBAATADA SOOMAALIYA WAXAA MARKASTO KU FIKARAA SOOMAALIDII HORE IN AAN SOOCILIYO ILAA HEY HAIIGO GARBGALO AAMIIN AAMIIA N

    24 08 2010
    Abu Luqmaan

    Asalaamu Calaykum dhamaantiin. Ramadhaan Mubarak! Intaan ku jirna bisha barageysan aan kuwada duceysano in Allaah (swt) Dalkeena Nabad nooka dhiga oo dibna noogu celiyo anakoo is jecel>>>>

    17 02 2011
    hersiguure

    jaale taariikhdani ma tii somaliya mise waa tii somali konfureed… runta sheeg taariikhda hawiyie iyo daarood uun ha shegine….

    mar qudha kumaad sheegin taariikh dii somalida waqooyi,,,

    13 01 2012
    ahmed

    wxn dareemaya ku soo biritaan wanaagsn waxaan filaaya in wax badan layga baahi tiridoono oo ku saabsan cilmi by

    11 02 2012
    YASIR

    SOMALIA I LOVE U SOMALIA SOMALIA SOMALIA

    19 02 2012
    Anonymous

    sxb waxa ay tarikhdani anfacaysa jilasha so ko raayo waaye waxay u kal cadeyneysaa sida uu xaalku ahan jirey si aysan ugu sirmin shiqoolka dabadhilifka naduleystey ilhaaw ada xaqa og ee naga qabo anagu wa dadaaleynaa sxbyaal wxan hawada somarinay salan kal iyo laab dhalinyarada heer dabaqiin bye bye

    10 05 2012
    saleban hussein

    waa taariikh fiican sxb

    3 10 2013
    Issa mohamed Yahya

    Asc marka hore waxaan halkan aan ugu mahadcelinayaa dhamaan raggii ka shaqeeyey in ay sameeyaan websiteka sida tooska u taabanaya ummadda soomaaliyeed una faa’ideynaya taariikhada wadankooda soo martay mahadsanidiin

    23 11 2013
    SNM..Mujaahid

    Runtiii waa taariikh wacan lakiin marka aad gooraynta samayseen dhacdooyinkii ka dhacay dalka waxa mudan inaad xustaan wixii ka dhacay dalka waqooyigiisa.. dhibaatooyinkii taxnaa 11 tobanka sano ee ka socday waqooyiga dalka, goosashadii gobolada waqooyi, dagaaladii sokeeye ee ka bilaabtay, axdiyadii boorama iyo aaasaskii Soomaliland…doorashooyinkii soomaliland iyo geeridii Madaxwayne cigaal.. wadahadaladii soomaliya iyo Soomaliland….waad mahadsantihiin.. soomaali heshiin mayso inta taariikh baias ah la qorayo.

    24 02 2014
    Jubba Ismaaciil Jaamac

    waad mahadsan thn

    14 04 2014
    Ali Hassan

    Marka hore waxan salaam aan la soo koobi Karin u gudbinyaa Eng: Owqaasim meeelkasta oo uu Dunida ka joogo sida qiimaha badan ee uu isugu soo daba riday taaiikhda Sooyaalka Soomaaliya aad ayaad u mahadasantahay.

    Waxaan filayaa in dad badan oo soomaali ah ka faaiidysteen taariikhda dalaka iyo Marxaladaha kala duwan ee uu soo maray.

    20 05 2014
    18-May 1991 S/Lander

    In taariikh laga waramaa waa arrin muhiimadeeda leh, balse ceebtu waxay tahay in Taariikhda laga beensheego ama raadadkeeda oo muuqda laga qariyo mushtamaca wixii soo dhacay u baahan sawirkeeda dhabta si aanu qalalaase ka baaxad weyn wixii soo dhacay aan dib loogu dhicin, amba aanu dhicinba. waayo marka aad arrin dhibkeeda ogtahay way adagtahay inaad si fudud u gudo gasho. Ilama aha in Soomaaliya ama Reer Koonfurku xal u heli doonaan dhibta jirta ilaa inta ay ka aqbalayaan jiritaanka Walaalo hooda reer Somaliland oo awalba ahaa dawlad gaara, Fadlan isku daya inaad aqbasahaan doonista waxay rabaan reer Somaliland oo xaasidnimada iska dhaafa, waxa laga yaabaa hadaad ka farxin lahaydeen 3.7 Million qof in kaliya ducada ka dhacda ay xal idiin noqon lahayd

    24 07 2014
    mustafa hassan ayaanle

    masha allah Walalyal waa tariikh u bahan mudnaan weyn wana ku mahadsantihin sida wansgan aad u so bandhigtey bro/sis

    26 07 2014
    Anonymous

    Gacantii nin lihi gawnayaa waa gumudantaaye
    Nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waaye
    aad ayay uga mahad celinayaa dhalintaa soomaliyeed is xilqaanka ay sameeyeey insha allah allaha ka abaal mariyo waa fuad cabdulaahi cuma ku magac dheer kashki

    22 10 2014
    maxamed yonis

    maxamed yonis abdullahi:wa gadomiyaha gobolka dhallanyarada g/sh/hoose wan ka xumahay xalada adag somaliya haysato,hadan isku xirano wax badan ayan ka bedeli karna xalada uu wadanka ku jiro……..wad dareemi kartaaa SYL ma haysan internet,xub,aalad wax fududeeya balse guusha ay gaaran waxay samayn ku yeelatay jiilka ka dambeyey???????????????????????

    30 12 2014
    Garweyne kuulow Aweys

    SALAAN KA DIB,
    WAXII DALKA KA JIREYBA
    HABA YARAATEE
    SI WAAYEELNIMAAD UGA HADASHEEN

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s




    %d bloggers like this: