DABAQIIN


Marquee Text

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

dabaqiinweb1 dabaqiin1

 

 

 

waxa halkaan aa kadaawankartaa sawirada xaafada dabaqiin sawirkan waa wada hormarta xaafada dabaqiin wana muqaalka dhismaha barakaat ama hormuud telecom .

wadada weyn ee afka hore xafada dabaqiin

sawirkaana waxa wada isku xirto sos iyo ex contarol balcad iyo magalada inteeda kale waxayna martaa afka hore ee xafada dabaqiinka.

wadada masjidka xafada dabaqiin

sawirkaana waa wada ag marta masaajidka cumar binu qadaab ee xafada dabaqiinka,warshada isbuunyada shaakir iyo garoonkii hore ee xafada dabaqiinka oo ahaay Egar kasoo hatan labadalaay goobo caadi ah, waxa kaloo ay gashaa xafada dabaqiinka.

masjidka cumar binu qadaab ee xafada dabaqiin

sawirkaan waa muqaalka masjidka cumar binu qadaab ee xafada dabaqiin kasoo kamid ah masaajidyada ugu waaweyn dagmooyinka huriwaa iyo yaqshiid caana ka ah dagmooyinkaas,

kasoo xligii gumaysiga itobiya ay kusugnaayeen dalka uu u ahaay bar tilmaameed lakiin lakiin ALLAH ayaa ka bad baadiyay arintaas.

tabeelaha iskuulka cumar binu qadaab ee xafada dabaqiin

sawirkaan waa mid kamaid ah muqaalada tabeelayaasha iskuulka hoosa dhexe iyo sare ee cumar binu qadaab ee xafada dabaqiinka.

 kasoo ah iskuuladii ugu horeeyay ee laga aas aaso dag mooyinka huriwaa iyo yaqshiid kasoo arday badan ay ka qalan jabiyeen hatan ayna jamacada ay udhamaadeen kuwa kalana wax barashadoodii heerka jamacadeed ay ku guda jiraan.

waxa iskuulkaan haatan maamula ka mid kamida dhalinta xafada dabaqiin ahna nin aad looga xushmeeyo xafada dabaqiin waa macalin cabdinaasir cali xasan oo loo yaqaano cabdiyare, waxa kaloo wax ka dhigo rag kaloo ay ka mid yihiin macalin saalax cali xasan oo loo yaqaano general saalax, macalin cabdinaasir nuur cusmaan oo loo yaqaano talaata33, macalamiintaan aan soo sheegnay waa kuwa laga xushmeeyo inta badan xaafada caana kah dagmooyinka magaalada muqdisho, waxa ayna go aan sadeen inay sii wadaan xaladaan adag wax barashada ay u wadaan umada soomaaliyeed, waxa aanu idin leenahay hadii aan nahnay dhalinyarada xafada dabaqiin meelkasto aan joogno waa ku mahad san tihiin dadaalkiina siina wada ALLAHA idinla garab galo.

warsahada isbuunyada shaaki ee xafada dabaqiin

sawirkaan waa muqaalk tabeelaha warshada isbuunyada shaakir ee xafada dabaqiinka, war shadaan oo ah mid aana kala go in howlaheeda xiliyadii adkaa ee dalka uu soo maray.

lakiin waxa aa soo maray warshadaan isbuunyada shaakir dhacdo aan la hilmaami karin oo ugaysatay qasaaro badan.

Dab qabsaday Warshada Isbuunyada Shaakir oo bur buriyay Qeeybo ka Mid ah warshadaasi. { 01 Jun 2008}

warshada shaakir

Dab xoogan oo geeystay Qasaare Maaliyadeed ayaa maanta Qabsaday qeeybo ka Mid ah warshada Isbuunyada Shaakir ee magaalada Muqdisho.

Sida uu  u xaqiijiyay Farxaan Jimcaale oo ka mid ah Howlwadeenada Shirkada soo saarta Isbuunyada Shaakir gaar ahaan Xaruntii ay ku laheeyd Agagaarka Masjidka Dabaqeeyka ee Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa dab xoogan uu qabsaday Dhamaan Qeeybtii wax soo saarka ee shirkadasi.


Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Shirkada Gudeheeda Qalada ku yimid dhanka dabka waxaana lagu mashquul San yahay Sidii loo Damin lahaa Dabkaasi waloow uu Baabiyay Qeeybtii Wax soo Saarka iyo Matooradii shirkadasi iyo makiinadihii lagu Sameeynayay Isbuunyada Shirkadaasi.


Faraxaan ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay Xiligan ku dadaalayaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen Inta ka hartay Shirkada Isbuunyada Shaakir maadaama uu dabka Wada Cag mariyay Qeeybtii soo saareeysay Isbuunyada.


Ma’han markii ugu horeeysay ee uu dab qabsado Shirkadaha Wax soo saara eek u yaala Dalka Soomaaliya waxaana horey dhoor shirkadood uu dab u qabsaday kasi oo loo sababeeyay Qalada ka dhashay Dhanka Dabka ah.

waxa ay kamid tahay dhacdooyinka soo maray xaafada dabaqiinka ee magaalada muqdisho.

dukaan caan ka ah xafada dabaqiin

sawirkan waa muqaalka mid kamid ah dukaamanka faraha badan ee xafada dabaqiinka kasoo ka ah mid caana xafada dabaqiinka,

waa dukaanka cagabarde kasoo ay si aad ah uyaqaanin dadka kunoo xafada dabaqiin iyo aga gaaraheeda, dukaanka waxa aa lagu iibiya waxyaaba fara badan, waxa uuna hatan wali kashaqeeya xafada dabaqiinka.

dukaankii nuur cumar ee xafada dabaqiin oo hatan xiran

sawirkaan waa muqaalka mid ka mid ah dukaamanka ugu waa weeynaa xafada dabaqiin sida aadka ah looga yaqaano kasoo loo yaqaan nuur cumar, kana mid ah dhismaha war shada isbuunyada shaakir ee xafada dabaqiinka

maqayadii hore ee al muflaxiin

sawirkaana waa mid ka mid ah maqaayadaha caanka ka ah xaafada dabaqiinka loona yaqaanay al muflixuun ama axmadeey oo ah maamulaha maqayadaasi kasoo dhalinyarada xafada ay si aad ah uyaqaaneen.

lakiin muqaalka hatan ka muuqdo waxa loo bixiyay magac kale kasoo ah shaati kadib mudadii wadanka ku guda jiray xaladahii adkaay uu soo maray.

lakiin waa mesha ay dhalinyarada ay iskugu imaan jireen taasoo ayna marnaba hilmaameen, dhalinyarada qaar ay ku lahaayeen gooba inta badan laga helo tasoo ay u bixiyeen xafis, inkastoo uu hataan isbadalay waqtigaas.

sawiradaan waa kuwa inta badan na xusuusinaay muqaaladii xafada waana kuma muhiim u ah dhalinyarada xaafada dabaqiinka ayna waligood hilmaameen.

waxa aanu heena kuwakale oo ah muuqaalada muhiimka ah xafada dabaqiinka ka mid ah waana idiin soo ban dhigi doona insha alaah.

waa muuqaalada dhabta ah ee dhalinyarada xaafada dabaqiinka inta aan ka hayno sawiro, waana kuwa aad caan uga ah dalka somaliya magalada muqdisho iyo xaafada ku wareegsan xafada dabaqiinka kuwaas oo hatan ku kala nool dalka iyo dibada .

dhalinyarada-xafada-dabaqiinka

waaxaan kaloo idinkugu soo ban dhigeena halkaan muqaalada warshadii hore ee bastada oo udhaw xafada dabaqiinka kuwaasa oo ah kuwa aan la hilaami karin.

muuqaalada warshada baasta oo ah mid u dhaw xaafada dabaqiinka kuwaas oo aan lahilmaami karin

mapka magaalada muqdisho

sawirkaan waa muqaalka dhabta ah ee mapka magalaada muqdisho.

waxa aan ka arki karnaa wada warshada oo ah mida ag marta xafada dabaqiinka, waxa kaloo aan kabaran karna waxyaaba badan.

waxa aan jecelnahay hadii aan nahay dhalinta xaafada dabaqiinka inay noqoto magaalada muqdisho iyo somaliyaba mid nabad ah waxaanu lee nahay ALLAHA nabad nooga dhigo dalkeena amiin.

somaliweyn map

sawirkaan waa muuqaalka mapka somaliweyn waxa aanu jecel nahay inay soomaali oo dhan ay mid noqo hadafkeena hadii aan nahay dhalinyarada xafada dabaqiinka waa sidaas, anaga hadii aan nahay dhalinyarada xaafada dabaqiin ujeedadeenu ma ah mid qabyaalad ku dhisan.

wax kaloo aan ugu dar daaremeena dhalinyarada nala midka ee soomaaliyeed in aysan hadafkoo ama ujeedada ayna ka dhigi qabiil ama gruub gooni uuna ahaado mid ku dheehan midnimo iyo cadaalad ayna tageeran waxii umada muslimka ah ee somaaliyeed dan tooda ah.

waxaanu leenahay hadii aan nahay dhalinta soomaaliyeed gaar ahaan dhalinta xafada dabaqiinka ALLAHA dalkeena nabad nooga dhigo amiin amiin, angoo nabad ahna nagu soo celiyo wadankeena anagoo wax kusoo kor dhin karna.

somalinimo waa sidaan

sidaan waa  somalinimo


tariikhda xaafada dabaqiin

xafada dabaqiinka waxa ay kutaala somalia/muqdisho/yaqshiid.

magaca dabaqiin waxa aa loo yaqaana masjidka weyn caanka ah ee xafada dabaqiin oo magacaas ay ubixiyeen dadka xaafada lakiin magaciisa saxda ah ee mas jidka waa cumar binu qadaab.

saas uu magacaas uu ugu baxay xafada, waxa la aas aasay 1988 lakiin waxa sifiican loo daga xiliyadii 1990kii kadib.

lakiin inta badan dadka waxa ay uxisaabaiyaan hurwaa waxa agarabka ku heesa ex control balcad iyo sos.

waxa kaloo ay ku agtaala gooba caan ah oo ay kamid yihiin  war shada biyaha igar oo aheed mid hool gali jirtay waqtigii dawladii maxamed siyaad bare, warshada isbuunyada shaakir, shirkada is gaarsiinta barakaad ama hormuud  iyo meela kale waxa ay kasoo jeeda galbeed waa xaafada aad looga yaqaana dagmada hurwaa.

waxa ku yaalay garoon caan ka dagmooyinka magaalada kasoo la oran jiray igar stadiom inkastoo hatan uusan ahayn mid lagu dheelo daruufa jiro awgeedka uu xirmay, ma ahan mid ka go aayo waqtigii ay kusoo qaateen dhalinyara xaafada dabaqiin garoonkaas.

waxaana idiin soo gud bin doona muuqalad dhabta ah ee xafada dabaqiinka inta aan ka awoodno waana mahad san tihiin.


Marquee Text

رب اغفر لي ولوالدي، رب ارحمهما كما ربياني صغيرا

E:mail dabaqiin@email.com dabaqiin@gmail.com   ama booqo www.dabaqiin.wordpress.com

HOOYGA ISKU XIRKA DHALINYARADA XAAFADA DABAQIINKA  ee SOMALIA

47 responses

12 09 2009
mire mohamed molim hasan

walaal waa mire oo kamd ahaa dhalinta ku noleyd dabaqiinka muqdisho

15 09 2009
mohamed madoowe

salan kusocoto dhalin yarada isku duburiday in ii naga haqabtirin in aan kala socono dhalin yarada xafada dabaqiin waxana anigoo ah maxamed c/laahi osmaan inta kaslamaya dhalin yarada xafada dabaqiin dhaman mesha aii jogan

24 09 2009
ABDISALAN HASHI HAGALLEY

waxaan halkaan kasalamayaa dhamaan dhalin yarada xaafada DABAQIIN iyo kuwa soo abaabulay website kaan aad ayaad u mahad san tihiin 100% waa anigoo ah Abdisalan Hashi Hagalley Waxaana idin lee yahay mar kalle . MAHAD SANIDINA

8 10 2009
Omarkaafi cilmi ali

Asc dhamaan dhaliyarada dabaqiin meelwalba eey aduunka uga kala nool yihiin salan sare kuwa soo abaabulay website kaan tariqda xusaaya mahad sanidiin100% waa cumarkaafi cilmi cali

11 10 2009
abdiyare ahmed jama badardiid

waan idin salaaman aqiyaarey magacaygu waa abdiyare ahmed jama xaaladeydu waa ok waxa aan ahay nid kamida
dhalinyaradii xaafada dabaqaynka ahaana saxafiyiintii kahoolgali jiray idaaca iyo tvga codkanabada gbc hadana kunool wadanka swden stockholm aad ayaan ugu faraxsanahay maadaama dhalinyaradu yeelatay web ay kuwada xiriiraan waxa aan idiin rajaynayaa caafimaad iyo horumar insha alaah

22 10 2009
cabdiraxmaancolaad oo ku magadheer bulaxoow

asc dhamaan aqyaarta sxb c/yare badardiid sxb waxaad kaa codsanayaa in aad ciwaankaada aad igu soo darsatid muda dhan ayaan ku goobayay thans

27 10 2009
ali

waan idin salaamay asxaabta ku bohowday web sidkan waadna ku mahadsan tihin sida wacan ee aad usoo faah fahiseen xaafada mahadsanidiin mar kale

27 10 2009
cabdi shakuur

marka hore waan idin salamy dhamaan waxaan salaan gar ah udirayaa qofka wabseydkan sameyay oo xasuus aan ilobey itusay sawirada meshaan mari jira waxaan kuleyahay alla yabarik aqii magaceyga waa cabdi shakuur waxaan filaa asxaab iney itaqaano waxaan jogaa canada intii rer dabaqiin waxaan leyahay aan xiriirno anan iswaheshano aad baan igu faraxsanahay walahay isha alaah dabaqiin anigoo kusonoqon ilaah ima dilo bi idmilaah macsalaama aqwanii waan jeclahay xafadeyda

27 10 2009
cabdi khaadir carab

salaan mida igu sharafta badan igahoo walalaheyga dabaqiin aad baan inii xiseyaa aad baan igu xiisay xafadeydii iyo mudisho magaceyga waa cabdi khadir carab waxaan idin leyahay walalayaal aan aan isxiririno waxaa mahad gaarha iga mudan ninka kufikiray ama qofka kufikiray inuu wabseydkan dhalinyarada dabaqiin keenay mahadsanid aqii walalayaal aan xiriirno aan iswaheshano aan isgarabqabano keeni liita oo dalka jooga walalayaal waxaan iduceyneynaa xafadenii sharafta badney qumaha badney udgoneyd in ilahay siwanaagsan nabad nogu dhaliyo jisa kumulaah qeyr aqwanii ´by waa danmark

5 11 2009
qasin maxamud cigale qasin coon

asc halakaan waxaan kasalamaa dhamaan aqayarta xafada dabaqeen melkasto ay jogaan salan qaali ah ayaan hawada umarinaa salan kadib waxan salama bahda wabka dabqiin kuligod kuwii soo agasimay iyo kuwa shaqada laqabtayba waan idin salamaa by

13 11 2009
c/risaaq oo kumagac dheer alow ootaqaan dhalin yarada dabaqiin

a/s waa c/ risaaq oo idin salaamaya kaasoo kunool al aan wadan ka yamen waan idin salaamay walaala yaal dha maan tiin waan kufaraxsanaha dhalin yarada oo isku meel aad iskugu keen teen waxaan in ku baaraa rujinaa inaad waxabarataan wa xaa wadan ka an facaa beri kamaalin waa aqoonta

26 11 2009
salaad gacanka ciyaal sooqa xoolaha gar ahaan sarta miinada

sxb yaal waxaad mudantihiin in niila godoon siiya bilad sharaf laakin sawiradiina waxaad moodaa in ee ku kooban yihiin xafad qura waxaan inka dalbanaa sii balaraiya barnaa mijkan si aad ugaartaan hadafkiin by aqyaarta

26 01 2010
OMAR XASAN XAYDAR (FAARUUQ)

DHAMAN DHALINYARADA DAQIIN WANSALAAMAY DHANTIN MASHA ALAH WAAN KUFARXAY MARKAN ARKAY WEBKA OO DHALINYARADA KUWADA DHAN YIHIIN SALAAN MIDA UGU QIIMAHA BADAN AYAAN WAXAAN IDIN KAGA SIDAA

YAASIIN CIBAAR (MACALIN YASIN)
MAXAMED CABDULAHI CALI (GUREY DHEERE)
BASHI XUSEEN SHEIKH ALI ( BASHI CARAB)

BASHAL WANAGSAN DHAMAN REER DABAQIIN MEELKASTA AAD JOOGTA

10 04 2010
caaqil dalmar

waa idin salamay dhaaman aqyaarta waana ku mahadsantihiin hadaaba yeelateen web oo sahlaya in ay isku xusaan dhalinyarada reer dabqayn waa cabdi fitaax macalin cali oo ku magac dheer (abuu walad) oo mar kale idin leh waadna ku mahadsantihiin laakin waxaan idin ogaysinaya hadii dhalin yardii la xusay maxaa gabdhaha looga reebay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

17 04 2010
hassan ahmed jim.ale hassan saas

waxaan halkaan ka salamayaa dhamaan dhaliyarada xaafada dabaqiin waa markii iigu horeeysay oo anigoo ah hassan ahmed jimcaale la iina yaqano hassan saas aan ka salaamo dhalinyaro aan jeclahay dhamaantood meer walba oo eey joogaan waxa aana dhihi karaa waa dhalinyaro mudan in lagu da.do maxaa yeelay dhalinyaro xaafad waad ogtihiin inta eey la egyihiin waxaa la iskugu keenay hal meel waxaana aan ugu mahad cilinaya dhamaan dhalin yarada isku taxluujisay barnaamishkaan sida c/qadir oo loo yaqaano oowqaasin macalin saalax maxalin yaasin mahamud cibaar macalin abdi yare iyo inta ka geeystay gacan waxaa mid aan la i loobi doonin dadka isku huray waa taariiq lam iloobaan ah ok waan idin slmyaaaa dhamaan reer dabaqiin salaamu laahu caleey kum waxaa macquul ah dad badan in eey is dhahaan hassan saas
halke uu ku nool yahy ma uusan sheegin waxaad ka hili kartaa wepka ok byyyyyyyyyyyyyyy

28 04 2010
saleemaancali sheekeeye

السلام عليكم ورحمة الله وبر كاته
iqiyaarta waxaan in ku salaamay 114ka qur aanka
waana ku farax sanahy in lasoobiyo dad weeynaha dabaqiin meel eey ku
xariiraan ماشا الله kuli waad salaamantihiin waxaana idiIN RAJEEN nolol raaxa leh qasantan dad ka soobiyay web KAAN

2 05 2010
abdulaahi axmed abdulle

waa idin salaamay dhamaan dalinyarada xaafda dabaqeyn , waan ka xumahay burburka qabsaday xaafadii yaraanteen aan ku baashaali jiray .
ciyaalka ku nool qurbaha iyo xaafada waxaan u rajeenaa nolol macaan

6 06 2010
xusee adan imaan oo kumagac dheer xuseen dufle

asc waad salaamantihiin dhamaan dhalinyadara xaafada dabaqiin salan kadib waa kumahadsayihiin ragii soo abaabulay marnaamijkan quruxda badan ey ku kulmaan dhamaan dhalinyarada xaafada markale waan soodhaweynayaa waana taageersanahay anigoo ah XUSEEN ADAN IMAAN XUSEEN DUFLE

13 06 2010
Anonymous

sxb waxaan kuweydiinaa dabaqeenka makan madiinaa mase kan suuqa xoolaha taas ayaan kaarabaa cadeynteeda hadii uu yahay kan madiino waan taageerayaa se

14 06 2010
Norway_oslo

A/s/c dhamaan waa salaamantihiin bahda webka salaam kadib waxaan rabaa inaan rayi dinku biirsado waxaad meesha ku soo qorteen dhalinyarada dabaqiin maxaa keenay xassan saas m.yaasin siinaay c.yare saalax ragna waxa ay dagan yihiin ceelka eenaayo ragna sos soo lama dhihi karo webka been abuur kaliyah waaye good night

26 06 2010
hassan ahmed jim.ale? hassan saas

asc dhamaan waxa aan halkaan ka salaamaya salaan qaali ah dhamaan dhalin yarada xaafaada daabqiin anigoo ah hassan ahmed jim.ale la iina yaqaano hassan saas kuna nool dalka uganda waxaan halkaan tacsi tiireenyo leh ugu jirayaa qooskii oo ka geeriyooday muqtaar kuna an baxay feeroon dhalinyarada dabaqiin iyo dhamaan qooskii oo la geeroyooday inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun ilaah aayan uga baryaa in uu geeyo janadii ilaah ha u naxareesto walaalkeeyn muqtaar byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy ok dhalinyarada dabqiin waa dad isku xiran ok byyyy my name is hassan saaas?

26 06 2010
hassan ahmed jim.ale? hassan saas

waxaa halkaan ka raadinayaa my dear bro ahmed cumar cismaan oo loo yaqano axmed la baaaley fadlan hadii aad aragto warkaan gaarsii axmed la baaleey maxaa yeelay waan wayay in muddo ah ayan raadinayay waa hassan ahmed jimcale loona yaqaano hassan saas?

28 06 2010
duceysane

waa idin salaamay dhamaan reer dabwqeen meel walbaoo jogtn

16 08 2010
Anonymous

sxb magacayga waa cabdulqaadir ahmed osman sxbyaal waxaan rabaa in la soo badiyo sawirada xaafada hadii la helaayo kuwa cusub maxaa yeelay waxaan rabaa in aan arko sawiro dheeraad ah waad salaamantihiiin aniga ma daganeen dabaqiin lkn waxaan daganaa warshada baastada lkn markii ugu danbeeysay ayaan dabaqiinka u sooo guuray ok byyyyyyyy cinwankayga facebookana waxaa waaye osman ahmed osman

27 09 2010
axmed

waa walaalha dabaqayn madiina xoosh

28 09 2010
dagan

xafada dabaqiin saan maa loga kala tagayna hada baabah camalaa

8 11 2010
aliduceysane

halkaan waxaan ka salaamaya dhalinta dabaqiin oo idin sida ey u dhanyihiin
haku sugnaadaan dalka ama dibada all of them

24 12 2010
Raxmo xasan cilmi

A.s.c dhaman walalaha reer dabaqin meelkasta aad joogtiin waxaa idin leyahay nabad ku nolada .a.s.c

24 03 2011
C/risaaq cali maxamud

Asc sxbayal anigoo ah c/risaaq shiq cali kuna magacdher harqaanle waxaan halkaan kasalama dhalin yaradi xafada dabaqin dhamantood si gar ah kuwi iskuhowlay barnamish kaan waxan idinleyahay waad mahad santihin sxbayal asc. saaq6@hotm

21 04 2011
Magaceygu waa maxameed axmed maxamed {m.juba}

Dhamaan halkaan waxaan ka jsalaamayaa dhalin yarada xaafadda dabaqiin kuwooda maqan iyo kuwa jooga intaas ka dib waxaan dadka reer madiino usheegaya webkaan waa dabqiin yaaqshiid ka gudub waxaan dhalinta reer dabaqii leeyahay meel kasta ku noolaada farxad wargelin={dhalasho habeenimo arboco ah 10:17:pm taariiqdu tahay 19.04.2011ka waxaa deegaanka c/biyaha wiil ugu dhashay c/qaadir xassan maxamed oo ku magac dheer c/qaadir geney magac bixintuna waa xagiiina iyo anagoo magac ka xulana} ok by mahadsanidiin

25 05 2011
Waa dabaqiin

Waxan salaama dhaman dabaqiin iyo dhalin yarada oo kala ah xasan xagaleey cabdi naasir tiirey iyo qaasin qube

19 06 2011
Cabdi xakiim cali xuseen

Xusuus weyn ayeey u yihiin masawiradaan reer dabaqeyn

24 07 2011
Anonymous

asc all ciyaal madiin waan idiin salaamay saa udhan tihiin qaasataan waxaan halkaan kasaalaamaa cayaal dawakaaya madoow all see udhan yihiin

22 11 2011
Cabdil bari cudwaan

Marka hore salan qima iyo sharaf leh wana السلام عليكم
xafada dabaqiin waa xafad mar naba an hilmamen.tankale sanadkan xafada dabaqin aya ah mid cadowga hada hoy ey ka dhigten.masjidka caanka ah e cumar bin khadab ayey farisin ka dhigten cidamada amison aya ku xadkudbaya qeb ka tirsan xafada.halka cidanka itobiya ey san ku subin xad ku dub inta la eg.wariye:cudwan
muqdisho/somalia

6 01 2012
C/shakuur ciise

Waxan ka mid ahay dhalinta deegan weeynaha xaaafada dabaqiin waxan idiin rajeenaya wax qabad wanag san

3 04 2012
maxamed c/llaahi cali jimcaale

Aniga dhab ahaantii wan ka xumahay taariiqda sida loo soo qoray xaafada waxaaa laga tagay sawiro fara badan iyo wiliba dhalin yarada wacdarooyinkii ay ku soo ban dhigi jireen wadada jaayga gaar ahaan fagaaraha guriga cismaan jareere iyo xasan saas inta u dhaxeeso dhab ahaantii markii aan xasuusto xiligii dhalinta ay kubada ku ciyaari jireen wadada jaayga aad baan u farxaa mida kale waa in an is xariirinaa hadaa nahay dalinta xaafada dabaqiin aniga waxaan xaafada ka daganaa inta u dhaxeeso guriga maxuud gacameey ama c/qaadir ganeey iyo xasan yare ama xasan saas ok

17 06 2012
C/kaafi m urur oola dhashay nuur carab

Asc halkaan waxaan kasalaamayaa halkaan dhalan yarada xaafada dabaqiin salaan kasoogo day halboolaheeyga usoo go day dhalan yarada xaafada dabaqiin qaas ahaan halkaan waxaan kasalaamayaa xuseen shancad oo kumagac dheer dooli kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

19 08 2012
abdiqani mohamed ahmed

asc waxaan halkaan ka salaamayaa dhalinyarada xaafada dabaqiin magaceeyguna yahey clqani mohamed ahmed oo ku magacdheer clqani booteeye ama samiir iskutaale qofba seey ee taqan waaan leeyahey websitkanan dhalinyarada sameeydey aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaah anagoo leh nabad galyo iyo kulan dambe oo xiiso leh

26 08 2012
C.shakur.m.m.ibar oo u wada taqaanaan siinaay

Run ahantii dhamantin wan idin salamay waxa xusus nogu filan inta webka kuqoran o xafadeni naxu susi neysa waxaana idin leyahay dhaman in reer dabaqin ahan jirtay is xiriiriya hadi kale waxaan umaleyna in lays dhihi doono nin yahay wan ku arki jiray e halke? Asxabey waxan idin dardarmaya intii dhimatay alaha samir naga siyo inta noolna in ay isisalaman koley aniga albitarihi xafada ayan ahay raga qaar kisna hada ayeyba jaalayaal ayey qaban u hogaminayo ow qaasin kkkk thnks any way ibni adam isway waqtiga kala geyay

19 08 2013
sakariye yarka urur

asc waxaan halkani ka salaamaya dhilinyarada xaafada dabaqiiin waxaan leeyahay dhalinyarada dabaqiin noolaada nabad iyo barwaaqo

19 08 2013
cabdulahi abdi ramaa

dacsi

14 11 2013
Anonymous

dabaqiin walhi xaafad jirto waaye iyo macalaa dadka ka soo jeedo xaafadaas iyo dadkeedaba alaha dhooro

21 11 2014
Anonymous

amiiiin amiiiin

26 07 2015
salmaaan cali sheeekeye

asc dhamaan waaan salamayaaa asxaabta daqiin meeel walba eey joogaaan

29 08 2015
Anonymous

aniga oo magacaygu yahay mohamed Axmed shirrow kuna magc dheer mohamed qadar waxaan halkaan ka salamayaa mamulka warshada shakir gaar ahaan shiikh cabdullaahi waxaan halkaan ka salamayaa dhamaan shaqalaha ka shaqeya shakir c/fitaax tacable mohamad xirrsi jabane farax jiis samigayga qadar

20 10 2016
cabdinaasir maxamed axmed

Asc maga ceygu waa c/naasir maxamed axmed oo loo yaqaan biriye waxan salamayaan dhaman dhalinyarada xafada dabaqiin mel kasta ey jogaan

26 11 2016
mahat omar abdulle

waxan ahay dhalinyarada xafada dabaqin lkn web kan manta le arkay aykubegantahay 26/11/2016 wa malin sabti ah sacadana ay tahay 4:45pm magacegu wa mahat omar abdulle aad ayan ugu farax sanahay an arko web kan waxan u rajena dhaman musliminta gar ahan xafada dabaqiin ka si gar ahanend dalintyarada cafimad iyo cibada suban insha allah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: